Madaxa Wararka Website-ka Dayniile Nasrudiin Caydiid Salaad (Diini) ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax shalay galab ka dhacay degmada Waaberi kaasoo lala bartilmaameedsaday Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Wariyaha dhaawacmay ayaa isagoo yaal Isbitaalka waxaa uu u waramay Idaacada Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay inuu gacanta ka jabay markii firirka Miinada ay haleeshay sidoo meelo kale jirkiisa ka mid ah ayuu sheegay inay firitooyin yar yar gaareen.
Wuxuuu intaasi ku daray Wariye Diini in iminka xaaladiisa caafimaad ay fiican tahay,sidoo kale waxaa uu sheegay in dhalinyaro isaga la socotay ay qaarkood ku dhinteen halka qara kalana ay isbitaalka la yaalaan oo ay dhaawacmeen.
Qaraxa uu ku dhaawacmjay wariyaha ayaa ahaa mid shalay galab lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG Soomaaliya iyadoo inta la ogyahay ay askartaasi ka dhinteen ilaa 3 askari iyo sidoo kale la sheegay inay ku dhinteen dad rayid ah oo gaaraya ilaa 4 ruux.
Madaxa Wararka Website-ka Dayniile oo ku dhaawacmay Qarax Shalay Galab ka dhacay Degmada Waaberi.
Madaxa Wararka Website-ka Dayniile Nasrudiin Caydiid Salaad (Diini) ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax shalay galab ka dhacay degmada Waaberi kaasoo lala bartilmaameedsaday Ciidamo ka