Goobaabin Geli Jawaabta Saxda ah:
Madaxweyne Sheekh Shariif waa:
1-Mas’uul Daacad ah.
2-Wadaad Siyaasada ku cusub oo xil ka culus loo saarshay.
3-Nin fursad dhaqaale ka Faa’iideysanaya.
Ra’iisalwasaare Sharma’arke waa:
1-Dibadjoog aan aqoon durugsan u laheyn dalka.
2-Aqoonyahan Fursad dhaqaale raadis ah.
3-Mas’uul dalka daacad u ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka waa:
1-Mas’uuliyiin dadka daacad u ah.
2-Kulundiyaal Dhaqaale doon ah.
3-Kuwo ka faa’iideysta hadba maraxalada taagan.
Xoogaga Al-shabaab waa:
1-Jaga doon.
2-Janno doon.
3-Jeenan doon.
Dalalka Deriska waa:
1-Saaxib u damqanaya Soomaaliya.
2-Cadowga koowaad ee Soomaaliya.
3-Kuwo doonaya in uu dalka degin.
Hey’adaha samafalka waa:
1-Kuwo u soo gurmaday shacabka tabaaleysan.
2-Kuwo dhaqaale ku raadinaya dhibka taagan.
3-Kuwo doonaya in ay faafiyaan fakir shisheeye.
Dibad jooga Soomaaliyeed waa:
1-Kuwo u damqanaya dalka iyo dadka.
2-Kuwo sii hurinaya colaada dalka.
3-Kuwo taageeraya mucaaradka dalka.
Culimaa’udiinka Soomaliyeed waa:
1-Kuwo ka run sheegay diinta.
2-Kuwo ku gambanaya diinta.
3-Kuwo cabsaday oon hadli Karin ama qaxay.
Haweenka Soomaaliyeed waa:
1-Kuwo ay saameysay colaada dalka.
2-Kuwo kaalinta ka qaatay fawdada.
3-Kuwo doonaya in xil ka helaan dalka.
Dhalinyarada Soomaaliyeed waa:
1-Kuwo loo adeegsado dhibaatada ka jirta dalka.
2-Kuwo uu haayo buufis dibadeed oo badaha iyo saxaraha ku dhamaaday.
3-Kuwo u taagan badbaadada iyo difaaca dalka.
Xoogaga Ahlu suna Waljameeca waa:
1-Culimo difaaca nafta, maalka iyo caqiidada Soomaaliyeed.
2-Koox ku soo biirtay loolanka Siyaasada oo xildoon ah.
3-Kuwo u taagan ka hortaga kooxaha diinta ku gamabanaya.
Qeybaha warbaahinta waa:
1-Kuwo u adeega dalka iyo dadka
2-Kuwo sii hurinaya colaada taagan.
3-Kuwo la kala safan u adeega kooxaha Siyaasada.
Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM waa:
1-Kuwo u soo gurmaday dalka iyo dadka.
2-Kuwo soo duulay oo xasuuq ka geystay Muqdisho.
3-kuwo doonaya in dawladu la wareegto dalka oo dhan.
Waa socotaa….
FG:Akhristow waxaad u madax banaantahay in aad ka dhiibato aragtidaada qormadan oo aad fikirkaada soo gudbiso.
W/D: Maxamed wadani.
Jeri114@hotmail.com
Halxiraale Siyaasadeed oo Cajiib ah