Sanad iyo dhowr bilood oo la soo dhisay Dowladda Midnimada Qaran ee Madaxweynaha uu ka yahay Shariif Sh. Axmed ma jirto wax horumar ah oo ay ka gaartay dhismaheedii markaloo eego maamul iyo cudud Milateri intaba, hase yeeshee sababta arrintaasi keentay dad badan waxay u fasirayaan siyaabo kala duwan, balse waxaa hubanti ah in biyo deyska Dowladda ay ugu wacan tahay dhexdeeda, gaar ahaan hay'adaheeda kala duwan sida Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Wasaaradaha iyo qeybaha kala duwan ee taliska ciidamada.
Nidaamka Dowliga ah ee haatan ka jira dalka runtii, ma aha mid dalka iyo dadka u horseedaya barwaaqo, waxaana arrintaasi daliil cad oo muuqda kaaga filan sida maantadan aynu joogno xaalkeedu yahay gaar ahaan khilaafyada ka oogan, waxayna dadka u kuur gala arrimaha siyaasadda tilmaamayaan in hoggaanka sare ee Dowladda uu fiirsanayo dantiisa oo kaliya kana jeestay in dalka ay ku soo rogto isbedel degdeg ah sida inay gacanta ku dhigto ugu yaraan magaalada Muqdisho.
Marka aad fiiriso cududda Ciidan ee Dowladda KMG ah, ma aha mid yar, sidaas oo ay tahayna waxay kaashanayaan ciidamada AMISOM, hadana waxaa la isweydiinayaa halka ay sartu ka quruntay oo Muqdisho awoodeeda ugu ballaarin la'dahay.
Dowladda KMG ah ee tabarta yar kama faa'iideysan taageerada kala duwan ee beesha caalamka, waxaana nasiib darrada ugu weyn ee ay xilligan la liiceyso Dowladda ka mid ah:
1. Maamul xumo hareysay nidaamka Dowliga ah.
2. Heykalka Ciidan ee Dowladda KMG ah oo hagoogan musuqmaasuq.
3. Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku mashquulay safarrada dibadda iyo khilaafaadyo dhexdooda ah, isla markaasina aan xoogga saarin in awoodda Dowladda ay ku faafiyaan dalka.
4. Dayacaadda ciidamada la soo tababaro oo markii ay dalka ku soo laabtaan maalmo kaddib ka baxaya gacanta Dowladda.
5. Eegidda danta gaar ahaaneed ee xubin kasta oo Dowladda ka mid ah, taasi oo keentay in xaalku noqdo jug jug meeshaada joog,
6. Abuuridda khilaafaadyo iyo dayaca danta guud oo ay ku caan baxeen Saddex dalool laba dalool Mudanayaasha Baarlamaanka.
Kooxaha mucaaradka Dowladda oo iyagu gacanta ku haya dalka intiisa badan, iyana waxaa ka qaldan waxyaabo badan, waa la arki jiray Mucaarad doonaya Dowladnimo iyo Qaranimo inuu dalka gaarsiiyo, hase yeeshee labada kooxood ee iminka ugu tunka roon mucaaradka waa dagaal ma hurayaal xitaa haddii ay meesha ka baxdo Dowladda KMG ah, bacdamaa ay haatan oo ay leeyihiin hal cadow soo baxayaan xilliyada qaar in dhegaha shacabka ay maqlaan ereyo is khilaafsan oo ka soo kala yeeraya Shabaabka iyo Xisbul Islaam.
Ugu dambeyntii waxaan leeyahay Dowladda KMG ah ha u diyaar garowdo in talada gacanteeda ka baxeyso haddii aysan dhaqsi uga hortegin caqabadaha hortaagan jiritaankeeda, balse akhristow inkasta oo Soomaalida ay jeceshahay had iyo goor wixii cusub, waxaan hubaa in xaaladda uu haatan dalka ku sugan ka sii dari doonto haddii aan la helin Dowladnimo ay hoggaaminayaan madax cadaalad ah oo dalka ku soo roga nidaamkii dowliga ahaa oo la baadi goobayo halka uu ku sugan yahay.
Waxaa Qoray: Axmed Waddani
Muqdisho - Soomaaliya
(Faalo) Maxaad kala socotaa caqabadaha hortaagan Dowladda KMG?!!