Dagaalo Faraha looga gubtay oo ka dhacay Howdka fog ee Magaalada Kismaayo ee G/J/Hoose

0
Friday July 18, 2008 - 19:23:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalo Faraha looga gubtay oo ka dhacay Howdka fog ee Magaalada Kismaayo ee G/J/Hoose

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay deegaano kuyaala Hawdka fog ee gobalka Jubada Hoose ay ka dhaceen dagaalo xoog leh ,kuwasoo geystay dhimashada dad gaaraya 10qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay deegaano kuyaala Hawdka fog ee gobalka Jubada Hoose ay ka dhaceen dagaalo xoog leh ,kuwasoo geystay dhimashada dad gaaraya 10qof.


Warka ayaa sheegaya in deegaanada Baqdaad & goobo ku xeeran ay ka dhaceen dagaalo xoog leh ,kuwasoo dhexmaraya Labo Maleeshiyo oo ku sugan deegaanadaasi ,waxaana dadka dhintey ay ubadan yihiin dhinacyada dagaalamaya.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi ayaa walaac ka muujiyey dagaalada ka soo cusboonaaday deegaanadooda ,waxa ayna sheegeen in looga baahan yahay dhinacyada dagaalamaya in ay dagaalka Joojiyaan.

Warka wuxuu intaasi ku daraya in ay jiraan dagaalo kale oo maanta markale dagaalo ka dhaceen deegaanadii ay xalay oo dhan ku dagaalamayeen dhinacyada iska soo horjeeday.

Jubada Hoose dagaaladan ka soo cusboonaaday waxa ay saameyn ku yeesheen gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ,ayadoo ay dad badan cabsi ka qabaan in dagaalada ka soo cusboonaaday ay saameyn ku yeeshaan ayagoo si gaar ah loo dilayo dadka aanooyinka qabaa'ilka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip