Golaha Dhaqanka Habar Gidir oo Dhaliilay Ahlusunah

0
Tuesday October 19, 2010 - 23:17:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Dhaqanka Habar Gidir oo Dhaliilay Ahlusunah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay yeesheen golaha odayaasha beesha Habargidir ayay eedeyn kulul dusha uga tuureen Xoogaga Ahlu sunna Waljameeca ee dhowaan weeraray Degmada Cadaado ee G/Galgaduud halkaasoo ay weerar ku qaadeen Ciidamada Ahlusunna Waljameeca.
Golaha sare ee beesha Habargidir ayaa Ahlusunna ku eedeeyay in ay weerartay Maamulka Xibin iyo Xeeb ee ka arimiya Degmada Cadaado, iyagoo ku tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid gardaro ah oo iska hor keenaysa dadka walaalaha ah ee degan Gobolada dhexe.
Abuukar Cismaan Shiiq oo ku hadlayay magaca Odayaasha Beesha Habargidir ayaa ugu baaqay Ahlusunna in ay raali gelin buuxda ka bixiyaan weerarkii gardarrada ahaa ee ay ku qaadeen deegaano nabdoon, isla markaana maamul uu ka jiray.
"Kuwii ku kalifay in ay qoryo qaataan sidoodii oo kale in aysan dadka ay weerarayaan ku kulifin in ay iyagana hub qaataan, Ahlu sunna waa culimadeynii, Xushmad baana u haynaa balse hadii ay sii wadaan dagaalada wixii ka yimaada iyaga ayaa masuul ka ah" ayuu yiri Abuukar Ganey oo intaa raaciyay in Ahlusunna ay beegsadaan kuwii ku kalifay in ay hub qaataan.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xoogaga Ahlu Sunna in ay joojiyaan abaabulka iyo qorshaha dagaal ee ay ka waadaan gobolada dhexe, isla markaana wixii ay tabanayaan ay u maraan wadada wada hadalka oo aysan soo laaban dhibaatadii hada dhacaday oo kale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip