
A/C Walaalayaal Dhamaantiin. Anigoo ku hadlaya Magaceyga Magaca Saxiibadey, Xildhibaanada reer Hiiraan oo kala jooga wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba, iyo Jaaliyadaha reer Hiiraan ee ku dhaqan Qaaradda yurub gaar ahaan waqooyiga yurub (Nordic Countries). ayaan waxaan halkaan Taageero buuxda, soo dhoweyn iyo hambalyo diiran u diraayaa dhammaan shacabka ku abtirsada Dowlad Goboleedka Hiiraan (Hiiraan State) oo dhowaan sameystay Maamulka kor ku xusan.
Waxaan Hambalyo gaar ahaaneed u diraayaa Madaxweynaha, Mudane Mohamoud Abdi Gab Madaxweyne ku xigeenka Mudane Isaaq Cali Cabdulle oo xilalkaas loo dhaariyey, 20.08.2010 iyadoo ay munaasibada dhaarta ay ka dhacday magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
Waxaan aad uga maqsuuday si quruxda badan ee loo soo agaasimay xafladdaas iyo qudbadahii xambaarsanaa taariikhda gobolka iyo talooyinkii qiimaha lahaa ay ka soo jeediyeen marti sharafkii ka soo qeyb galay xafladaas. Waxaan munaasabadaan uga faa’ideysanyaa in aan ku dhiirigeliyo maamulkaas in ay si walaaltinimo, daacad, cadaalad iyo karti ugu shaqeeyaan dadka xilkaas ku aaminay ee reer Hiiraan. Sidoo kale waxaan Hambalyo taas la mid ah u dirayaa, maamul goboleedyadii horay uga jiray dalka sida Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb. Waxaa kaloo aan soo dhawyneynaa maamul goboleedkasta ee dalka laga sameeyo.
Xildhibaan: Hassan Ali Abdi /Dhuxul
Helsinki Finland tel.358.415738792
Xildhibaano katirsan Dowlada Somaliya oo taageero balaaran usoo jeediyay maamulka Hiiraan