Dhambaal Furan oo kusocda Soomaali meel Walba ay Joogto (By: Fadumo Cade)

0
Thursday August 05, 2010 - 17:05:43 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhambaal Furan oo kusocda Soomaali meel Walba ay Joogto (By: Fadumo Cade)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

          Ku: Soomaalida oo dhan
                meel kastoo ay joogaan
          Ujeeddo: talo aan u arko muhiim


Walaalayaal Soomaalida oo dhan dibedda iyo gudaha inta joogta, Madax iyo Rayid
Cirroole iyo dhallinyaro, qaybaha kala duwan ee bushada, iga guddooma salaan
qaali ah. Sida aan wada ogsoon nahay Dawladdii wax ay faraha ku hayso ayaa u
yar, waxa dalkeenna ka socdana ma jiraan wax lagu cabbiri karo, xaaladdiina ma
alin walba waa ka sii daraysaa rajana kama lihi in la helo wax isa soo taraaya abadan.
Walaalayaal waxa Soomaaliya ka dhacaya waa wax caalamka oo dhan la fajacsan yahay
waxaana ayaan darro ah in dadkii dalka u dhashay ay ummaddi halaagayaan ayagoo
ku faraq xirtay ajaanib ku adeeganaya ujeedadoona ay tahay in dalkeenna ay la waree
gaan soomaalidiina ka dhigaan hal haaday, hal hoogay iyo hal heebshay.
Waxaan la yaabbanahay in taladii wareertay haddana hambada hartay la badbaadin
laba ayeey noqon doontaa oo kala ah:
1- In qarannimadii la waayo oo calanka la duubo oo Soomaaliya maxmiyad la geliyo
    loona dhiibo dawlad caalamka ka mid ah si hadda ka dib ummaddaan dhaqan cel
    linn loogu sameeyo sanooyin badanna la waayo Qarankii Soomaaliya oo waayay cid
    u ciidamisa oo u diir naxda oo badbaadisa
2- In dadka ku soo qamaamaya ee ajaanibta ah oo waayay meel ay salka dhigtaan
    soomaaliya la wareegaan oo hantiyaan dalka, duunyadeena iyo dadkeenna.
Walaalayaal waxaa hore loo yiri dadkaan deggan Soomaaliya miyeysan ayagu lahayn Dalka
maxaayeelay waxaa la arkay sida ay u burburinayaa daarihii Xamar Cadde, siday u shi
dayaan geedigii oo xitaa kuwii ahaa geed miroodkii ay dhuxul inta dhigaan u dhoo
finayaan dibedda, waxaa la arkay in nafta muwaadinka soomaaliyeed ay qiimo ku fadhiyin
oo maalin kasta la daadinayo dhiig walaal. Waxaa kaloo Dalkii iyo Dadkii lagu anfeeyay
dagaalloo aan ujeeddo lahayn oo misana aan dhammaad lahayn.
Berigii hore soomaalida waa ku badnayd qiiro ayeeyna lahaayeen . Soomaalida
waxay tiraahdaa deb deeb ayuu dhalaa misana waxaa kaloo la yiraahdaa meeshii baha
sheeda dhammaato bakaylaheeda ayaa soo bur fuulo. Rag waa raggii hore taasina
waa wax aan qirayo, haddaan cabbiro waxa ay ku dhaqmayaan ragga maanta ku
sugan dalkii oo mid walba dhaliishiisa leh madax iyo rayid.
Ilaah baan idinku dhaarshee soomaliyeey, waa kuwa joogo Dalkii maxaad u oggolaate
en in gabdhiina si xaaraan ah loogu guri geeyo ajaanib aan diin iyo iimaan lahayn oo
 waliba lagu soo warbixiyay in laga dhalo ilmo xaaraan ah. Gabdhaha waa kuwiinnii
rag yahoow, mid waa aabbe, mid waa walaal midna waa gayaan. Seed ku oggolaateen in hortiina sida neef ari ah lagu kaxaysto, maxaa looga dhiidhiyi waayay, maxaa loo he
li waayay kacdoon isku bahaysta in ay iska qaadaan heeryada gumeysiga cusub.
Soomaaliyeey waxaan la wada soconnaa in caalamka noo soo aduuday Dawlad
oo lagu soo dhisay dalka dibaddiisa, ujeeddadana ay ahayd in aan ku gaarno mid
lagu dhiso dalka gudihiisa oo wada dooranno raallina laga yahay; waxaase yaab ah
in mid walboo laysku soo duduwo hilfaha loo qaado afkana ciidda loo daro.
Dawladda eed ma laha oo haddiiba ay wax qaban lahayd meel ay ku hawl gasho ma
laha, waxay ku jirtaa xero kooban meel kastana dab ayaa uga shidan waxayna magan
u tahay ciidammo shisheeye runtiina ma lalaha waji lagula xisaabtamo.
Waxaan leenahay Baarlamaan tiro badan oon tayo lahayn oo meel loo jeedo iyo meel laga jeedo garanayn oo meesha u fadhiya kali fawdo iyo jeebka wax loogu rido oo lacagta
uga tallabsanayaan wax walibo oo qaddiyad ah ama mabda' ah oo ay leeyihiin. waxaa
ay handadaad ku hayaan maalin walbo xukuumadda ayagoo garowsho u lahayn in
 xaaladda dalku marayo uusan saamaxayn kala daadsanaan iyo mooshin oo ay la
daba joogaan. waa garan la'yihiin in aan la joogin wakhti lays bursado oo qof nacbaysi iyo qof jeclaysi ay xaajadu ka wayn tahay. waxaa xusin mudan mooshinkii ay la daba galeen Aadan Madoobe, haddana waxay la daba taagan yihii ra'isil wasaaha waadna arki doontaan
berritana waxaa daba socda Sheekh Sharii, Madaxwaynaha.
Waxaa xiga oon maqaalkayga ku xusayaa in aan leenahay ciidan lagu qiyaasay ilaa toban kun
oo misana lagu soo tabarray dhaw dal ee dibedda ayna maal geliyeen Dawlado uu Jarmal
ku ka mid yhay waxaana ku baxday lacag tiro badan. Waxaa ayaan darro ah in ay ku
soo baxeen kuwi aan wax soo kordhin, kaba daranee wax u dhima shacabkii la doona
ayay in ay wax taraan amaba ayagii dhecdooda ay ka toltolato is dilaayaan, ayagoo aan
uba jeedin kuwa qamaamaya oo ummadii halakeeyay kuna abuuray cabsi iyo qalanqall

