
Waxa uu sheegay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan inay kulamo la yeesheen bulshada gobolka Gedo qeybaheeda kala duwan, sida waxgaradka, odayaasha, culumaa'udiinka iyo dadka degan degmooyinka hoos taga gobolka Gedo, isagoo sheegay in kulamadaasi ay uga wadahadleen arrimo fara badan.
"Daadka ummadda Soomaaliyeed ku dhex jira wuu sii dhimanayaa, waana socon waayay fikir shisheeye ee dhibaatada ku noqday dalka, dadka iyo diinta Islaamka" ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay inay ku guuleysteen bulshada gobolka Gedo inay fahamsiiyaan ujeedada kooxaha mucaaradka ah ka leeyihiin masiirka dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Sayid, mar uu ka hadlayay halka uu ku dambeeyay qorshe dowlad goboleed loogu sameynayay Gedo iyo Jubbooyinka, waxa uu sheegay inay wadaan qorshahaasi, isla markaasina howshaasi ay u xilsaareen guddiyo ay u doorteen inay diyaariyaan dhameystirka arrimo farsamo.
"Arrinta dowlad goboleedyada dalka waxay xoojineysaa awooda Dowladda Federaalka" ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay in nidaamka federaalka ay qaateen shacabka Soomaaliyeed, isla markaasina aanay wax dhiaato ah uga imaaneynin dowladda dhexe ee Federaalka KMG ah, isagoo tilmaamay in haddii gobolada dalka oo dhan ay sameystaan dowlad goboleedyo hoos imaanaya dowladda dhexe halkaas uu ka abuurmayo Qaran Soomaaliyeed oo dadkiisuna ay mideysan yihiin.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan gobolka Gedo, waa Xildhibaanka kaliya ee isagu dhex jooga dadkiisa, isla markaasina dhaqdhaqaaqyo ay dowladdu ogtahay ka wada dadka uu matalo dhexdooda, halka inta badan xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah aysan tegi karin guryahooda iyo degaanada ay matalaan oo qaarkood u jira masaafo ka yar laba kilo Mitir, lagana waardiyeynayo dadkii ay matalayeen.
Xildhibaan Max'ud Sayid Aadan: "Daadka ummadda Soomaaliyeed ku dhex jira wuu sii dhimanayaa, waana socon waayay fikir shisheeye"
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada ugu firfircoon Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa isagoo ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo waxa uu ka warbixiyay howlaha Xildhibaanada gobolka ay ka wadaan Degmada Doolow.