
Inta aan bilaabin Qormadeyda dhab ka hadalka ah waxaan iftiiminayaa Taariikhda magaalada xormada leh ee Warsheekh oo ka tirsan Gobolka Sh.Dhexe, waa magaalo leh madxaf diineedka ugu weyn Soomalia kuna toosan magaalada Muqdisho dhinaca xeebta Waqooyi Bari fogaan dhan 65 Km, waa magaalo uu aas aaskeeda lahaa Sheekh Daa' uud Cali Idiris qarnigii 17-aad, waxaana uu ka bilaabay dhismaheeda Masjid ka sameysnaa dhagax iyo Dugsi lagu baran jiray Qur' aan, Allaha u naxariistee Sheekh Daa' uud wuxuu ahaa wadaad aad u necbaa gumeysiga, sida ay dadka Warsheekh u neceb yihiin dulmiga, wuxuuna dadaalkii uu Warsheekh ka bilaabay ay aheyd fidinta Diinta Islaamka iyo iska difaaca gumeysigii Talyaaniga ee sahminta u yimid Somalia.
Warsheekh waxay xiriir Beec Mushtar la lahaan jirtay aduunka intiisa kale, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Afrika, waxay laheyd Dekad Wanaagsan oo Doonyaha beec mushtarka ku yimaada ay ku soo xeran jireen, Waxeyna keeni jireen Badeeco u Badan Bunka, Dharka, Timirta iyo Milixda Ama Cusbada ) Waxeyna Qaadi Jireen Xoolaha Nool, Herkaha, Subaga, Nuuryada cad iyo alaabo kale.
14-04-1890 kii koox ka tirsan ciidamadii Talyaaniga waxay ku soo xerteen marsada degmada Warsheekh, waxaana hoggaaminayey ciidadmaasi sarkaal la oran jiray Dhame Amania, wuxuuna xeebta u soo diray Sahan ka kooban Toddoba badmaax iyo Turjumaan ku hadlayey afka Carabiga, waxaana ka dhiidhiyay soo gelida ciidamdaasi dadkii deegaanka iyo culumadii, halkaasna waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo lagu dilay Gumeystihii ugu horeeyay ee geyiga Somalia nafta looga qaado, sarkaalkaasi oo hoggaaminayay ciidamadii loo soo diray sahminta xeebta degmada Warshiikh.
Waxaana meeshaasi ka bilowday duqeyn xoogan oo degmada Warsheekh laga soo duqeeyay badweynta dhexdeeda, iyadoo ilaa iyo iminka degmada xusuus ahaan u yaalaan Gantaalihii lagu soo riday, waxayse degmada laheyd ciidamo la oran jiray AFARTAN LOWGA oo ilaalo ka hayay xeebaha degmada ay leedahay. hase ahaatee markii si rasmi ah ula wareegeen gumeysigii Talyaaniga guud ahaan dalka waxay si nabad leh u soo galeen degmada Warsheekh oo ay xadgudubyo aan halkan lagu soo koobi karin u geysteen waxgaradkii iyo ciidamadii dagaalka kala hortegay.
Warsheekh waxay caan ku tahay fidinta Diinta Islaamka iyo Mashaa' iqda la xormeeyo, waa magaalo culumo, laguna tixgeliyo Madarasadaha ay aas aaseen culumo Soomaaliyeed oo aan ka tilaami karo Sheekh Daa' uud Cali Idiris, Sheekh Abiikar Miixdaar, Sheekh Cabdi Ow Cumar iyo Sheekh Muxumad, waxaase maanta wax aan la qaadan karin ah in bidhaantii Culumadaasi dhaliyeen in su fudud wiilal ehel u aheyn Diinta Islaamka si fudud u damiyaan, Qabriyadii Owliyada Illaaheyna dadka siyaarta ka hor istaagaan.
Waa dhacdo xanuun badan oo loo dul qaadan karin in wiil aan la garaneyn meel uu ka yimid afka qabto dhasha culumo iyo jameecadooda ku dhaqan Degmo dadkeeda dulmiga neceb, diintana jecel lagana hor istaago Siyaarta Culumada ku aasan degmadaasi oo sanadahan danbe dadkii ka imaan jiray gudaha dalka iyo dibada aysan dhicin, cilmigii laga raacan jirayna ku badalaan cilmi la soo min guuriyay oo la soo xawilay.
Allaha ka raali noqdee Sheekh Cabdi Ow Cumar oo lagu yaqaan cilmiga Carabiga iyo Diinta Islaamka maanta dad badan waxay ka wel welsan yihiin halka uu ku danbeyn doono Lafahiisa, Kutubtiisa iyo wixii qeyr ah ee uu abuuray, waxaase la hilmaami doonin kuwa har iyo habeen u soo jeeda baabi' inta iyo dabar goynta aqoonta iyo cilmiga culumadaasi ifiyeen.
Waxaase qoraalkeyga ka dhashay calool xumada ku soo gabagabeynayaa tix yar oo Aaba Sheekh Cabdi Cumar xertiisa iyo dadka toosan ay ku salaami jireen oo ah.
By: Cali Muxiyaddiin Cali
Email: muxiyaddiin@hotmail.com
(Faalo) Imaanki Udgoonaa Aaba-heena Sheekh, Cabdi Ow Cumarow Ijaaban Rabnaa (By, Ali Muhyadiin)