SOOYAALKA SANADKII TEGAY SADEX BAA LAGA XASUUSTAA.By Cabdiraxiin Hilowle Galayr..

0
Friday February 19, 2010 - 12:22:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOYAALKA SANADKII TEGAY SADEX BAA LAGA XASUUSTAA.By Cabdiraxiin Hilowle Galayr..

    SARDHADA SHARIIF , SAHWIGA AWAYS, IYO SURGOOYADA SHABAAB

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SARDHADA SHARIIF , SAHWIGA AWAYS, IYO SURGOOYADA SHABAAB

Waxaa  aduunka sanad waliba reebaa sooyaal ama sawrac taariikheed oo uu kaga duwan yahay sanadihii kale  iyada oo aanu sanadku lahayn sababta diintuna noo sheegtay in allaha awooda leh sanadka leeyahay siduu doonana sanadka ka dhigo balse waxaan  ugu magacdarnaa
Sooyaalkii iyo sababtii sanadka  maadama magaca ama xiliga uu yahay sanadka.
 
Hadaba sanadkii tegay ee 2009  waxaa dadku xasuustaan dhacdooyin badan oo ay ka mid ahaayeen siyaasadii xiinka waalnayd iyo soo dhawayntii dowlada shariif iyo saadaashii nabada iyo saxansaxadii qaran oo mar keliya si kale isu bedeshay .
 
Waxaa inta badan dadku hadal hayn jireen 1991 ilaa 1993 oo dagaalo badan oo kala nooca dalka soomaaliya ka dhaceen kuwaaso wajiyo jabhadeed iyo wajiyo qabiilba lahaa balse Waxaa ka xanuun batay sanadihiin  ka danbeeyay ee 2006 ilaa 2009 oo ahaa sanadihii Ugu dhibaatada badnaa dadka iyo dalka .
 
Markii laysu dilayay qabiilka intaad qabiilkaaga dhex joogto waxaad helaysay nabad

Markii laysu dilayay jabhad iyo dowladna hadba kaad la joogta waad ka amaan helaysay

Balse markii ay timid in cadow dibada ka yimid ama itoobiyaan ha noqdo ama yugaandhiis ama  carab iyo muhaajiriin kuwa la baxay ee danbilayaasha ka ah dalalkoodii.
 
Waxaa  dhamaan ama gebi ahaan burburay badi gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya oo ay colaada iyo dagaalada diimeed ku baaheen  waxaa suulay nabadii oo aan weliba lahayn xal ama rajo dhaw oo la saadaalin karo inkastoo ay xuntahay quustu.
 
Hadaba aan u soo noqdo dulucda iyo ujeedada qoraalkayga oo u dhacaysaa sadexdaa

Maanlaawe ee maanta dalka ku hirdamayaa xaqiiqiyan  aduunka waxaa ka dhacay dagaalo

Lagu hoobtay oo waliba cir iyo dhul laysu adeegsanayay balse dhulbalaadhsi iyo dhaqaalo badsi iyo awood sheegasho iyo martabado kala duwan ayaa loo dagaalamayay waxayna lahaayeen guulo laga gaadhay iyo waqti uu bilowday iyo waqti uu dhamaaday.
 
Hadaba  inaga  keenu waa mid ka duwan oo aan lahayn dhamaad iyo ujeedo ama guul laga gaadhi karo aan hayn in umada iyo maatada iyo shacabka la dabar jaro.
 
Miisaanka siyaasada hadaan usoo galno anigu mayhi siyaasi balse  soomaalidaa ku maahmaahda sadar muuqdaa su,aal ka dhan oo maanta arimaha soomaaliya yaalaa waa tii xiligii casri jaahiligii anigaa kaa xoog wayn iyo anigaa kaa xoog wayn iyo is xulufaysigii.
 
Mararka qaar markaad dheehato taariikhdii unduluz waxaa kuu soo baxaysaa bidhaan halka maanta soomaaliya marayso oo ah mid la suulinayo jiritaanka umadeed ee dhaqan dhaqaale iyo diinteeda iyo caqiidadeeda iyo dhamaan assaaarta ama raadraaca umada soomaaliyeed Aan dib ugu noqdo erayadii ama halku dhigyadii iyo balanqaadyadii iyo arimihii sanadkii tegay a ay yidhaahdeen kooxaaha mucaaradka ah iyo DKM .
 
Waxuu yidhi shariifku waxaan umada ku dhaqayaa cadaalad sinaan iyo shareecada islaamka Balse waxuu ku dhaqay aamusnaan uu ka aamuso  dhibka lagu hayo  arxandaro uu awood u yeelan waayo inuu ka joojiyo madaafiicda iyo ciidamada yugandha iyo burundi ku garaacayaan iyaga oo aan dowlad iyo mucaarad iyo shacab midba u aabe yeelayn iyo kuwa soomaalida ah ee  tuugada ah  iyo  axdiqarameedka oo iminka aan cidna lagala xishoon  halkudhigyada ah , too ay meel walba la taagan yihiin  buugii cabdilaahi yuusuf uu u qoray males sanaawi  XBT ._257/28 qodobka ah waxuu dhigayaa in la samayn karo xaafado mid waliba madaxweyne leedahay qabiilka xaafadu ugu badan ka dhashay. Cajiib waa dhaxalkii dowladii midnimada qaran iyo jamhuuriyada islaamiga ah ee soomaaliya magacyom wacnaydaa !!!
 
Waxuu yidhi xasan  daahir sahan ayaa inoo maqan oo yaan reerka la furin waxuu ku furay guri kutaan, xajiin , qaniin, dulin , gafane iyo shilin ka buuxdo shacabkii yidiidilada iyo dowladnimada iyo heshiiska wadada sugaya iyo inay maalin uun nastaan  waxuu ka raray guryahoodii ay mar labaad soo hawaysteen markii cadoowgii amxaarku ka baxay inay yagleeshaan markay carareen ee ay banaanka u qaxeen meeshay nafta bideen  waxuuna kaga daba tegay halkay ku noolaayeen isaga oo ilaa hada la daba taagan hadimo iyo hagardaamo iyo dhibaato aan kala go, lahayn waxuu sheegay inuu yahay kaluuun dadka shacabka ah baddii iyo biyihii aanuna weligiis lugta kala baxayn ilaa biyuhu ay banaanka iska soo dhigaan.
Waxuu ku caanbaxay  nin jecel kursi balse nasiibku u diiday waxuuna balan ku qaaday
In riyadii cabdulaahi yuusuf yeeyba ay rumoowday isagana ay u rumoobi doonto balse isaga iyo shariifbaa waxaa  seejiyay talada oo u diiday waxay jeclaayeen tiinkii ay shalay beereen waa alshabaab.
 
Shabaabka iyo halku dhigyadoodii , waxay diinta islaamka ah oo dhan ka soo qaateen hal qodob oo ah jihaad , waxay umada islaamka ah ka dhigeen gaalo waxayna soomaaliya ku beereen dhaqamo aan weligood ka dhicin sida is qarxinta is gaalaysiinta,  diinta oo laga been sheego  dumarka oo xoog lagu guursado danbiilayaasha ama nimanka aduunka oodhan wantedka ah oo lagu tilmaamo walaalo islaam ah oo xaqa ku taagan iyo islaamka iyo waalidka iyo walaalka iyo waxgaradka iyo culumada iyo dhamaan qaybaha bulshada oo gaalo lagu xukumo iyo rido oo nimaan qaadi ahayn fatwoon karin iska xukumo surkana ka gooyo
Waxay  doorsheen diintii waxay dumiyeen dalkii wax dulmiyeen dadkii waxayna dab ku shideen dabarsame calankii soomaaliyeed.
 
Hadaba sanadkan cusub maxaan sugaynaa ilaahay waa sareeye isagaa awooda iska leh
Samaan iyo nabad iyo sinaana inooma waayin ee soomaali ayaa siloon oo marinka seegtaye
Siyaasadeena maka saarnaa  qabiil iyo 4.5 maka saarnaa kanaa saxan oo waxbuu I siiyay
Maka saarnaa si kale kuma diidin ee waa sayncadaale oo sumad reer kale ayuu wataa.
 
Waxaan ku soo afjarayaa sooyaalka sanadkii hore  dhawr sadar oo maanso ah .
 
Indhawaydba suugaan
Sadarada murtida iyo
Seeraheeda maansada
Iyo soohdinteed nacay
Markii ay sakalantee
Si xun loo sibaaqee
Sawracay lahaydiyo
Soofkeedii laga raray
 
Saakay naftaydii 
Salowga iyo qaylada
Subaxnimo la toostee
Soomaaliyeey maqal
 
Sooyaalka waayaha
Suldaankii shariifee
Taajka aynu sudhanay
Sinaan iyo cadliyo nabad
Samaan iyo wanaagiyo
Saxnaan lagu tilmaamiyo
Saami dowladnima iyo
Sifihii shareecada
Sadexdaa midkeebaad
Soomaalay ka haysaan
Inuu samada duuloo
Hadba saylad joogoo
Sacab loo garaacoo
Sawaabyada yugaandhiyo
Suuluuga burundina
Soomaali madhiyaan
Sawaariij gantaala ah
Sun ku buufiyaanoo
Ka sareegan waayoo
Sifuhuu lahaa iyo
Umadyahay samaantii
Sidii hore ma haysaan
Mise zero weeyaan?
 
Sahankii awaysee
Subixii fagaaraha
Sacabka aynu tumaynee
Soo dhawoow lahaynee
Sadaashii waagiii
Inuu suuqyadii xidho
Sabanka iyo kaaraha
Sawaariikhda dilaantiyo
Suuga iyo boobaha
Siikaawa mooyee
Sifo diin ku taaliyo
Sadaradii kitaabkiyo
Saymo wada barwaaqa ah
Saac iyo ugbaad leh
Saaka miyaad ku haysan
Silic iyo xanuuniyo
Sintoo ciida qabanliyo
Saxariir xun mooyee
Sahankii dhabta ahaa
Soomaalay ma haysaan
Mise zerro weeyaan.?
 
Kuwa sulubka haysteee
Isa sudha bombada ee
Surkiyo madaxa duubtee
Sibyaantii afduubee
Sakaraad ku ridayee
Susaydhka wada dhigay
Umulaha sadqeeyee
Salaadiinta gowracay
Ee samaha necebee
Xumuhuu sameeyee
Soohdintii islaamkiyo
Saymihii talaabee
Surka gooya maatada
Sifo aan ku raacnoo
Sax weeyaan nidhaahno
Soomaalaay ma haysaan
Mise zerro weeyaan.?
 
Waxaan ku soo afjarayaa maqaalkayga siyaasada soomaaliya weliba bartmaha iyo koonfurta
Malaha miyaa  sahan ama saadaal aan dagaal iyo suluf iyo sirgac wadan?
Mise waa samanul aakhiroow waxay sugnaaba waa buunkii samada la yeeran lahaa
Soomaaliyeey ilaahay u noqda ogaadana waxaydaan is yeelin inaan aduunka iyo umad kale toona na yeeli karin.
 
Wabilaahi tawfiiq
 
Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip