Xarun lagu Quudiyo Danyarta oo Alshabaab albaabada isugu dhufatay

0
Friday September 17, 2010 - 17:30:53 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarun lagu Quudiyo Danyarta oo Alshabaab albaabada isugu dhufatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa albaabada u laabay xarunta quudinta hay'adda Saacid maalinimadii shalay, iyadoona maamulka hay'adaasi lagu amray inay magaalada Jowhar ka qaataan agabkii xafiisyada hay'adda u yiilay halkaasi iyo waliba raashinkii bakhaarada ugu keydsanaa.
Hay'adda SAACID oo ah NGO wadani ah isla markaana maamula xarumo quudin oo ku yaalla gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho, ayaa xarakada Al-Shabaab xayiraadda ay saartay xaruntii quudinta Jowhar waxay la xiriirtaa bannaanbaxyada ay Shabaabku uga horjeedaan Dowladda Mareykanka oo maalmahaan ka abaabulayeen degaanada ay maamulaan.
Boqol ruux oo ka mid ah dadka u barakacay Jowhar iyo kuwa taagta daran oo raashin quudin ah ka heli jiray Hay'adda SAACID ayaa iyagu walaac ka muujiyay saameynta ay ku yeelaneyso xayiraadda la saaray howlaha ay hay'adaasi ka heyso magaalada Jowhar, iyadoo waliba sidoo kale albaabada la isugu dhuftay xarun lagu daweeyo dhallaanka iyo hooyada oo Hay'adda SAACID ku lahayd degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe.
Dhinaca kale maamulka Hay'adda SAACID ayaan ilaa iyo iminka jawaab ka bixin tallaabada ururka Al-Shabaabka Jowhar uu ku xiray xaruntii quudinta ee halkaasi uga furnaa, hase yeeshee ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Al-Shabaab xayiraad saaro hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka howlgala gobolka Sh/dhexe, halka ay horay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab u bililiqeysteen xafiisyadii Hay'adaha UNka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip