Amiirka Alshabaab oo Shacabka Reer Muqdisho ugu Baaqaya waxa uu ugu Yeeray Jihaadka

0
Monday July 05, 2010 - 16:44:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiirka Alshabaab oo Shacabka Reer Muqdisho ugu Baaqaya waxa uu ugu Yeeray Jihaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr oo ah amiirka ugu sareeya xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadlay dagaalada maalmahaan ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ciidamadooda ay ku gacan sareeyaan dagaaladaas.

 Amiirka Al-Shabaab oo ka hadlayay qaar ka mid ah idaacadaha Muqdisho, ayaa inta badan hadaladiisa waxay ahaayeen Gabay uu ku ammaanayo ciidamada Al-Shabaab ee iyagu ku jira safka hore ee dagaalka, isla markaasina uu ku liidayo ciidamada Dowladda iyo AMISOM, gabaygaasi oo ahaa mid uu mooraalka ugu dhisayo ciidamadiisa.

 "Reer Muqdisho waxaan ugu baaqayaa waa inaan olole jihaad ah ku qaadno cadowgeena" ayuu yiri Amiirka Al-Shabaab oo sheegay in dadka Muqdisho ay leeyihiin laba taariikh oo waaweyn marka ay timaado dagaalkooda, o uu sheegay inay guulo ka soo hooyeen dagaalkii ay la galeen ciidamada Mareykanka iyo midkii ay la galeen ciidamada Itoobiya.

 Waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay gaarsiiyeen dhaawacyo, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in dagaalyahanada la garab istaago, kuwa geeriyooday ilmahooda la daryeelo, kuwa dhaawaca ahna loo gurmado iyo kuwa safka ku jira oo uu dadka ku booriyay inay biyo iyo raashin ugu geeyaan aagagooda.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip