Dadka tabaalaysan ee ku jira xirooyinka qaxootiga Baydhabo oo nolol xumo baahsan la...

0
Sunday October 12, 2008 - 12:31:47 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka tabaalaysan ee ku jira xirooyinka qaxootiga Baydhabo oo nolol xumo baahsan la...

    Ayadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan cabashada xoogan ay ka soo yeeraysa dadka ku jira xirooyinka qaxootiga magaalada baydhabo gaar ahaana kuwa soo barakacay ayaysan jirin cid ilaa iyo iminka wax u qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan cabashada xoogan ay ka soo yeeraysa dadka ku jira xirooyinka qaxootiga magaalada baydhabo gaar ahaana kuwa soo barakacay ayaysan jirin cid ilaa iyo iminka wax u qabtay.


Dadkani dhibaatada kala duwan ku haysata xirooyinka qaxootiga magaalada baydhabo ayaa waxa ay u badan yihiin haweyn, caruur iyo dad da`ah ku waasi oo badankooda ka soo cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn ay ka socda magaalada muqdisho ee caasimadda dalka soomaaliya kaasi oo u dhaxeeya ciidamda dowladda soomaaliya , kuwa dowladd Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxaha hubaysan oo jiritaanka dowladda ka soo horjeeda.
 
Waxaana ay ku sheegayaan dadkani dhibaataysan marka aad la sheekaysatid in iyagu aanay haysan wax ay cunaan.
 
Hasa ahaatee waxay ka codsadeen dowladda KMG soomaaliya,maamulka gobolka, kan degmada baydhabo iyo hay`adaha samafalkaba in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan  kumanaanka kun ee qaxootiga ee ku dhibaataysan daafaha iyo magaalada baydhabo.
 
Ma ahan markii ugu horaysay oo dadkani nolol xumada la ildaran oo cabasho noocaani oo kale ka soo yeerto, iyadoona ilaa iyo iminka aanay muuqan cid wax u qabta.
 
Sidoo kale waxay ka codsadeen hay`adaha samafalka ee ka howlgala dugaha magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ay la soo gaareen baco dhibicda roobka ay kaga gabaadaan, bacdamaa maalmahan dambe gobolada Bay iyo Bakool uu ka bilawday qubashada xilli roobaadka ee deerta.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip