Munaasabaddaan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u farabadan kuwaas oo wajiyadooda laga dheehan karay farxada ay u qabaan dhalshada nabigooda muxammed NNKH .
Wxaa lagu furay qou'aan iyo qasiidooyin nabi amaan ah , khudbado iyo wacdiyo ayaa dhextaal looga dhiga munasabada mowliidka nabiga SCW .
Mashaaikh waaweyn ee culumaaudiinka ahlusunna waljamaacah ayaa ka qeybqaadanayeye khubado balaaranna ka soo jeediyay waxa akamid ahaa Shiikh Cabdirisaaq yusuf Aadan , Shiikh maxamuud Guraceel , Shiikh cusmaan xaaji aadam , shiikh cabdiraxmaan mire jimcaale , iyo culumaaudiin kale .
Waxa ay mashaaikhdaas waaweyn ay ka hadleen Siiradii nabiga SCW , maxabada nabiga oo ah jaceelka nabiga SCW , iyo mowduucyo badan oo diini ah .
Ddweynuhu ayagoo raxan raxan u socda oo aad moodo in guryihii lasoo faaruqiyay ayaa waxa ay soo gaarayeen hoolka weyn ee lagu qabtay ixtifaalka nabiga SCW .
Ugudanbaytii , waxaa si farxadi ku jirto u gabagaboobay munaasabadaas reer sweden gaar ahaan jaalaiyada soomaaliyeed ee caasimada dagan ay soo qabanqaabiyeen .
W/Q : Wariye Axmed khadar , IYo Mr Deeq
Email :axmedmbc@hotmail.com iyo deeqd2@hotmail.com
Xafladii Mowliidka Oo Lagu Qabtay Magaalada Stockholm Ee Dalka Sweden (Daawo Sawiro)