Basaasiin Dowlada Itoobiya ah oo lagu Qabtay Gudaha Wadanka Yeman

0
Saturday April 24, 2010 - 14:15:23 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Basaasiin Dowlada Itoobiya ah oo lagu Qabtay Gudaha Wadanka Yeman

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Yemen ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta dad gaaraya 92 ruux oo African ah oo ay ku jiraan 21 ruux oo basaaseen u ahaa wadanka Ethiopia kusoo doonayay inay gudaha u galaan dalka Ethiopia.
 
Warkaan oo ay qortay wakaalada wararka dalka Yemen u faafisa ee SABA ayaa waxaa lagu sheegay in 21 reuux ee basaasiinta ah oo u dhashay dalka Ethiopia ay xeebaha Somalia ka soo raaceen doon ay la socdeen dad tahribayaal Somalia kuwaasoo ay ciidamadu ka qabteen xedebaha gobolka Taciz ee dalkaasi Yemen.
 
Wasaaraddu waxay sheegtay in dadkaan Ethiopian ah ee loo heysto inay wax u basaaseeyeen dawlada Ethiopia ay hadda ku xiran yihiin xarunta damkbi barista dalka Yemen ee magaalada Sanca iyadoona ay baaritaano ku socdaan.
 
Warku waxaa uu intaa ku darayaa tahriibayaashii Somalida ahaa oo au ku jiraan 33 dumar ah in loo gudbiyay xerada Qaxootiga ee Al-Kharaz oo kofurta dalkaasi ku taala.
 
Dawlada Yemen ayaa horey u sheegtay inay ka cabsi qabto in xeebaha Somalia kaga soo gudbaan kooxo ay ku sheegtay inay waxyeeleeyaan amaanka wadankaasi Yemen amaanka xeebaha dalkaasi si gaar ah loo adkeeyay.
 
 
Tobonaan kun oo qaxooti African ah ayaa sanad walba gaara wadankaasi Yemen kadib marka ay ka gudbaan biyaha gacanka Cadmeed oo Somalia iyo Yemen waxaana warbixin ay dhawaan soo saartay Q,M ay ku sheegtay in sanadkii tagayu ee 2009,ka ay dalkaasi Yemen gaareen dad gaaraya 74,000 oo rux oo muhaajiriin African ah kuwaasoo 50% ka badan intii tagtay dalkaasi sanadkii 2008,da.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip