Waxaa Saakay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho lagu dilay wiil 20-jiro ah kaasoo lagu kala jaray Isgoyska Bakaaraha, wiilkaasi ayaa ahaa wiil la gowracay oo madaxiisa iyo jirkiisa inta kale,lamana yaqaan in halkaasi la soo dhigay iyo in lagu dilay intaba.
Dad badan ayaa iskugu soo xuumay isgoyska Bakaaraha kuwaasoo eegayay meydka, haddii ay aqoonsan karaan,waxaase meydkaasi uu meesha yaalay saacado dhowr madaama la aqoonsan waayay.
Waxaa dadka magaalada Muqdisho ay si aad ah ula yaabeen sida ninkaasi loo bireeyay, iyadoo dharaar cad ay dadku fiirsanaayeen Marxuumkaasi la gowracay Meydkiisa.
Ma aha wax ku cusub magaalada Muqdisho in waaga marka uu baryo la soo kaco iyadoo meyd aan la aqoon cidii dishay la soo dhigo wadooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho,badiyaana waa falal si ula kac ah loo sameeyo.
Halka ninka lagu gowracay ayaa waxaa ka taliya kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah, waxaana dadka Muqdisho la soo dersay cabsi aad u wayn, waxayna dadka Muqdisho manta hadal hayaan Ninkaasi gowracan ee la soo dhigay Isgoyska Bakaaraha.
Meydka Nin Qorta Laga Jaray Oo Lasoo Dhigay Gudaha Suuqa Bakaaraha (Sawiro Naxtin leh)