Waxaa shalay aaga hore ee Degmada DHarkenley gaar ahaan agagaarka deegaanka Xoosh fariisimo cusub ka sameystay ciidamda nabad ilaalinta ee ka socda dalka Burundi oo halkaasi ka sameystay dhufeesyo ay isaga difaacayaan weeraro kaga yimaada kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda.
Ciidamadan ayaa la arkayay iyagoo halkaasi ka qodanaya gudad iyo carro tuur u muuqda mid ay gabaab kaga dhiganayaan weerarada gaadmada ah ee lala beegsado ciidamada AMISOM, iyadoo ciidamdaasina ay wateen gawaarida dagaalka, Booyadu iyo Cagafcgaf iyo agab kale oo ku sugayaan amaankooda.
Horay ayaa aaagaasi waxa ugu sugnaa ciidamada dawlada oo ay fariisin u aheyd, balse hadda ay u muuqataa soo digitaanka Ciidamada Burundi mid looga hortagayo hanjabaadaha ka imaanaya kooxda AL-shabaab ee sheegaya in ay weeraro qaadi doonaan dhalashada bisha Ramaadaan.
Dhinaca kale Ciidamada ka socda midowga Afrika ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ay fariisimo cusub kaga sameysanayaan aagaga ay isaga soo horjeedaan iyaga iyo kooxaha Mucaaradka, isla markaan ay gogol xaar u tahay ciidamda cusub ee dhawaan la filayo inay Muqdisho soo gaaran una buuixiyaan fariisimada ay hada ka soo baxayaan.
Degmada Dharkeynley oo laga furay Saldhig Cusub oo ay yeeshaan Amisom