Waxaa xildhibanaada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya lagu wadaa inay maanta oo Sabti ah ay doortaan gudoomiye ku xigeenada golaha Baarlamaanka, iyadoo aan weli aan xal laga gaarin arrinta khilaafka ka taagan yahay ee ah Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay maanta wada doortaan sida ay sheegtay Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir oo cadeysay in ay suurtagal tahay in maanta la wada doorto gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya doorashada labada gudoomiye laga dhigi doono labo maalmood, waxaana weli taagan khilaafka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Gudoomiye ku xigeenka uu ku toogan yahay in loo baahan yahay in la raaco sharciga.
Muranka ka taagan xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ay tahay jagada gudoomiye ku xigeenka kowaad oo uu ku adkeysanayo inuu weli jagadaasi hayo Prof.maxamed Cumar Dalxa, hase yeeshee waxaa la filayaa in wax kala cadaadaan markii ay kulmaan Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya .
Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir ayaa u jeedisay Gudoomiyaha cusub ee Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna ku boorisay inuu la yimaado isbadal muuqda iyo qorsheyaal cusub oo lagu bedbaadin karo shacabka Soomaaliyeed..
Doorashada Kuxigeenka 1aad ee Gudoonka Barlamaanka oo lagu wado in ay maanta dhacdo