Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiisha Soomaaliyeed ee magaca ku leh ciidamada Milateriga Soomaaliyeed ayaa daboolka ka qaaday inuu socdo qorshe la doonayo in kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan Gobollada Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellada dhexe laga saaro xoogagga ku sugan.
Gen. Galaal ayaa sheegay in si toos ah uga qaybgalayo dagaallada looga horjeedo Al-Shabaab iyo Xisbul Islaa, wuxuuna sheegay in go'aankiisu uu yahay in wixii tallo ah ee uu hayo uu ku biiriyo Ahlusunna Waljamaaca.
“Ahlu sunna Waljameeca waxay awood u leeyihiin inay ka adkaadaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Soomaaliya, anigu waan taageersanahay Dowladda Soomaaliya, waxaana iga go'an inaan ku biiriyo Ciidamada Ahlusunna fikirka ciidan iyo Istiraatiijiyadaha dagaal ee aan aqoonta u leeyhaay" ayuu yiri Gen. Maxamed Nuur Galaal oo isagu gaaray sanadkaan horaantiisa Gobolka Galguduud.
Gen. Galaal waxa uu sheegay in Ciidamada Ahlu Sunna waljameeca ay yihiin kuwo awood u leh inay ka adkaadaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Gen. Maxamed Nuur Galaal oo shaaca ka qaaday in uu ku biirayo Xoogaga Ahlusunnah