Xabad fakatay oo dishay Laba dumar ah oo jaad ku gada Suuqa weyn ee Madiino

0
Saturday August 14, 2010 - 16:32:58 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad fakatay oo dishay Laba dumar ah oo jaad ku gada Suuqa weyn ee Madiino

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa ugu weyn degmada Madiina oo ka tirsan gobolka Banaadir waxaa xalay afurkii kaddib ka dhacay dhimashada laba ka tirsan haweenka Jaadka ku iibiya suuqaasi, kaddib markii mid ka mid ah ciidamada maamulka Degmada oo isagu marayay wadada hareeraheeda ay uga fakatay xabad qorigii uu sitay.
 
Labada haween oo magacyadooda lagu kala gaabiyay Qalinley iyo Kaaho ayaa la sheegay inay isaga gudubtay xabadda ka fakatay askarigaasi ka tirsan ciidamada maamulka Degmada ee Dowladda KMG ah, waxaana labadaasi haween la sheegayaa inay xabaddu ka haleeshay xubnaha ugu muhiimsan jirkooda.
 
Daqiiqado kaddib waxaa goobtii ay ku geeiyoodeen labada haweenka ah soo gaaray ciidamada ammaanka ee degmada, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka labada haween isla markaana geeyay guryihii ay degenaayeen, markaas kaddib oo caadi ku soo noqotay xaaladii suuqa iyo meeshii ay ku geeriyoodeen haweenkii jaadka iibinayay.
 
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo in muddo ah kaddib suuqa ka dhaco dilalka kama'da ah, marka laga reebo weerarro gaadmo ah oo kooxaha mucaaradka ahi ku soo qaadaan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon gobolka Banaadir oo maamulkiisa iyo dadkiisu ay si aad ah uga mideysan yihiin inay degmooyinkooda ka difaacaan wax kasta oo ammaanka wax u dhimaya

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip