Gabaygaan "Qaali Badan" Waxaa tiriyay Abwaanka Weyn (C/qaadir Cali Gurey)

0
Saturday May 15, 2010 - 18:11:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaygaan "Qaali Badan" Waxaa tiriyay Abwaanka Weyn (C/qaadir Cali Gurey)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan halkaan idinkugu soo bandhigeynaa gabay aad iyo aad qaali u ah dhammaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto sidookale gabay wuxuu kahadlayaa dhibaatada loo geystay umada somaliyeed waxaa tiriyay gabaygaan abwaanka weyn ee soo maaliyeed c/qaadir cali gureey waxaa latiriyay gabaygaan 28/04/2010
gabayga magaciisana waxaa layiraahdaa (sabciin)
 
1) Dunidaan ninkii duub xirtaba loo durbaan tumayo
dunidaan dariiqii xaqana beenta lagu doodo
dunidaan isdabahaysatee dooda lagu faano
 
2)Dunidaan ninkii diin bartiyo culumadii dowrtay
dunidaan lawada diidanyahay inaan xaq isdareensiino
dunidaan ninkii doollar lihi xaakim yahay dooran
 
3) Dunidaan jahligu talinayiyo duurkujirayaashu
dunidaan ninkaan diinta baran culumo loodoorto
dunidaan itaalyare adoon ku amartaagleeyo
 
4) Dunidaan dilaal taajir yahay ganina doorsoomay
dunidaan iswada dabarjartee dooxatadu joogto
dunidaan dadkii talinlahaa jaahilku afduubay
 
5) Dunidaan dariiqii alliyo diinta laga weecday
dunidaan xaqii soodagiyo samihii loodiiday
dunidaan illaahii askumay lagu ikraameynin
 
6) Dunidaan sadkeediitageen samirla eegeynin
dunidaan aakhiru sabaan iilateen uunkuna arkeynin
dunidaan sabciin iyo isneeynyada firqood saxa udoodeyso
 
7) Dunidaan siduu nabigu yiri taagan kalasooca
dunidaan siduu nabigu yiri daaro lagu faano
dunidaan siduu nabigu yiri dabar go,iijoogta
 
8) Dunidaan qabkeedii lumee qoomamada joogta
dunidaan lawada qaawanyaheen cidi qashuuceynin
dunidaan daliilkii illaah doollar laga doortay
 
9) Dunidaan xaqruux doonayaba beenta lagu dooxo
dunidaan daliil shiikh marshana daaqad laga eegto
dunidaan nin towxiidayana tamashle loo toogto
 
10) Dunidaan ninkii daaciyaba dabinka looqoolo
dunidaan damiirkii lumeen xaqadaneynin
dunidaan islaamkii ladilee gaal ladarajeeyo
 
11) Dunidaan islaamkaan dilaa doollar lagu qaato
dunidaan xaqaan dooriyaa daaro lagu yeesho
dunidaan dalkeygaan gubaa laysku darajeeyo
 
12) Dunidaan islaamkaan daldali qaraxa looduugo
dunidaan janaan doonayaa dabinka looqoolo
dunidaan janaan doonayaa dabaqa loofuulo
 
13) Dunidaan isdaldalay janaan dalaq ku iri lagu dardaarmaayo
dunidaan dacwadakii udiray ardaga ugadanbeeynaayo
dad miyuu dabaqayaa isagu diidyay qarixiiye
 
14) Dunidaan siduu damucu rabo diinta lagu sheego
dunidaan ninkii doqon ahaa dirac kaweynaaday
dunidaan hablaha taandalbado duhur la iikeeno
casirkii furiin aan duldhigay saan udarajeeyay
 
15) Dunidaan jahligu doodayoo cidina diideynin
dunidaan wixii qalad dhacaba qaali laga yeelo
dunidaan ninkii diinyiqiin daawasho ujoogo
 
16) Dunidaan ninkii deelmarshiyo aragtidii diiday
dunidaan ugaas duubleh iyo odayadii diiday
dunidaan dad uun wada qafilan showrka laga qaato
 
17) Anna dooduyay ila durkine waxaan kudaaweeyay
dulucdiyo ujeedkaan lahaa uunka wow diraye
oo diiwaanka taariikhdayaan door kagalayaaye

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip