Ciyaaryahaanka 21 jirka ah ee koobka adduunka ee S/Africa lagu qabtay lasoo baxay kubad wanaagsan oo la jecleystay ayaa waxaa sidoo kale bartilmaameed saneyey Macalin-ka Man Utd Alex Ferguson oo ku qanacsanaa in uu lasoo wareegi doono.
Si kasto oo ay ahaata Ferguson waxaa looga guuleystay la saxiixashada ciyaarayahaan Ozil balse wali waxa uu rajo ka qabaa heshiiska lacagta oo aanan wali si toos ah leysugu raacin.
Websit-ka Real Madrid ayaa waxaa lagu sheegay in Bremen xattaa ay xaqiiqijisay lasaxiixashada Ozil Agaasimaha Werder Bremen ayaa waxaa uu shegay in Real laga doonayo in ay heshiiska soo dhameystirto inta aan kulanka habeen dambe la gaarin ee is reeb reebka Champion-ka
Kooxda Bremen waxa ay diiday qiima dhan 10m oo gini in ay ku dhiibto Ozil balse maalinimadii isniinta ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay Real u gaartay qiima dhan 11.5m oo lacagta ingiriiska ah heshiiskana u dhaw yahay in leysku raaco la'arki doonee sida uu kuso dhamaado
U wareegida Ozil ee dhinaca real oo la sheegay in ay maalinimada birto ah la dhmeystir doono
Kooxda Real Madrid ayaa waxaa maanta shaacisay in ay leysku raacay la saxiixashada ciyaaryahaan Mesut Ozil oo la filayey inuu ciyaaro kulanka habeen dambe is reeb reebka Champion-ka ee kooxdiisa wajihi doonto kooxda sampadoria.