W/Q: Sh.C/qaadir Sh. Maxamad Mataan-(Colow).
shcolow@hotmail.com
Mobile: 0060-173817184
Kuala Lumpur-Malaysia.
Sida lawada ogyahay Caalamka islaamka Sanad walba Bishan Rabiicul Awal waxaa laga xusaa Munaasabad weyn oo Diini ah Taas oo ah Dhalashadii Nabigeena Muxammad-scw, waxayna isla qirsan yihiin Taariikh-yahanada oo dhan kuwa Muslimiinta iyo kuwa Diimaha kale intaba inay Dhalashada Nabi Muxammad-scw tahay (حدث عظيم) Dhacdo weyn , Bal Culamada islaamku waxayba sheegeen in marka laga reebo soo dajinta Quraanka oo isagu ah Kalaamkii Allah in aanay jirin dhacdo kale oo ka weyn oo Dhalashada Nabi Muxamamad-scw oo Koonka ama Caalamka ka dhacday , Sida uu Caddeeyey Caalimka weyn ee Maal-qabeenka ah ee Reer Xijaaz (Sheekh Muxammad Cabdoh Yamaani) waxa kale oo sidan oo kale sheegay Caalimiin waaweyn oo kamid ah Culamada Ahlu-sunnah ee Sudan.
Bal waxaaba la dhihi karaa waa dhacdadii ugu weyneed haddii Liiska dhacdooyinka laga saaro soo dajinta Quranka oo laga dhigo Sifo Allah oo Azali ah , sida Buxuuthta ama Baritaanada Cilmul Caqaaidka Qaarkood ku sugnaatay.
Taas haddii aan ka gudubno waxaad is barbar dhigtaa Sifooyinka uu ka muuqdo Naceybka, Cadaawadda, Karaahiyada, Xaqiraada, Caayda, inkiraada, Xishood-darrida, iwm, oo Bishan oo kale ay la qeyla-dhaamiyaan Bidcada Wahaabiyiinta, iyo dhanka kale Gaalada yahuuda gaar ahaan kuwa ku sugan Wadamada Scandinevian–ka , oo iyaguna Xilligan oo kale Nabiga-scw ku Caaya Sawirro xun-xun oo ay u ekeysiiyeen Xayawaanada Doofaarka, Eyga, Daayeerka, iwm, ama wax kasii fool xun oo aan la aqoon oo ah Sawirada “Cartoon Pictures” ee Jinni-jinni-ga.
Waxyaabaha ay Wahaabiyadu Caanka ku yihiin oo lagu yaqaan isla markaana ay Sharafka iyo Qadarka Nabiga-scw wax ugu dhimaan ku xaqiraan kuna xasdaan waxaa kamid ah:
1- Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn in Nabiga-scw la Ammaano waxayna ku andacoodaan in laga bad-badiyey, iyagoo Ammaanta Nabiga-scw, Meeshii ay ka maqlaan ka carara, sidii Xoolo Bahal galayna dida oo isbuurta.
Sida la ogyahay waxaa Nabiga-scw Ammaanay Allah-sw oo isagu abuurtay, waxaa Ammaanay Malaaigta, waxaa Ammaanay Dhamaan Mu’miniinta Ummatul Muxammad-ka oo ay ugu horeeyeen Asaxaabtii Rasuulku, waxaa Ammaanay dhamaan Ahlul Imaankii Umadihii ka horeeyey Ummatul Muxammad-ka, wuxuuna Allah-sw ugu balan qaaday kuwa Ammanaya Ajar fara badan oo aan Cadad iyo Xisaab laheyn, Xitaa waxaa Nabiga-scw Ammaanay Xayawaanada aan Caqliga laheyn ee ku sugan Bad iyo Barri intaba, waxaa kaloo Ammaanay Waxyaabaha loo yaqaano Jamaadaadka ee aan Nafta laheyn sida Buuraha dhagaxaanta iyo Geedaha, intaas oo dhana waxay ku sugnaadeen Addillo cad-cad oo ku sugan Diinta islaamka , Khalkhiga Ilaahey oo dhan wax ka haray ama nacay Ammaanta Nabiga-scw oo aan Wahaabiyo aheyn majiraan, taasina waxaa Hubaal ah anay tahay Nasiib darro iyo Shaqaawo Sheydaan u qurxiyey.
2- Waxay xitaa ka caroodaan in Nabiga-scw loogu yeero Eray Sharafeedka “Sayid” sida in la yiraahdo, (Sayidinaa Muxammad), Sayid: waa Eray Sharafeed lamid ah Mudane , Allahna ugu yeeray Nabiyadiisa sida Nabi Yaxye-cs.
3-Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn in Nabiga-scw loogu salliyo dhamaan Siiqooyika ama Keyfiyaatka kale ee aan aheyn Siiqada ama Keyfiyada ibraahiimiyada taas oo ah Ciriiri galin iyo soo koobid Salliga Nabiga-scw.
4-Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn in Nabiga-scw lagu Tawasulo, taas oo ah in Allah-sw, wax lagu wediisto Jaaha iyo Qadarka Weyn ee uu Nabigu-scw Rabbigiisa agtiisa ku leeyahay, Mas’aladana waa Mas’alo ay Addiladeedu Qoraxda ka cad-cad yihiin isla markaana Ijmaac ah oo ay ku kulmeen dhamaan Culamada islaamka oo idil, ayna ka allifeen Kitaabo u gaar ah oo Caddeynaya Sharci ahaanta Mas’aladaas, marka laga reebo Whaabiyada iyo Sheekhyadooda, oo iyagu si cad uga xasday una quuri waayey inay Nabiga-scw siiyaan Darajadan iyo Maqaamkan weyn.
5-Waxay si cad u inkireen Shafaacada Rasuulka-scw ee Maalinta Weyn ee Qiyaamaha, waxana sugnaaday inuu Nabiga-scw u Shafeecayo dhamaan Umadihii horeeyey iyo kuwii danbeeyey intaba, waxayna Wahaabiyadu galiyeen Muran farabadan, oo aan nuxur laheyn kaas oo lagusoo koobi karo gabi-dhacyeyn mar ay ku andacoonayaan inaanu Nabigu-scw Qofna u Shafeeci karin illaa Dad yar oo gaar ah oo loo ogolaado maahane , marna ay ku andacoonayaan inaanayba sugnaan Axaadiista kusoo aroortay Shafaacada Nabiga-scw, arintaas oo ah runtii Qatar weyn iyo Qar iska tuurnimo ay ku dhiiradeen.
6-Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn in loo safro Ziyaarada Nabiga-scw, iyagoo isku daya intii karaankood ah inay ka reebaan Malaayiinta Muslimiinta ah ee isugu yimaada Sanad walba Xajka inay u baqoolaan oo ay Safar ugu baxaan Magaalada Madiina ee ku yaalo Qabriga Nabiga-scw, lakin taasi uma suuroobin oo wey ku fashalmeen si xun ayena ugu guul dareysteen, waana Allah-sw Mahaddii.
Xitaa waxyaabaha yaabka iyo Qariibka ah!! ee Naceybkooda Muujinaya waxaa kamid ah: in “Ibnu Taymiyah” oo ah Sheekha ugu weyn ee Wahaabiyadu Diinta ka qaataan Kitaabkiisa Fataawiga ku yri: (Safarka loogu safro Siyaarada Nabiga waa Safaru Macsiya Salaadana looma gaabin karo) Taas oo macnaheedu yahay inuu isla meel dhigay Safarka Qofka u socda waxyaabo Danbi ah sida: Dil, Dhac, Sino, iwm, iyo Safarka Ziyaasarada Rasuulka-scw, lakin waxaa taas ka hadlay Culamadii islaamka ee Xilligiisii joogay kuna tilmaamay in Hadlkaasi Kufri iyo Gaal-nimo cad yahay, iyagoo Mahadho iyo Wax aan la arkin lana maqal ka raacsiiyeen ilaa ay Qiyaamadiisii ku qunto kuna Halaagsamo Xabsigii weynaa ee Qalcaddi Dimishiq Taariikhdu markey ahey 728-Hijriya.
Waxa kale oo iyaduna Yaab iyo Cajiib leh!!: in aanu Naceybkoodu intan kaliya ku akeyn balse ay sameynayaan waxyaabo kale oo kasii yaab badan, Tusaale ahaan waxay isku day ugu jiraan inay Kutubta Waaweyn ee Maraajicda islaamka ee ka hadleysa Ziyaarada Rasuulka-scw inay Taxriifiyaan/Dooruyaan ama ay badalaan , Kutubta ay kharibeen kuna ciyaareen halkan laguma soo koobi karo, lakin waxan Miisaal usooo qaadan karnaa: Kitaabka Mash-huurka ah ee loo yaqaano “Adkaaru Nawawi” ee uu leeyahay Xaafidka weyn ee (Imaamu Nawawi), Waxaana Qiyaanadaas ku sameeyey Ninka la yiraahdo “C/qadir Arna’uud” oo ah Tifaftire Kutubta Wahaabiyiinta isla markaana ka Ganacsada Kutubta, Ninkaasi wuxuu badalay Ciwaankii Imaamu Nawawi oo ahaa: (باب زيارة قبر النبي صلي الله عليه وسلم) isagoo ku badlay (باب زيارة مسحد الرسول صلي الله عليه وسلم)isla markaana wuxuu gabi ahaanba kagooyey (قصة العتبي), oo ahayd Qiso ku saabsan Sheekh Taabici ah iyo Nin Acraabi/Reer-baadiye ah oo Nabiga-scw soo ziyaartay kuna tawasulay.
Lakin sidii Caadada u heyd Culamada islaamka Zaman kasta oo ay joogaan Qiyaanada ceynkaas ah waxaa ka dhiidhiyey diidmana ka muujiyey Caalimiinta Ahlu-sunnah ee Casrigan jooga kuwaas oo laga xusi karo: Caalimka Reer Imaaraad Sheekh Maxamuud Saciid Mamduux , Caalimka Reer Masar Sheekh Maxamuud Al-sayid Subeyx , Caalimka Reer Kuweyt Sheekh Yuusuf Bin Haashim Al-rufaaci , Caalimka Reer Jordan Sheekh Xasan Bin Cali As-saqaaf , iyo kuwo kale oo dhamaantood Kashifay Daahana ka qaaday Makriga, Hagarka, iyo Naceybka ay Wahaabiyiintu kula dhaqmayaan Rasuulkeena Muxammad-scw, iyo Qadarkiisa weynanka badan.
7- Albaani oo dhintay kana mid ahaan jiray Wadaadada Wahaabiyada buugiisa uu ku magacaabay (تحذير الساجد من إتخاذ القبور مسا جد) wuxuu ku yiri: “Kuwa ku sugan Qabriga Nabiga waxa ay sameynayaani waa Shirki waxayna Caabudayaan Nabiga sidaa awgeed waa in la bur-buriyaa Qabrigiisa Lafihiisa Meesha laga saaraa”.
Subxaanallaaaaah !!!.
Walalayaal bal eega Dhiiranaanta, Af-adeyga, Xishood-darrida, Aadaab xumida, iyo waxa Dadka Diin looga dhigayo, waa wax Cajiib ah!!!.
Hadalkan waxaa ku sugan Laba arimood oo kala daran , Tan 1aad: wuxuu Sanam la caabudo ku tilmaamay Nabi Muaxammad-swc, taas oo ah Xaqiraad iyo Caay Meeshii ugu danbeysay , Tan 2aad: wuxuu Mushrikiin Gaalo ah ku tilmaamay Muslimiintii ziyaaranayey/booqanayey Nabiga-scw ee joogay Qabrigiisa.
8- Waxay dadka ka dhaadhiciyaan inay Xaaraam tahay isla markaana aanay banaaneyn in Xus iyo Ixtifaal loo sameeyo Dhalashada Nabiga-scw, tan oo ah mida ugu daran, oo bal sikaba daa inay iyagu sameeyaane ay dhimasho ka xigaan in xitaa dadka kale Sameeyaan, Tanoo kalena waa tii lagu tilmaami jiray Shaxiix-nimo oo ah Bakhiil-nimo xadka ka baxday, sababtoo ah Qofka wixiisa ku Bakhiila waxaa layiraa Bakhiil, lakin Qofka wax dad kale leeyihiin ee aanu isagu laheyn ku bakhiila waxaa layiraa Shaxiix, waa Bakhiil-nimo badane, waxaana lamid ah: Wahaabiyada oo Cidna aanay iyaga ka dooneyn ugana baahneyn inay ka qeyb galaan Ixtifaalka lagu weyneynayo dhalashada Nabiga-scw, lakin hadana intaas ku joogi la’ ee doonaya inay Umadda islaamka Cudurkooda Bakhiil-nimada ah ku talaalaan.
Walaalayaal ilaahbaan idinku dhaarshaye maxay tahay Caaqibada ku dhiman oo laga shinsanayo/rajeynayo ama Iimaanka iyo Islaam-nimada laga sugayo Dadka Fikradooda iyo dhaqankoodu Cenkan yahay?!.
9- Waxay si Bareer ah u inkiraan Qaar kamid Mucjisooyinka Rasuulka-scw,
eeg Buuga (Xiwaar Macal Maaliki” ee uu qoray “ibnu Maniic” oo Wahaabiyada kamid ah sida uu ugu tuntay in badan oo kamid ah Mucjisaadka Rasuulka-scw, waxa uu inkiray waxaa kamid ah: inuu Nabigu Nuur ama Iftiin lahaa.
lakin intaa kaliya kumaanu ekeysane xitaa markii danbe wuxuu usii gudbay gabadhii Rasuulka ee “Faadima-rc” wuxuuna yiri: waxyaabaha Quraafaadka ah waxaa kamid ah: in layiraahdo gabadha Nabiga ee Faadima kuma dhici jirin Xeydka/Caadada, sidaa awgeed ayaana “Faadimatu Zahraa” loogu magacaabay.
Hadaba waxaa Bishaara ah in Bidcigaas xishoodka beelay, inuu Suntiisa Umadda islaamka ka kaafiyey Caalimka weyn ee Reer Kuweyt ee “Sheekh Yuusuf Bin Haashim Ar-rufaaci” xafidahullaah oo ka qoray kitaabkiisii Caan baxay ee (Arradul Muxkam Al-maniic) oo uu si dhameys tiran ugu bakhtiiyey Baadilkii Bidcigu ku andacooday, ka daalaco xitaa internet-ka adigoo ku raadinaya Google-ka.
Hadaba waxaa si weydiin mudan Su’aalahan:
1- Ummadaha kala duwan ee Caalamka waxay leeyihiin Maalmo u Asteysan/Calaamadeysan oo Taariikhi ah ugana duwan Ayaamaha kale, waxaana Maalmahaasi lagu qiimeeyaa dhacdooyinka waaweyn ee dhexdooda dhaca, sidaa awgeed yaa wali arkay amse maqlay Ummad Baabi’neysa isla markaana inkireysa Tariikhdoodii iyo Shaqsiyaadkoodii Magaca lahaa ee Hogaaminayey Halganka, Xoriyadda, Turaath-ka/Dhaxalka ama Diinta ay ku abtirsanayaan oo ay ku faanayaan?!.
3- Haddii aanay Qadarinta Maalintii uu Rabbi-sw, Nabi Muxammad-scw Nuurkiisa ifka usoo saaray Wahaabiyada waxba uga duwaneyn Maalmaha kale, ee Caadiga ah, micnaheedu sow maaha hala lumiyo Maalinkaas yaan la sheegin yaan laga hadlin yaan leys weydiin yaan leysugu iman, iwm?!.
4- Maxaa lagu macneyn karaa ama lagu sheegi karaa Maalmaha iyo Shaqsiyaadka sida: Boqorrada ay iyaga Wahaabiyada ah naftoodu sida weyn u qadariyaan, sida: Usbuucu Sh.Maxmad C/wahaab, Maalinta Boqor C/casiis, iwm.?!. mise waa “Lajiifiyaana Banaan”?!.
5- Sidee leysu waafajin karaa Sheegashada Jaceylka Nabiga-scw, iyo in laga Xumaado lagana Caroodo Sheeg-sheegida Magaciisa Xuskiisa iyo wax kasta oo keeni kara Qadarintiisa?!.
6- Intee ayay sii jiri kartaa in Diin loo ekeysiiyo Fikradaha ilaa Heerkan oo kale Fashilan ee ka fog Shareecada islaamka iyo Caqliga Saliimka ah intaba?!. Shubhooyinka Tacbaanka ah ee ay ku dhaganyihiise maxay ku kordhin karaan?!!.
7- Sow Baadil-nimadooda iyo Bidci-nimadooda nooguma filna Qaabka ka muuqanaya Xilligan oo kale sida inay Xasaasiyad iyo Jirro ka qaadaan Xuska loo sameynayo Ixtifaalka dhalashada Nabigeena Muxammad-scw, inay Cadaawad Muuqata Sameeyaan oo ay Weeraraan Haddii ay Awood u leeyihiin Goobaha lagu sameynayo Xuska Mowlidka Nabiga-scw, kuna laayaan Ciddii ay kula kulmaan oo Muslimiin ah iyagoon xitaa u kala saarin Culamo, Caamo, Waayeel, Caruur, Dumar, iyo iwm?!!.
8- Hadaba maxay ku kala duwan yihiin iyaga iyo Gaalada Yahuudda ee Nabiga Caaya Xiligan ku aadan dhalashadiisa, sidii aan ku xusnay Ciwaanka Sare ee Maqaalkan?!!.
Dhamaan Jawaabaha Su’aalahan waxaa si Toos ama si dadban looga heli karaa Maqaalkan iyo kuwa lamidka ah ee lagu bayaaninayo Sharci ahaanshada bal Sunna ahaanshada Xuska dhalashada Nabiga-scw .
WAHAABIYADA IYO YAHUUDDA KUWEE BAA DARAN AMA XUMAAN BADAN MARKA LA EEGO ARIMAHAN AAN KASOO HADALNAY
Waxaa daran aadna u xumaan badan Wahaabiyada, Sabaha soo socda awgood:
A)- Yahuuddu Cadaawadooda wey Caddeysteen Diina ugumasoo gabanayaan, balse Wahaabiyadu Cadaawadooda waxay ugu qarinayaan Dadka Muslimiinta ee Caamada ah Magac diineed , sidaas Awgeed kuwan ayaa aad uga xun in badana ka dhib badan Yahuudda iyo gaalada kale oo dhan.
B)- Yahuuddu Dadka Muslimiinta ah ee sameynaya Ixtifaalka lagu weyneynayo Mowlidka Rasuulka-scw ma weeraraan mana laayaan, balse Cadaawadoodu waa mid muuqata kuna eg afka oo kaliya.
Halka ay Wahaabiyadu ka sokow waxyaabaha ka muuqanaya Xilligan oo kale sida: Af-xumida, Edeb-darrida, Xishood yarida, Indha-adeyga, Dhiirashada, Qar iska tuurnimada, waxayba itaasoo dhan kasokow u arkaan inay ku Janno tagayaan hadeyba fursad u helaan Baabi’inta iyo Xasuuqa Muslimiinta isugu yimaada Ixtifaalka Dhalashada Nabiga-scw. Markaas kadibna sida lagu yaqaan iayagoo kor u qeylinaya ku dhawaaqa (Allahu Akbar.. Allahu Akbar.. Allahu Akbar)!!!, taasoo ah Sunno soo jireen u ah Alu baadilka Jiil kasta oo uu joogo, sida kuwii dilay Khaliifkii Rasuulka Sayidinaa (Cali Bin Abii-daalib-rc) oo sidanoo kale Takbiirta ula qeylinayey markay dileen.
C)- Raabbi-sw wuxuu Qur’anka Kariimka noogu sheegay anay Yahuuddu doonayaan inay damiyaan Nuurka Allah-sw oo ah Nabi Muaxammad-scw iyo Risaaladiisa, eeg Aayadda 8aad ee Suuratu Saf: (يريدون ليطفئوا نور الله بأفواههم والله متم نوره ولو كره الكافرون) sidoo kale eeg Aayadda 32 ee Suuratu Towba: (يريدون أن يطفئوا نور الله بأفواههم ويأبي الله إلا أن يتم نوره ولو كره الكافرون ) (waxay doonayaan inay Nuurka Allah afafkooda ku damiyaan, Allahna wuu diiday wax kale inuu dhameystiro Nuukiisa mooyee, kuwa gaalada ahiba ha dhibsadaane), sidaas awgeed Maadaama ay Wahaabiyadu ugasii horeeyaan ugana fir-fircoocyhiin Yahuudda inay Af iyo Adinba ku Damiyaan Nuurka Allah-sw, sida aan soo xusnay, aad ayey uga xunyihiin uga liitaan Yahuudda.
SHUBHOOYINKA AMA WAXYAABAHA AY KU SHAKI GALIYAAN DADKA MARKA AY XAARAAM KU SHEEGAYAAN IXTIFAALKA XUSKA MOWLIDKA NABIGA-scw.
1- Waa Shey Bidco ah oo dib laga bilaabay kaasoo aan diinta aan kamid aheyn, Rasuulka iyo Asaxaabiisuna aanay ogeyn.
Fiiro gaar ah: Shubhadaan waa mida ugu weyn Shubhooyinkooda.
2- Nabiga ayaa Sadaqo loo bixinayaa, isagoo intii uu noolaaba aan Sadaqada qaadan jirin.
3- Dowladdii Faadimiyiinta oo Yahuud aheyd ayaa bilaabay Ixtifaalka Mowlidka Nabiga.
4- Goobaha lagu qato Xafaladaha Mowlidka waxaa lagu sameeyaa waxyaabo Munkaraad ah oo ay kamid yihiin: Khamro ayaa lagu cabaa, Ragga iyo Haweenka ayaa isku dhex yaacsan, Shirkiyaad ayaa lagu sameeyaa.
5- Ma sugna Bisha uu dhashay Nabigu dhashay iyo Tariikhda ay ka aheyd midna.
6- Maxaa loogu yeelayaa Snad-guuro iyo Waqti Cayiman, maa mar kasta la xuso.
JAWAABAHA SHUBHOOYINKA
Shubhooyinka ay Daliilsadaan oo idil marka leyskusoo xooriyo/uririyo waa intan sida aad arkeysidna waa kuwo aad u Tacbaan ah Tabar daran isla markaana ka liita guri Caara-caaro, Jawaabaha Shubhooyinka iyo dhamaan Addilada Sharciga ah ee caddeynaya Sharci ahaanshada bal sunna ahaanshada Ixtifaalka Mowlidka Nabiga-scw, waxan ka qoray Kitaab yar oo aan kusoo ururiyey dhamaan Addilada Quraanka, Xadiithka, iyo Aqwaasha Culamada islaamka ee Muafasiriinta, Muxadisiinta, Xufaadda, Fuqahada, Mua’rrikhiinta Ahlu siyar-ka, Anigoo kasoo xigtay Kutubta iyo Maraajicda waaweyn ee islaamka, isla markaana soo Raqameeyey/Nambariyey Bogaga ay uga sugayihiin Kutubtaas ,
Hadaba Hoos ka eeg Kitaabkaas oo ah Risaalo ku qoran Luqadda Carabiga waxaan u bixiyey magacan: (تحفة المحبين في مشروعية إحتفال مولد سيد المرسلين صلي الله عليه وسلّم))
Lakin haddii aan mid kasta si kooban uga jwaabno:
1- Tan ah Nabiga iyo Asaxaabtiisu ma ogeyn: Marka horaba waxaan jirin Cid Shardi ama Khasab ka digtay in Shey kasta oo Diini ah ama wax kasta oo diinta ku jira ay Goobjoog u haadaan Nabiga iyo Asaxaabtiisu , Sababtoo ah: Nabigu-scw isagaaba Ruqso ama Fasax buuxa looga heystaa in dibkiis la bilaabi karo wax kasta oo Kheyr ah, sidaasoo kale ayaana ku sugan qaar badan oo kamid ah Aayadaha Qur’anka kariimka, sidaa awgeed wixii dib laga bilaabo oo dhami Bidco Baadil ah ma wada aha, oo Waxyaabaha dib laga bilaabay waxaa loo kala qeybiyey Kuwo Baadil ah, iyo Kuwo Kheyr leh oo Wanaagsan, Lakin haddii Sida Wahaabiyiintu ku fasirayaan oo ah in wixii danbe oo dhan laga dhigo wax wada xun oo Baadil ah waxaa meesha ka baxaya oo tagaya Wax badan oo Laf dhabar u ah Diinta islaamka, xitaa iyaga naftoodu ka bad-baadi mayaan inay ku dhacaan dabinka ay qoolayaan iyo Tacriifta qaldan ee ay ka bixinayaan Macnaha uu leeyahay Erayga “Bidcah”.
Shubhadan oo ah Mid ay si weyn uga tijaareystaan, waa Mid dadka Caamada ah si weyn uga gadmi karta, lakin waa Hadal jahli ku dhisan oo uu si fudud ku garan karo Qof kasta oo wax ka aqriya ama ka yaqaan Tacriifta “Bicdcah” iyo Qawaacidda Usuuliga ah ee Diinta.
Mar haddii sida aan soo sheegnay Ruqso iyo Fasax buuxa looga heyso Allah-sw, iyo Rasuulkiisa Muxammad-scw, in la Curin karo la bilaabi karo wax kasta oo Kheyr ah Xilli kasta iyo Meel kasta, waxaad ogaataa Cid kale oo Caalamiinta kamid ah oo is hortaagi karta, Fasax looga rabo, laga dhageysanayo ama Sharci darro ku sheegi kartaa majiro, Cidii ku sheegtana waxay noqoneysaa Cid u bareertay kahor imaanshada Allah-sw iyo Rasuulkiisa-scw, sidaas ayeyna ugu sifoobayaan inay noqdaan Koox Bidco ah Faajiriin ah kana leexday Jidkii Mu’miniinta.
ACMAASHA XUSKA MOWLIDKA RASUULKA-scw, WAX BIDCO IYO XAARAAM AHI KUMA JIRAAN.
Acmaasha la sameeyo Xafaladda Mowlidka dhexdeeda waxay ka kooban tahay Afar shey oo kala ah:
A)- Siirada Nabiga iyo Tariikh nololeedkiisii oo laga hadlo.
B)- Nabiga-scw in la Ammaano.
C)- Nabiga-scw in lagu Saliyo.
D)- Sadaqo in la bixiyo.
Hadaba afartaan Shey mid-keebaa Bidco ah oo diinta dib looga soo daray, Mise in afrtooda iin sku meel lagu kulmiyo ayaa Bicdo iyo Xaaraam ah?!!.
Afartaan Arrimood Iskaba daa in ay Bidco iyo Xaaraam noqdaane, haddii leysku dayo in Sharci ahaantooda mid mid looga hadlo, lama helayo meel qaada waxa kusoo arooray.
2- Tan ah Sadaqo ayaa Nabiga loo bixinayaa: Cid ku hadashay ama tiri haba yaraatee Nabiga-scw ayaa Sadaqo loo bixinayaa ma jirto, bil kulliyah waa Hadal Hindisaad iyo iftaro ah , oo Sal iyo Raad toona laheyn, waa halka ay Carabtu tiraahdo (يصطاد في الماء العكر) “Biyo Calaw ah dhexdooda ayuu ka kalluumey sanayaa”, Micna ahaan waxaa loola jeedaa wax aan sinaba Suura gal u aheyn.
3- Tan ah Yahuuddii Faadimiyiinta ayaa bilaabay: Waxaa yaab leh sida loo suuradeyn karo in Yahuudi Nabi Muxammad-scw, Dhalashadiisa Qadarin iyo Ixtifaal ugu sameysay, waase ayo Cidda laga dhaadhicin karo Hadayaanka/Mataataca, nuucan oo kale ah?!.
Maxay Yahuudi Nabi Muxammad ku faleysaa?, miyaanay ahayn kuwii ku caan baxay Magaca (Qatalatul Anbiyaa) “kuwii Anbiyada leyn jiray” sida Qur’anku ku tilmaamay.
Hadalkan waxaa ku sugan inkiraad cad iyo in si bareer ah looga hor yimaado Qur’aanka Kariimka, Bal eeg aayadaha: 61aad, 89aad, 91aad, 120aad, 146aad, ee Suuratul Baqara, 181aad-Suuratul Cimraan, 82aad-Suuratul Maaida, Aayadahan iyo kuwo kale oo aan Halkan lagu soo koobi karin waxay Caddeynayaan in Yahuuddu waligoodba Anbiyada ilaahey dili jireen Cadaawad xun kula dhaqmi jireen Nabi-nimadooda iyo Risaaladooda inkiri jireen, Nabi Muxammad-na uu ugu sii daranaa, ilaa uu Rabbi-sw, ka yiraahdo isagoo la hadlaya Rasuulkiisa Muxammad-scw, (ولن ترضي عنك اليهود ولا النصاري حتي تتبع ملتهم) “Raali kaama noqonayaan Yahuud iyo Nasaaro ilaa aad karaacdid diintooda” .
Marka sow leysma weydiin karo, maadaama Ciddii Raali laga yahay la qadariyo oo Ixtifaal iyo Weyneyn loo sameeyo, ma Nabiga-scw, ayaa raacay Yahuud iyo Nasaaro diintoodii Markaas ayey Raali kanoqdeen oo dabadeena Ixtifaal iyo damaashaad ku maamuuseen dhalashadiisa?!!.
Bal Cid kale iska daaye Qof aan Hinkaada aqoon xitaa Caqligiisa sidan oo kale looguma ciyaari karo, lakin waxaa meesha ka cad in Caqli xumo meeshii u danbeysay ee yoolkeeda aheyd ka muuqato Kuwa is leh waxan oo kale Naf ka raadiya si aad baadilkiina ugu kabtaan.
Teebaa sifo yahudeed u eg ma in la weyneeyo loona ixtifaalo Mowlidka Nabiga-scw, mise in la necbeysto in xitaa laba qofood isugu timaado, ciddii lagu arko ama laga maqlana loo caroodo la caayo amaba la dilo?!!.
Yahuudda waxa lagu yaqaano oo ay Caanka ku yihiin Taariikh iyo dhaqana ay u leeyihiin waa waxa aan kaga soo hadalnay Maqaalkan ee ah: Cadaawad soo jireen ah oo ay abidkood u hayeen Anbiyada oo dhan iyagoo ugu sii necbaa Nabigeena-scw, taasna sida muuqata waxa wakiilka uga ah bal uga sii horeeya waa Wahaabiyo oo qaadan la’ wax kasta oo Nabiga-scw Sharafkiisa Qadarkiisa iyo Maqaamkiisa lagu weyneynayo.
4- Tan ah Munkar iyo Shirki ayaa ku jira: iyaduna waa Been abuur Cid kale marka leyska daayo, Haddii aan ka waramo inta aan Anigu ka ogahay Goobaha lagu Sameeyo Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka-scw, waxan kusoo barbaaray Meelaha ugu Caansanaa ee lagu Sameyn jiray Somalia dhexdeeda Sida Caasimadda Muqdisho, waxaana xitaa Muqdisho ku yaala ilaa haatan Halka loo yaqaano “Maxfalka Qaranka Somaliya ee Molwiidka Rasuulka-scw”.
5- Tan ay ku andacoodeen ee ah in aanay sugnayn Tariikhda uu dhashay Nabiga-scw, waa Xujo Laciif ah, maxaa yeelay Tariikhda Cida taqaan oo laga dhageysanayo waa Culamada Taariikhda iyo Siirada oo iyagu Ahal u ah inay ka hadlaan, ee maaha Cid usoo Tafa-xeydatay inay baabi’iso isku dayna ugu jirta inay afkeeda ku tirtirto, sidaa awgeed waxay Culamada Siirada iyo Taariikhdu xaqiijiyeen in Waqtiga ugu Raajaxsan ee la sugay inuu Nabigu dhashay ay tahay: (12-kii Rabiicul Awal Sanadkii Maroodiga, oo ku beegnaa 22kii April 571 Miilaadiya, Habeen Isniin ah wax yar kahor Waqtiga Waabariga), wixii kale ee Aqwaal daciif ee sidaa khilaafsana waa laga tagay, sida caadiga ahna wax kasta Raajaxa ayaa looga dhaqmaa wixii kasoo harana waa laga tagaa.
Hadaba sow lama oran karo tani waxay lamid tahay “Nabi Baabah” marba haddii Wahaabiyo xaalkoodu uu marayo wax kaloo dhan intay soo dhaafeen inay inkiraad iyo Shaki galin kala soo hor yimaadaan xitaa Waqtigii uu Nabigu dhashay.
Waxan leenahay sidii la oran jiray “kaalayoo adinku ka leefa Kutubta”.
6- Mida ah Maxaa loogu yeelayaa Xuska Mowlidka Snad-guuro iyo Waqti Cayiman.
Tan waxaa looga jawaabayaa ma jiraan wax aan laheyn Waqti cayiman, Nabiguna ma aanu dhalan waqti kasta ee wuxuu dhashay Waqti gooni ah oo cayiman, sidaa awgeed waxaa la xusayaa Waqtigii uu dhashay oo ah Sanad-guuro kasta marka la joogo dhalashadiisa Xilliga ku beegan, waxaana loo yaqaanaa Luqadda Carabiga “Mowsim” sidaana waxaa qiray Culamada waaweyn ee islaamka.
Xaafidka “Ibnu Rajab Al-xanbali’ wuxuu qoray kitaab la yiraahdo “Ladaaiful Macaarif fiimaa Limawaasimil Caami Minal Wafaaidf) oo la macna ah: “Macrifooyinka xeesha dheer ee ku dhex jira Hawlaha Sanad-guurooyinka” sida ka muuqata magaca kitaabka kaliya waxaa laga qaadan karaa sida ay Qadarin u leedahay Sanad-guurada Hawl kasta oo Sanawi ah , taas ayaana noogu filan Daliil cadeynaya Baadil-nimada Jahliga wahaabiyada, lakin itaas maba ku ekeysane wuxuu imaamku ku sheegay kitaabkaas in 12-ka Bisha Rabiicul awal ay ku beegan tahay Dhalashadii Nabiga-scw ayna tahay “Mowsim” ama Sanad-guuro weyn oo diini ah.
Xaafidka “Ibnu Xajar Al-casqalaani” isaguna wuxuu yiri: waxaa daliil u ah Ixtifaalka Sanad walba loo sameeyo Mowlidka Rasuulka-scw, Xadiith-ka thaabid-ka ah ee ku sugan Saxiixeynka oo ah Maalintii uu Nabigu Magaalada Madiina soo galay wuxuu arkay Yahuud oo sooman markaas ayuu weydiiyey waxa ay u sooman yihiin waxayna ku jawaabeen waxaan u ku shukrineynaa Allah oo Maalintan oo kale Nabi Muuse iyo Banuu Israaiil bad-baadiyey, Fircown iyo Qomkiisiina Badda ku Maasheeyey, wuxuu yiri Xaafidku Xadiith-kan waxaa laga qaadanayaa in Maalin Mucayan ah la sameysan karo taas oo Sanad kasta soo noq-noqota, sida Maalin lagu siiyey Nicmo ama lagaa difaacay Balaayo, eeg kitaabada: “Mawaahibu la duniyah” iyo “Xusnul Maqsad”.
Mida kale: qofka diidan in Sanadkiiba mar la xuso muxuu ugu af-gobaad sanayaa inuu yiraahdo maa mar kasta la xuso, sow kan diidan in Sanad ilaa ka Sanad la xuso?!!.
Waxay kaloo Wahaabiyiintu ku doodaan in Salliga Nabigu dadka kaga filan yahay Xuska Mowlidkiisa ee Sanad kasta, iyagoo taas ku hor istaagaya in la oogo ama la sameeyo Ixtifaalo ku saabsan Xuska Mowlidka, lakin Salliga Nabiga-scw iyo Xuska Mowlidkiisu waa laba shay oo kala duwan, mid kastana goonidiisa Ajri iyo Thawaab looga helayo, iyaguse marka ay Salliga Nabiga kusoo hal qabsanayaan Nabiga-scw, Maku Saliyaan?!!.
NB: Jawaabaha Shubhooyinkan oo intan ka faah-faahsan ka fiiri Risaalada Carabiga ah ee xaga danbe kaga lifaaqan Qoraalkan.
MAXFALKA QARANKA SOMALIYA EE MOWLIDKA RASUULKA-scw
Maxfalka Qaranku wuxuu ahaa Goob Taariikhi ah oo uu ka asaasay “Shariif Caydaruus” Allaha u naxariistee, Xaafadda Cabdul-casiis ee Magaalada Muqdisho, Horaantii Qarnigii aan kasoo gudubnay ee 20aad ee miilaadiga, waxaana xusid mudan inaan anigu soo gaaray oo aan indhaheyga ku arkay Xilli hore oo ku beegnaa Bartamihii Sideetamaadkii Xilligii Dowladii Qaranka ee Somalia, iyadoo ay Maxfalka Qaranka ka dhaceyso Habeenka 12-ka Rabiicul Awal Sanad kasta Xafladda Mowlidka Rasuulka-scw oo si Heer Qaran ah loosoo agaasimay, waxaana kasoo qeyb gali jiray: Madaxda Dowladda Somalia, Mas’uuliyiin kala duwan, Dadka Wujuuhu-naaska loo yaqaan ee Reer Baladka ah, Culamaaudiin Darajo weyn iyo Maqaam ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, oo ahaa Muftiyaal, Caalimiin, Fuqaho, iyo Dadweynaha oo Meel kasta ilaa gobolada Dalka qaarkood isaga iman jiray, waxaa intaas dheer oo kasoo qeyb gali jiray: Qaar kamid ah martida Dalalka Shisheeye ee Safaaradaha ku lahaa Dalka iyo Macalimiinta Bicthatul Azhar ee wax ka dhigi jiray iskuulada iyo Jaamacadaha Muqdisho, Walow aanu Maxfalka MasaaXadiitha ama Baaxddiisu aad u weynan badneyn hadana intaasoo Khalqi ilaahey ah waxay isugu iman jireen gudaha iyo banaankiisa, iyadoo Habeenkaas aan la seexan jirin ee lagu dhafri jiray Salawaadka Rasuulka-scw, ka dib Marka ay dhamaadaan Qudbooyinka Mas’uuliyiinta, Culamaa-udiinka iyo Marti sharaka kasoo qeyb galay, waxaa taas barbar socday iyadoo xafladdu habeenkaas aanay halkaas kaliya ka dhaceyn ee ay Masaajidda waaweyn ee Magaalada Muqdisho oo dhan ay ka dhici jirtay.
Intaas oo dhan wali wax Khamro Cabaya iyo Rag iyo Haween isku dhex yaacsan wax sheegay maqlay ama arkay majiraan, sida Wahaabiyo ku andacoonayaan.
Sidoo kale Mowlidka Rasuulka waxan uga qeb galnay Xilliyo kala duwan Meelo kale oo ah Gobolada Dalka Somalia iyo waliba Wadamo kamid ah Caalamka islaamka, wax sheegaya Balaayada Wahaabiyadu la qeylinayaana waligay maan arag.
Sidaas awgeed Hadalkoodu wuxuu noqonayaa (Nin Daad qaaday Xunbo Cuskay) Beentan oo kalena waxba u tari meyso inay Ceeb usii kordhiso mooyaane.
Fiiro gaara ah: Shariif Caydaruus sida uu uga Hadlay Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka ka eeg kitaabkiisa: (بغية الآمال في تاريخ الصومال) wuxuuna xitaa soo hadal qaaday kuwa Ceebeeya ama Naqdiya Hadaladooda qaar kamid ah.
YAA DIIDAN MOWLIDKA RASUULKA-scw OO AAN WAHAABIYO AHEYN?!
Majirto inta la ogyahay Cid kale oo kasoo horjeestay Mowlidka Rasuulka-scw, marka laga reebo Dad yar oo fara ku tiris ah, oo aan Wahaabiyo aheyn, kuwaasoo kalena waa kuwa la yiraahdo (Naadir Xugun maleh) waana Hadal culus oo ku qotoma Qaaciddo Usuulul Fiqhi ah.
Haddii aan eegno hadalkooda ah Ixtifaalka Mowlidka waxaa ku dhex jira Shirkiyaad: maaha wax ku cusub dhagaha Ummadaha Muslimiinta ah oo ay Wahaabiyiintu dhibaatada ku hayaan meel kasta oo ay joogaan.
Dadka yaqaana waxna ka qora wey ogyihiin inay Tijaaradooda koowaad oo ay suuq keensadeen kana ribxeen tahay Takfiirinta, lagasoo bilaabo barigii ay kasoo ifbaxeen Jaziiradda Carabta ilaa waqtigan aan joogno waxay Meel walba oo ay joogaan la taagan yihiin, Cumrigiina uga dhamaaday, inay wax kasta oo aysan rabin ku tilmaamaan “Shirki, Kufri, Bidco, Xaraam, iwm” sida la ogyahayna waxay ku shaqeeyaan Laba arimood oo kala ah: Tan 1aad: inay wax kasta oo iyaga hortood Diin ahaan iyo Caqiido ahaan loo heystay, Dacaayad iyo Tashwiish ku furaan, si ay dadka u nacsiiyaan, iyo Tan 2aad: in wax kasta oo ay iyagu dib kala yimaadeen buun-buuniyaan xayeysiiyaan Diin Sax ah iyo Waxyi Samaawi ahna dadka uga dhigaan, sidii inay iyagu yihiin Rasuulo Samada laga soo diray.
Takfiirinta ama Gaaleysiinta Muslimiintuna caadiyan waa wax lagu yaqaan oo ay ku faanaan, ilaa heer ay la jahraan inay la baxaan Magacyo layaab leh sida: (Jamaacatul Hijra wa Takfiir)!!, Tanoo kalena waa waxa loo yaqaan (الوقاحة) oo la Macno ah “Waji kalaxnimo” oo ah Qofka ma xishoodaha ah oo waxba aan ka dhowrsan waxna isku falin, Xadiithka Nabiga-scw ee Saxiixa ah waxaa ku sugnaa (إن من كلام النبوة الأولي إذا لم تستحي فاصنع ما شئت) “Nabinimadii hore Hadaladeedii waxaa kamid ahaa hadaadan xishooneyn waxaad doontid iska samee” Sababtoo ah: waxay gaaleysiinayaan waa Ummad dhan oo Culamo iyo Caamo intaba leh oo Ab ilaa ka Ab Islaam-nimada ku dhashay wax ku bartay ku dhaqmay, waliba Cilmi Camal iyo Caqli midna aanay ku dhameyn Culamada “Ahlu-sunnah Wal-jamaacah” ee iyaga hortood iyo haatanba ay Bulshada islaamku ku xirnayd.
Dhamaan Culamada islaamka ee Imaamyada, Mufasiriinta, Muxadisiinta, Xufaadda, Fuqahada, Mua’rrikhiinta, Ahlu-siyarka, Usuuliyiinta iyo dhamaan qeybaha kale ee sugay Sharci ahaanta Qabasha iyo Weyneynta Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka-scw Waxay kadoor bideen Wahaabiyiintu inay Dadka ku cameeyaan Fikradaha Afar kamid ah Sheekhyadooda, sida: “Bin-baaz, Cuthaymiin, Saalax fowzaan, Jumeyl Zeynu, iwm” oo Tacasub iyo Wahaabiyo-nimo indhaha tirtay.
BAL EEG SIDA UU ALLAH-sw UGU IXTIFAALAY DHALASHA XABIIBKIISA MUXAMMAD-scw.
Habeenkii Nabigu-scw dhashay waxaa Koonka oo isugu jira Calaamu sufli iyo Caalaamu culuwi dhamaantiis ka dhacay Ixtifaal iyo Qadarin aan loo sameyn, Cid Nabiga ka horeysay iyo Cid ka danbeysay toona, dibna aan loogu sameyn doonin Cid kale.
Damaashaadka Calaamka oo idil kan sare iyo kan hoose ka dhacay ma aha wax qarsoomi kara, waxaana si weyn wax uga qoray Ahlul Cilmiga oo ay ugu horeeyaan Culamada Siirada oo kusoo qaatay kutubtooda, kutubta Siirada oo idil waad ka heli kartaa sida: “Siiratu ibnu Hishaam , Siiratul Xalabiyah, Dalaailu Nubuwah, Al-bidaayah wa-nihaayah, Khasaa’isul kubraa, Xujatullaah Calal Caalamiin” iyo kuwo kale oo badan, waxay Culamadu ku tilmaamaan arrimahaas “Irhaasaad” oo micnaheedu yahay Mucjisooyin Gogol-xaar Horudhac ama soo dhaweyn ah oo lagu beegay dhalashada Nabiga-scw.
Imaamka weyn ee Nawawi isagoo ka hadlaya arrintaas wuxuu kitaabkiisa “Bustaanul caarifiin” ku yiri: (وقد جري من الآيـات في مولد رسول الله صلي الله عليه وسلم مالا ينكره منتم إلي الإسلام) “waxaa dhalasahdii Rasuulka-scw dhexdeeda dhacay oo soconayey waxyaabo lala yaabo, kuwaas oo aanu inkiri karin Qof islaam-nimada ku abtirsada”
Bal eeg sida ay u kala fogyihiin Hadalka Imaamka iyo waxa Wahaabiyo Umadda islaamka ku dalqa-shubeynayaan, Cajiib!!.
Hadaba maxaa dhacay Habeenkaas?.
Halkan kuma wada xusi karno wixii dhacay Habeenkaas, balse haddii aan qaar kasoo qaadano waxaa kamid ahaa:
1- Habeenkaas waxaa Janooyinka iyo Samooyinka ka yimid Laba wafdi, kan Janooyinka ka yimid waxay ahaayeen: Haween Mu’minaat ah oo ay kamid ahyeen “Maryama Bintu Cimraan” Nabi Ciise-cs Hooyadiis iyo “Aasiya Binti Muzaaxim” oo iyaduna aheyd Mu’minad Qisadeeda Qur’aanka lagu xusay, labadooda iyo Haween kale oo la socdayba waxay u yimaadeen Rasuulkeena Muxammad-scw Hooyadiis “Aamina Bintu Wahab” Xilligii ay foolaneysay, Farxaddii ay ku faraxday awgeedna kalama aanay kulmin Foosha wax xanuun iyo dhib ah haba yaraatee.
Wafdiga kale wuxuu ahaa: Wafdi Malaaig ah oo ka yimid Samooyinka, Riwaayadaha qaarna waxayba xusayaan in ay usoo dagayeen (fowjan-fowjan) oo ah “koox-koox” qaar markii ay booqdaanba way sii baxayeen waxaana soo dagayey qaar kale oo cusub.
2- Habeenkaas waxaa damay ama bakhtiyey dababkii ay gaalada Majuusiyiintu Caabudi jireen, waxaana la hurinayey dababkaas Muddo ka badan Saddex Kun oo sano, iyadoo aanay sabab kale jirin cidina aanay aasin ama Biyo ku shubin ayey kaligood iska bakhtiyeen.
3- Habenkaas waxaa dildilaacay dhismayaalkii Labadii Boqortooyo ee Ruum iyo Faaris ee Barigaas Dunida ugu Xooga badanaa, sidoo kale waxaa dadanayey Carshiyadii iyo Sariirihii ay ku raaxeysan jireen, taas oo tilmaam u aheyd Suulida gaba gabada iyo dhamaadka Boqortooyadooda.
4- Habeenkaas Waxaa Rasuulka la socday oo lasoo baxay Nuur ama Iftiin Weyn kaas oo laga arkay Daarhii ku yaalay dhulka Shaam oo aad uga fogaa Meeshii uu Nabigu ku dhashay oo aheyd afaafka hore Magaalada Maka.
5- Habeenkaas waxaa soo dhawaaday Xidigihii Cirka ilaa ay Dadka Madaxooda yimaadaan iyagoo bixinaya Iftiimo qurux badan kala ceyn ceyn ah, Gabadha la yiraahdo “Ummu haani Binti Abii Daalib” waxay tiri: xidiguhu aad ayey suoo dhawaadeen ilaa aan is niraahno waxaba ku siganayaan inay Madaxyadiina taabtaan.
6- Habeenkaas waxaa la maqlayey waxyaabaha loo yaqaano (Hawaatifta) oo isugu bishaareynaya inuu Caawa dhashay “Nabiyu Aakhiri Zamaan” Hawaatiftaas oo ahaa wax aan Muuqaalkooda loo jeedin lakin Codkooda la maqlayo, waxaa lagu sheegay ianay ahaayeen Jinka oo Habeenkaas isu bishaareynay.
7- Habeenkaas waxaa sidoo kale isugu bishaareynayey dhalashada Nabiga-scw, Xawaanada kuwa Dab jooga ah iyo Kuwa Duur jooga ah intaba iyagoo ku hadlaya Hadal Carabi ah oo Fasiix ah.
8- Habeenkaas waxaa laga reebay Shayaadiinta inay soo dhageystaa Samooyonka iyadoo lagu ganayey Shuclado Danbaaburo ah oo ah Dab kala firdhaadaya sida waxa hadda loo yaqaano “Bula leyr-ka” ee Damaashaadyada iyo Farxadaha laga rido.
9- Habeenkaas waxaa la Ziineeyey/la qurxiyey Gabdhihii Xuruurul ciinta ahaa ee janada, iyadoo dhamaan Albaabada Janada oo idil lawada furay, Sharfid iyo Qadarin loo sameynayo dhalashada Nabi Muxammad-scw, awgeed.
10- Habeenkaas waxaa guray ama qalalay ilo ay ka buran jireen biyo badan oo ahaa dhul barwaaqo iyo doog badan, waxaana taa badlakeeda ay ilo biyo ahi ka dilaaceen dhul oonley lama dagaana ah oo looga kala guuray biyo iyo baad la’aan, meelahaas oo ahaa dhulkii barigaas loo aqoon jiray faaris waxaa kamid ahaa magaalooyinka caanka ah ee dhulka iiraan ee lagu magacaabo “Hamadaan iyo Qum” .
Hadaba waa kuma qofka sheegi kara hor iyo dib Ruux dhalashadiisa sidan oo kale loo qiimeeyey ama loo weyneeyey?!! ,
Caalamkii oo idilba wax haray ma jiraane, maxay Wahaabiyo rabtaa oo lagu qanciyaa?!!.
SIDEE LOOGA IXIFAALI JIRAY CAALAMKA ISLAAMKA
Xaafidka “Cimaadu diin Ismaciil ibnu kathiir Ad-dimishqi” wuxuu kitaabkiisa Taariikhda ah ee “Al-bidaayah Wa-nihaayah”13/136, kusoo qaatay sidii loo qaban jiray Xuska Mowlidka Nabiga-scw.
wuxuuna sheegay inuu “Malikul Mudafar” oo uu aad ugu ammaanay Cadaalad Alla ka cabsi, Cilmi, Camal, Caqli, Gesinimo, iwm , sameyn jiray iyadoo leysaga iman jiray Jaziiradda Carabta oo dhan, halkaasna lagu qaban jiray Ixtifaal weyn lagu bixiyo Dhaqaalo aad u fara badan, oo lagu bixinayo Dajinta iyo Casumaada Martida, waxaana la keeni jiray dhamaan noocyada Cuntooyinka iyo Cabitaanada kala gadisan.
Waxaa kamid ahaa dadkii kasoo qeyb gali jiray Culamaaudiin waaweyn oo looga danbeeyo Shreecada islaamka, waxaana kamid ahaa Xaafidka “Abul Khaddaab ibnu daxiyah” oo ka qoray Mowlidka Nabiga-scw kitaabkiisa “At-tanwiir fii Mowlidil Bashiiri Nadiir”.
QIRAALKA IYO SUGIDDA CULAMADA ISLAAMKA
Culamada islaamka ee sidan oo kale qiray isla markaana soo guuriyey sida weyn ee looga xafladeyn jiray Dunida Muslimka wey badan yihiin waxaana kamid ah:
A)-Xaafid Abuu Shaama, Sheekhii Imaamu Nawawi eeg Kitaabkiisa “Al-baacith fii Inkaaril badaci wal Xawaadith” Boga 23.
B)- Xaafid Ad-dahabi ka eeg kitaabkiisa “Siyar Aclaam An-nubalaa” 16/245-247.
C)- Xaafid Al-casqalaani eeg “Xusnul Maqsad fii Camal Al-mowlid” .
D)- Xaafid As-sakhaawi eeg isla marjicii hore “Mawaahibu laduniyah”1/140.
E)- Xaafdi As-suyuudi eeg kitaabkiisa “Xusnul Maqsad fii Camal Al-mowlid”.
F)- Xaafid Al-qasdalaani ka eeg kitaabkiisa “Mawahibu laduniyah”1/140.
G)- Xaafid Abuu Zurcah Al-ciraaqi eeg kitaabka “Ruuxu siyar”.
H)- Xaafid Shamsu-diin Al-jazari eeg kitaabkiisa “Carfu Tacriif Bil Mowlid As-shariif”.
I)- Xaafid Abul Khaddaab ibnu daxiyah eeg kitaabkiisa “At-tanwiir fii Mowlidil Bashiiri Nadiir”.
J)- Xaafid Shamsu-diin Bin Naasiru-diin Ad-dimishqi eeg kitaabkiisa “Mowridu As-saadii fii Mowlid Al-haadii”
K)- Xaafid Abul Cabaas ibnu Khalikaan eeg kitaabkiisa (Wafiyaatul Acyaan) 3/113-121.
Lama soo koobi karo, lakin hadaan intan ku ekeysano, halkan waxan ka qaadaneynaa inay Mua’kad tahay ama sugan tahay Sharci ahaanta Xuska loo Sameynayo Dhalashada Nabiga-scw, maadaama ay qireen goob joogna ka aaheeyn Caalimiintii diinta ee xanbaarsanaa Shareecada islaamka.
MAALINTA MOWLIDKA NABIGA-scw, EE 12-KA RABIICUL AWAL WAA MAALIN FARXADEED OO DHAMAAN CAALAMKA ISLAAMKA AY FASAX YIHIIN SHAQOOYINKA, JAAMACADAHA, ISKUULADA, IYO DUGSIYADA QUR’AANKA.
Culamada iyo Madaxda Caalamka islaamka waxay dhamaan isku raacsan yihiin in Maalinta Nabigu dhashay ee loo yaqaano “Yowmul Mowlid” ay tahay Maalin Qaran oo kamid Maalmaha dhaxal-galka ah ee u asteysan Ummadda Muxamadiyada Meel kasta oo ay joogto, waxayna dadku ka nastaan Shaqooyinka iyadoo la fasxo goobha wax barashada, si ay dadku ugu firaaqeystaan ka qeyb galka Xafladaha lagu weyneynayo dhalashada Nabiga-scw.
Xaafidka weyn ee “Jalaaludiin C/raxmaan Bin abiibakar As-suyuudi” wxuu ku xusay kitaabkiisa “Xusnul Maqsad Fii Camalil Mowlid” isagoo kasoo guurinaya Culamo waaweyn oo Ajillo ah in Maalintan oo kale la fasxi jiray Goobaha wax-barashada sida: Dugsiyada Qur’aanka, iyo Xalqooyinka Cilmiga.
Lakin sida la ogyahay Maanta Meelaha Wahaabiyiintu ay joogaan waxay Maalintan oo kale sameeyan kulamo ay kasoo jeediyaan Muxaadarooyin inkiraad ah oo ay ka buuxdo Gaaleysiin, Af-xumo, iyo Caay, iyagoo ku tilmaama Xuska Mowlidka wax Quraafaad Xaaraam, Bidco iyo Shirki ah, Halka ay taa badalkeeda, si weyn u xusaan una qadariyaan iyagoo Xaflado waaweyn iyo kulamo u sameeya Munaasabado aan wax Qiima ah laheyn, Sida: “Usbuucu Sh. M.C/wahaab” Maalinta “Boqor C/casiis” iyo kuwo kale.
Waxaa ayaan darrida Wahaabiyiinta kamid ah: inay kasoo hor-jeestaan in lagu kulmo Xuska Mowlidka Rasuulka-scw, isla waqtigaana ay isla iyagii isugu yimaadaan kuna kulmaan inkiraadiisa, marka maxaa faaiido u ah hadaanayba ka bad-baadin inay kulmaan oo ah sida ay sheegeen waxay nacayeen, sidaa awgeed waxaa la dhihi karaa Caamada ayey qaldayaan mooyaane marka horaba ujeedadu maaha inay diidaan kulan iyo wax lamid ah, balse waa Arrin ka Xeel dheer intaas, waxaana lagu fasiri karaa uun laba arimood midood:
Tan 1aad: inuu Jahli hayo oo ay isaga darsan yihiin Ixtiraamka iyo Caabudida, iyagoo sida la ogyahay ku Caan baxay Ixtiraam la’aanta oo aanay Xurmad iyo Qadarin toona u yeelin Waalid, Macalin, Sheekh, Wali, Nabi. Iyo Rasuul, midna, Ciddii u yeeshana ku sheega inay caabudeen.
Tan 2aad: oo ah inay u quuri la”yihiin in la sheeg-sheego Magacyada Shakhsiyaadka Allah xurmeeyey, taasina waxay noqoneysaa Cadaawad iyo Xaasidnimo Qota dheer oo Qalbiga ka dagtay, Xaasid-nimaduna waa camalkii Ibliis bilaabay ee markii Allah ku yiri u sujuud Nabi Aadam-cs u quuri waayey, kuna dooday inaanu u sujuudeyn oo isagu ka kheyr badan yahay.
KUTUBTAN KA FAAIIDEYSO
Haddii aad dooneysid inaad ka sal gaartid Addilada Mowlidka Rasuulka iyo Raddinta Baadilka Bidcada Wahaabiyiinta ee inkira, aqri kutubta u gaar ah mas’ladaas oo aad u fara badan waxaana kaagasoo xuli karaa kuwan:
1- (Xusnul Maqsad Fii Camalil Mowlid) - oo uu leeyahay Xaafidu Suyuudi
2- ( Al-la’aalii assaniyah fii Mashruuciyati Mowlidi khayril bariyah-scw) – oo uu leeyahay Caalimka weyn ee soomaaliyeed ee Sh.Cusman Sh. Cumar Sh. Daud “Sh.Cusman Xidig”.
3- (Xujjatul Muxtafiliin) – oo uu isagana sidoo kale leeyahay Caalimka weyn ee soomaaliyeed ee Sh. Axmad Sheelare.
4-Buluuqul Ma’muul fil ixtifaal bimowlidi Rasuul-scw – oo leeyahay Muftiga Reer imaaraad ee Sh. Ciisaa Bin Maanic al-ximyari.
5- (Xuska Mowlidka Nabiga-scw) oo ah Risaalo ku qoran Afka soomaaliga kuna kulansan yihiin dhamaan Addilada Mowlidka iyo Qawaacid badan oo khuseysa Mas’alada Mowlidka, waxaana qoray, Xildhibaan-ka Reer Somaliland ee Xildhibaan: Maxamad-yaasiin Sh. Cali Ayaanle.
6- (Tuxfatul Muxibbiin fii Mashruuciyati Mowlidi Sayidil Mursaliin-scw) – oo uu qoray Adoonka Maqaalkan idiin diyaariyey oo ah aniga, oo magaceygu yahay: C/qaadir Sh. Maxamad Mataan – (Sh.Colow).
7- (Xowlal ixtifaal bidikraa Mowlidi Nabawiyi Ash-shariif) oo uu leeyahay Calimkii Reer Xarameyn (Asayid As-shariif Sh. Muxammad Calawi al Maaliki) Allaha u naxariistee.
Waxaa kaloo jira Risaalooyin kale oo aad u faaiido badan halkana laguma soo koobi karo.
GABAGABO IYO TALOOYIN
Waxan kusoo gabagabey nayaa Maqaalkan Talooyinkan soo socda:
Wahaabiyada Waxaan kula talin lahaa:
A)- Maadaama Ixtifaalka Mowlidka Rasuulka Xaga Sharci ahaantiisa iyo xaga Qarashka ku baxaya oo lagu sameynayo midna aan iyaga looga baahneyn, sidoo kalena inay xitaa kasoo qeyb galaan aan looga baahneyn, waxaa la gudbooni waaa Hal shay oo qura, kaas oo ah in laga nabad galo Afkooda iyo Adinkooda, waxaana muhiim ah inay ku qancaan in mabda'ooda aanay Qasab iyo Dagaal ku hirgalin karin , kagadaal markii ay xeeladihii iyo tabihii kale ee ay adeegsan jireen ka dhamaadeen .
Haddii halkaa shey ee Nabad galyada ah laga waayo waxay ila tahay in iyadana kitaabadeeda leysla eegi doono, waxaana lagu qasban yahay oo waliba Waajib noqoneysa Ciddii Nabad galyo laga waayo in leyska difaaco, sababtoo ah khasab igusoo raac ma soconeyso.
B)- Culamada “Ahlu sunnah Wal-jamaacah” waxan usoo jeedin lahaa: waxaa idinka batay waxa loo yaqaano “Salaamatu sadri” oo ah daacad-nimadii Ab ka Ab laga dhaxlay Culamadii hore ee xaalasha aheyd, sidaa awgeed iyadoo aan laga tageyn Khasladaa wanaaga badan Hadana Maanta Xaaladdu wey is badashay sida aad arkeysaan, Wahaabiyiintu waxa ay ku dhaqmayaana waa: Khiyaano, Dhagar, Xeelad, Ciyaal-suuqnimo, Daacad-darro iyo wasiila kasta oo ay is leeyihiin waad ku gaari kartaan Hadafkiina, marka maadaama ay xaaladdu sidaa isu badashay waa in wadciga jira lala socodaa Meel kasta oo la joogo, xaalad kastana sidii ku munaasib ah oo aan Xad-gudub iyo Dulmi ku jirin lagu wajahaa ama lagu qaabilaa.
C)- Dadweynaha Soomaaliyeed waxan kula talin lahaa: inay Shareecada islaamka ula laabtaan Culamada ahalka u ah oo Aqoonta iyo Macrifada uleh si daacd ahna uga run sheegaya Diinta , waana inay iska ilaaliyaan inay ku jaha wareeraan Mad-hab laawayaal waxay doonaan dusha uga Maamooryeeya , Madaahibtii Xaqa aheyd ee islaamkana ku tilmaamay Quraafaad , kadibna lasoo baxay mid ay jeebkooda kala yimaadeen oo meel ay heysato aan la arkin.
D)- Qeybaha kale ee kala duwan sida: Siyaasiyiinta, Aqoon yahanada, Ganacstada, Cuqaasha Dhaqanka, waxan usoo jeedin lahaa: inay Xaqa taageeraan Meel kasta iyo Waqti kasta oo ay joogaan kana fogaadaan Khaainiinta ku qaraabta Magaca Diinta ee Kharibay Dalka Dadka iyo Diinta, waxaana Hubaal ah inaan Maanta la dhihi karin lama kala yaqaano Xaqa iyo Baadilka oo waa lagu wareersan yahay maxaa yeelay Maanta wax kasta wey kala cad yihiin, Xiligana waa Xilligii la dhihi jiray (Kitaab iyo Kolay iyo Xaq iyo Baadil Midna isuma eka).
NB: Maqaalkan uguman tala gali inaan kaga hadlo Addilada Mowlidka, waxaanse ugu tala galay Tusaalooyin kooban oo caddeynaya Baadil-nimada Dhaqanka iyo Fikradda Wahaabiyada ee Cadaawadda iyo Takfiirku ka buuxo, Lakin Addilada ku saabsan Mowduuca Mowlidka oo faaf-faahsan waxaad ka daalacan kartaa Risaalada Carabiga ah ee xaga danbe kaga lifaaqan Maqaalkan.
Wabillaahi Tawfiiq
Wasalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
W/Q: Sh.C/qaadir Sh. Maxamad Mataan-(Colow).
shcolow@hotmail.com
Mobile: 0060-173817184
Kuala Lumpur-Malaysia.
----------------------------------
Halkan ka aqri Risaalada Carabiga ah
(تحفة المحبين في مشروعية إحتفال مولد سيد المرسلين صلي الله عليه وسلّم)
بسم الله الرّحمن الرّحيم
الحمد لله الذي جعل ميلاد المصطفي موسم الأفراح والإبتهاج والسرور لأهل الإيمان ، وجعل شهر ولادته صلي الله عليه وسلم أوانا لتعرض النفحات المحمدية ، وشمل علي أهل المحبة من بركاته كلَ فضل عميم، وميـّز أهل النفاق بسيماهم في هذا الشهر من المقت والكراهية ، لما يشاهدونه من الإحتفال والتعظيم لسيد البرية ، ولا عجب إذ يعرف المجرمون بسيماهم فهم مشهورون بتلك الصفات الدنيئة والسلوكيات الساقطة اللاّدينة ، وبئست الصفة إذ هي صفة أعداء الله ورسوله من الكفرة والفجرة والمبتدعة والمنافقين ، ولله ذر الحافط أبو شامة حيث قال: (وفيه - أي في مولد النبي صلي الله عليه وسلم - إغاظة للكافرين والمنافقين) .
وأشهد أن لآ اله الا الله وحده لا شريك له إصطفي محمدًا من خلقه ورفع شأنه في الأولين ولآخرين بقوله (ورفعنا لك ذكرك) فالخيبة كل الخيبة والخسران كل الخسران لمن يحاول بعد ذلك إحطاط رتبته صلي الله عليه وسلم (يريدون أن يطفئوا نورالله بأفواههم ويأبي الله إلا أن يتم نوره ولو كره الكافرون) "سورة التوبة 32" ، فليمت بغيظه كل من يغضب عن تعظيمه واحتفاله .
وأشهد أن سيــدنا ونبينا وحبيبنا وشفيعنا ومولانا محمدا عبده ورسوله سيد العالمين، اللهم صلّ علي حبيبك ورسولك محمدا الذي تممت خَلقه وخُلقه، وعلي آله وأصحابه أولي المكارم والهداية وسلم تسليما كثيراً. أمـابـعـــد:
فقد قال أهل السِّيَر: "إن ولادة النبي صلي الله عليه وسلم من أعظم الحوادث التي شهد بها الوجود فيما علم علي الإطلاق"، بل نستطيع أن نقول لم تقع قبل ميلاده ولا بعده علي وجه الأرض حادثة أعظم منها أومثلها، وما وقع ليلة مولده صلي الله عليه وسلم من الإرهاصات دليل علي ذلك كما سيأتي.
أدلة إحتفال المولد من الكتاب والسّنة وأقوال العلماء:
الدليل الأول: إن مولده (ص) من أعظم شعائرالدّين: قال الله تعالي (ومن يعظّم شعائر الله فإنها من تقوي القلوب) "سورة الحج 32".
وشعائر الله: معالم دين الله باتفاق جميع المفسرين، ومنها قوله تعالي: (إن الصفا والمروة من شعائر الله) "سورة البقرة 158 منها أيضا قوله تعالي: (والبدن جعلناها لكم من شعائر الله) "سورة الحج 36"، وإذا كانت هذه الأمور من شعائر الله وتستحق التعظيم والتقدير فولادة النبي صلي الله عليه وسلم من أعظم وأجلّ من كل ذلك .
الدليل الثاني: إن مولده (ص) مما يُحترم به شرعا: قال الله تعالي (ومن يعظم حرمات الله فهو خيرله عند ربه) "سورة الحج 30".
والحرمات: هنا ما يستحق الإحترام والتعظيم والتقدير التي لايجوز إنتهاكه لعظم قدره عند الله، ولا شك أن ولادة النبي صلي الله عليه وسلم من أعظم شعائرالله ومن أعظم الحرمات عند الله .
الدليل الثالث: إنه (ص) كان فضلاً ورحمةً منّ الله بهما علينا وقد أمرنا الله بالفرح بهما بدون تقيد بوقت ول
Maxa Ka dhexeeya wahaabiyiinta dhibsada xuska dhalashada nabida (SCW), iyo yahuudda scandinevian-ka oo iyaguna xilligan oo kale sawirro xun ku caaya nabiga-SCW?!! (W/Q, Sh: Colow)