                                     DULUCDA MAQAALKA

Intaasi haddan ka dhigto hor dhac, aan u soo daadago dulucda maqaalka oo ah
in aan walaalahay soomaaliyeed aan u gudbiyo talo waxaan hayo oo ay ila no
qotay in ay muhiim tahay in aan idin soo gudbiyo. waxaa la yiri ciddii tashan wayso
waa loo talinayaa; annagu soomaali haddaan nahay waa tashan waynay waxaanse
ogahay in badan dadkeenna in wax la badbaadsho oo dib loo soo celiyo haybaddii qaranka
sharaftii muwaadinka shrcigii iyo kala dambayntii ku hamminayaan.
Waxaa dalka jooga ciidammo shisheeye, waa Amisom, kuwaasoo ilaa hadda ku eg meelo
cayiman sida daafaca madaxtooyada, garoorka dayaaradaha iyo dekedda muqdisho.
Waxaan la wada soconnaa in Shirkii Kampala ee OAU da laysku raacay in ciidammo dheeraad
ah la keeno dalka, waxaana suura gal ah xitaa in ay ku jiraan ciidammo itoobiyaan ah.
Soomaalida, Itoobiyaan markay maqlaan xasaasiyo ayaa qabata mana ujeeddaan kuwa diirkeenna leh oo dhaqan diin iyo waddanba wadaagto oo ka daran itoobiyaan.
Dawladda Itoobiya waxaa na soo maray dhibaato fara badan soomaalidana waxay tiraahdaa
waa cadawga kaliya aan leenahay. Dunida waa soo martay dagaallo iyo is nacayb laakin
maanta oo la horumaray waxaasi waa laga gudbay waxaana aalaba qilaafaadka lagu
dhammeyaa wadahadal. Dhibaatada waxay ka taagan tahay badanaa dalalka muslinka ah
oo aan gaarin bisayl iyo garowsho ay isku kaashadaan, gartaanna  danta dadkooda, ayagaa cadaw isku ah oo la kala dilo waxna aan isu oggoleen.
Haddaan u soo noqdo mowduucii, waxay ila tahay in wakhti xaadirkaa aan nahay isuma taliso mana haysanno ciidan daacad ah oo daafaca dalka waxaana doorbiday in aan ayido si buuxda in naloo keeno ciidammo ay maamusho Qarammada Midoobay cidday doonaan ha
noqdeene, xitaa Yahuud, waa runoo waxaa la yiri dheriga karka maxaa ka keenay, waa
kulaylka. Itoobiya waa dawlad jaar ah wax badanna naga dhexeeyaan; waxaa xusid
mudan in soomaali aan qiyaas lahayn ay u qaxeen itoobiya ayna ku nool yihiin xornimo taam ah. Anigaa ka marqaati ah oo waxaa dhawr sano ku nool qoysas aan ehel iyo walaalo nahay

lamana yiraahdo maxaa tahay iyo intee u socotaa. Dalka Kenya soomalida waa ku xakaareen, la la eryoodaa, waa la baadaa, waxay ciidammada is waydiiyaan immisa dibi ayaa maanta kuu gadantay; sharci hayso ama hayso waa isku mid, haddayba baasaboorka soomaalida arkaan waa iiddoodi, jeebka ayeey ku ridanayaan ilaa aad ka siiso doollarna heli maysid .

Haddaba waxaan ku soo gabagabeynayaa in aan soomaali geddi ahaan isku raacdo oo muwaafiqo ku noqonno in naloo keeno ciidanno shisheeye oon ayidnaa si wada jir ah.

Qarankeenni badbaado ayuu u baahan yahay annagana waa badbaadin waynay; aan iska
dayno caatifadda ee aan u guntanno sidii wax noogu suura galayaan. Itoobiya waxa nagala dhexeeya waa wax dhammaan doono Ummad walbana ayaaheeda ayadaa leh waxaana ku wada dhammensan doonnaa mustaqbalka wada hadal , qori caaradiis xal ma noqonayo

dad uun baa ku dhammaanaya. Ha la daayo  in loo arko cadaw dalka soo galay ciidammada, Dawlad Dawlad kale qabsan karto ma jirto ee si wada jir ah ha laga kaashado sidii loo cirrib tiri lahaa balaayada afka duubata iyo inta la hal maasha.

Waxaan ku soo gunaanaday qormadayda in aan Ilaah barinno in uu  towfiiqda na waafajiyo, cadawga Ummaddii baabi'iyayna aan iska qabanno annagoo kaashanayna cid walbo oon dan u aragno

Wa Billaahi Towfiiq

waxaa qortay

Faduma Axmed Maxamuud Cadde

           ( Qoorwayne )

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip