Guddoomiyaha ururka ardayda soomaaaliyeed ee kawaxbarata jaamacadda ahgaff ee kutaala dalka yemen shiikh xasan albasri ayaa ugu bishaareenaya dhammaan ardaydii xareesatay tukumintiyada deeqda waxbarasho in uu usoobaxay qabuulkii iyo viisihii ay kusoogalilahaayeen dalka yemen oo ay sidaas uga qaadankaraan safaradda yemen ey kuleedahay dalka jabouti visaha dalkugal ah
waxaana jirta in lagarabo ardayda in ay owfiyaan shuruudahaan hoos kuxusan
shuruudaha aqbalka jaamacadda ahgaff.
1- waa in uu heestaa shahaada dugsiga sare ama wax lamid ah
2- waa in uu ardaygu kubaasaa imtixaanka qabuulka jaamacadda
iyo wareesiga shakhsiyaded.
3- waa in ardaygu jaamacadda oo sooxaadhiraa duruusta jaamacadda
( muntadim.)
4- waa in uu shuruudaha kuliyadda ow doortay ardaygu uu kasoobaxaa..
5- waa in uu uqalmaa waxbarashada leeyahay caafimaad fayow..
6- waa in uu wataa tukumintiyada loobaahanyahay..taasoo ay kadalbankaraan maaumulka kuliyadda uu rabo in uu kubiiro..
7- waa in uu ardaygu buuxiyaa istimaarada doorasha oo takhasuska meesha uu kasii aadayo ah ..
8- waa in uu wataa dhowr sawir oo nooca ah lix lagudhuftay afar ah
9- waa in uu heesto 80 darajo marka uu dooranayo .maadooyinka cilmiga ah..
10- 70 darajo marka uu dooranayo adabka. ama culuumta insaaniga..
intaas wixii dheer kalaxiriir websitka jaamacadda ahgaff oo ah sidaan
http://www.ahgaff.edu/
shuruudaha maaliyadda ee jaamacadda ahgaff
waxaa jira dhowr shuruudo oo muhiim ah oo lagarabo ardayda in ay kasoobaxaan
waxaa kamid ah .
1- waa in uu iskabixiyaa ardayga 50 doolar ah oo ah lacagta dhiiga
2- waa in iskabixiyaa ardayga 50 doolar ah oo ah lacagta diinwaangalinta
3- waa in uu bixiyaa ardayga 50 doolar oo ah lacagta iqaamada
4- waa in uu bixiyaa ardayga 200 oo ah rahan si haddii uu ardayga uu kudhaco imtixaanka looguceliyo dalkiisa.
. talooyin kusocda ardayda cusub ee deeqda waxbarasho kahelay dhawaan dalka yemen
.
1- in si xikmad ey kudhisantahay loodoorto kuliyadaha.
2- in dhaqanka diinta wanaagsan iyo caqiidada ahlusunna waljamaaca aan lagaweecan marna.
3- in la iskuxirnaado oo amiiro iyo urur hogaamiya ardayda ahlusunna lasameesto
4- in buufikiska iyo qabyaaladda laga fogaado.
5- in wixii thaqaafo ah sitaxadar leh looqaato, wixii maadi ah mushkilad malahan .
6- in lalasoco websitka ardayda wixii cusub http://www.almaschool.wordpress.com/
.
7- in laweyneeyo munaasabada islamka kudhexweyn sida bisha mowliid.iyo in laxuso siyaarooyinka masha’ikhda
8- in ardaykasta uu soodiro takhasuska uu rabo in uu kutakhasuso ama uu barto
waynta ahlusunna waljamaaca meelkasta oo ay caalamka joogaanba..
9- ardayda awoodda waxa ay ku imaankaraaan airaboorka cadan..
w.d. guddoomiyaha ururka ardayda somaliyeed ee jaamacadda ahgaff
sheekh hassan albasri
e-mail xalbisri2@hotmail.com
telk 967734543792
websitka ardayda
http://www.almashool.wordpress.com/
(Ogeysiis) Jaama-cada Ahlusunah ee Ahgaff ee Fadhi-geedu Yahay yeman oo Arday cusub Qadaneyso