Dagaal ayaa gelinkii dambe ee shalay ku dhaxmaray Ciidamada Kenya iyo kuwa al-Shabaab, iyadoo dagaalkaasi uu ka dhacay Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Wararka ka imaanaya Magaalada dhoobley ayaa sheegaya in laba ka mid ah Ciidamada Al-Shabaab ay dagaalkaasi ku geeriyoodeen, iyadoo Ciidamada Kenyana uu ka dhawaacmay askari ka tirsan ciidamadooda.
Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu ku billaabamay iyadoo askarigaasi dhaawacmay la dhigay Cusbitaal ku yaala Magaalada Gaarisa, iyadoo Ciidamada Kenyana ay dileen laba ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Israsaaseynta labadaasi dhinac dhexmartay ayaa socotay muddo kooban, iyadoo halkaasi isaga soo baxeen maleeshoyaadka Shabaab, waxayna dadka deegaankaasi ay sheegeen in dagaalkaasi ay ka cabsi qabaan inuu deegaano kale ku faafo.
Dhanka kale labada dhinac ayaan ka wada hadlin dagaalkaasi, iyadoo Xarakada Al-Shabaab ay horay u sheegtay inay la dagaalamayaan dalalka gacanta siiya dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Al-Shabaab oo israsaaseyn ku dhexmartay Xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.