Alshabaab oo Hay’ada Cunada Aduunka ka mamnuucda Gudaha Gobolada Jubbooyinka

0
Tuesday August 17, 2010 - 14:34:21 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo Hay’ada Cunada Aduunka ka mamnuucda Gudaha Gobolada Jubbooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

 Maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa degaanadaasi ka mamnuucay inay howlgasho hay'adda caafimaadka Adduunka WHO, waxaana maalinimadii shalay albaabada loo laabay xarumo hay'adaasi ku lahayd gobolada Jubbooyinka.
 
Sarkaal ka tirsan Hay'adda WHO oo lagu magacaabo Dr.Dubad ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku wargeliyeen in hay'adiisu aanay ka shaqeyn karin gobolada Jubbooyinka, waxaana la sheegayaa in xarumo dhowr ah oo dhinaca caafimaadka u qaabilsan WHO la xiray, iyadoo arrintani tahay mid goboladaasi dadka degan ay soo food saartay xaalad oo ay WHO u qaban jirtay dadka.
 
Lama oga ilaa iyo iminka shaqo joojinta xarakada Al-Shabaab ay ku soo rogeen hay'adda WHO, mana aha markii ugu horeysay oo hay'adaha samafalka, kuwa caafimaadka iyo hay'adaha gargaarka laga mamnuuco dalka Soomaaliya, waxaana dadka degan gobolada dalka ee iyagu ka heli jiray hay'adaha samafalka taakuleynta kala duwan ay iminka soo wajaheen xaalado adag.
 
Dhinaca kale maamulka xarakada Al-Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa ilaa iyo iminka wax hadal ah ka soo saarin go'aanka ay shaqada uga joojiyeen hay'adda WHO oo dhinaca caafimaadka Jubooyinka iyadu ka haqab tiri jirtay dadka, isla markaasina daawooyin iyo baaritaan lacag la'aan ah dadka u sameyn jirtay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip