Waxa caawa xasiloon Deegaanadi maanta dagaalu ka dhaceen ee magaalada muqdisho kuwaasi oo caawa aysan jirin wax dhaq dhaqaaq dagaal ah oo ka socda walow ay indhaha isku hayeen Dhinacyada dagaalada qaraar maanta dhax martay.
Wararka laga helayo magaalda Caasimada ah ee Muqdishoa ayaa waxa ay sheegayan in dhinacyada dagaalada waa Ciidanka dowlada iyo Amisom oo saf ah iyo dhanka kale oo alshabaab iyo xisbul islaam ah in ay kala joogaan halki gabalka ugu dhacay mana jirto wax dagaalo ah oo caawa halkaasi ka socdaan.
Dhanka xaafadaha Waqooyiga Muqdisho oo ahaa halka dagaalka qaraar ku dhax maraya dhinacyadaani ayaa waxa guulo ka gaaray dhanka dowlada oo iyada gacanta ku dhigtay fariisimo dhowr ah oo ka tirsan deeeganadaasi kadib kolki ay soo qaaday dagaal qorsheesan oo sida muuqata ahaa hadafkiisa qabsashada goobo cayiman.
Inkastoo dagaalki maanta ay guul istaraajiti ay ka gaartay dowlada iyo xulafadeeda Amisom ayaa hadana waxa jirto in qasaarihi dagaalka maanta uu faraha ka baxay hadii ay ahaan laheed shacab iyo dhinacyada dagalaka iyadoo la arkyay meydad dhowr ah oo daadsan goobihi dagaalada walow ay jiraan madaafiic dhowr ah oo kusoo dhacday suuqyada magaalada muqdisho.
Ururka Alshabaab oo dagaalki maanta qeyb ka ahaa ayaa waxa uu sheegtay guul kadib marki ay soo dhigeen shabakada ay maamulaan sawirada taangigaani ay leedahay amisom oo ay gubeen mana gabal dhici caawa wax deegaano kuwi laga qabsaday ah ay dib usoo celsheen maadama hore loogu bartay dagaalada gelinka hore in dowlada guuleesato gelinka danbena dib looga soo celsho.
Amisom iyo Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay maanta umuuqdeen kuwa kusoo dagaal galay qaab ka gedisan sida hore loogu bartay isla markaana ubareeray in ay soo dhax jiiraan difaaca adag ee kooxaha mucaaradka taasi oo dhalisay qasaaro ba'an oo dhinacyadaani isu geesteen
hadaba dhinacyada dagaalada muqdisho ayaa iyaga waxa ay mar walba galaan dagaalo is riix riix ah oo lagu tartamayo gacan ku heenta wadooyin katirsan magaalada muqdisho hasa yeeshee waxa ay sababsadaan dhimashada boqolal shacab ah oo marki horeba la daala dhacayay diifta dhibaatooyin dhowr ah kuwaasi oo salka ku wada hayo dagaalada aan dhamaadka laheen ee ragadiyay shacabka
Xaafadihi W/Muqdisho oo Caawa Xasiloon iyo Ciidamadi Dowlada oo halkoodi kusugan