
Afhayeen u hadlay xoogaga Nabad Ilaalinta ee AMISOM, ayaa qiray in Laba Askari looga dilay dagaaladii ugu dambeeyey dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Waqooyiga Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Ugu yaraan 31 ruux, ayaa ku dhimatay dagaalkii waqooyiga Muqdisho, ka dib markii ay weerar hujuum ah ay huwanta AMISOM ku qaadeen fariisimaha xoogaga islaamiyiinta eek u xiran Al-Qacidda ay leeyihiin, iyadoo in ka badan 100 ruuxna ay ku dhaawacmeen.
“Laba ka mid ah Askarteena ayaa lagu dilay dagaalkii Khamiistii, 5-kalana waa naga dhaawacmeen” sidaana waxaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u xaqiijiyey Manirakiza Adolphe oo ah sarkaal u hadlay AMISOM oo sidoo kale qiray in Laba ka mid ah Gawaaridooda dagaalka.
AMISOM oo ay Somalia ka joogaan in ka badan 6,000 oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi, ayaa Caasimadda Muqdisho looga dilay in ka badan 30-askari, tan iyo intii uu bilowday hawlgalka AMISOM 2007.
Kala soco wararka dagaal iyo Sport warsheekh.com
Amisom oo qiratay in laga gubay 2 gaari lagana dilay 2 askari Dagaalkii ugu cuslaa ee Muqdisho