Waxaa lagu wadaa in Maalinta berito ah in lagu ansixiyo Cod aqlabiyad ah Ra’iisul wasaaraha Cusub ee xukumadda KMG ah ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Soomaliya Md Sheekh hariif Sheekh Axmed, kaas oo ansixintiisu ay muran Xoog leh ka dhax dhalisay Gudaha xubnaha golaha Baarlamanka Soomaaliya.
khilaafkaan oo gaaray heer ay besha caalamku soo fara geliso, isla markaasna wada ahadal lala yeesho madaxdda sar sare ee dawladda, si ay meesha uga saaraan is afgaran waaga sababay in uu hakad galo ansixinta Ra’iisul wasaraha Soomaliya Maxamed C/Laahi Maxamed (Farmaajo).
Sacadihii ugu dameeyay ayaa waxaa magaaladda Muqdisho ka soconayay kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Xubnaha golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwasi oo maanta ku kulansan 5 Hoteel oo ku kala yalla magaaladda Muqdisho, iyagoo u fadhiya 5-ta beelood ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka ama 4.5, waxaana ay kulamadaasi ka kala socdaan Hoteeladda kala ah Saxfi One, Ambassador, Nasa hablood two, Wehliye iyo Nasa Hablood one si ay uga arinsadaan beel walaba cidii u matali laheeyd Wasiiradda Xukumadda Cusub ee uu soo magacabaayo Marka la siiyo Codka kalsoonidda ah Ra’iisulo wasaraha cusub ee uu soo magaacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif.
Sidoo kale kulamadaasi is daba joog ah oo soconayay malmihii la soo dhaafay kuwaasi oo siyaabo kala duwan oo ay uga hadlaayeen xubnaha Baarlamaanka, isla amarkaasna sii kala Fogeynayay Xubnaha baaralamaanka ayaa hadda u muqdda kuwo maanta isku aragti ka ah ka gadaal markii ay beesha calaamku soo fara gelisay soona afjartay wixii khilaaf ah ee la isku haystay.
Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa inuu dhaco kulankii Baarlamaanka ee maalmahaan hakad ku jiray ayaa waxa ay wararkii ugu dambeeyay sheegaayan in ay kawada qeyb galayaan dhamaanba madaxdda sar sare ee dawladda, iyadoo xiligaasna si aan leex leex laheyinin ay u wada codeynayaan xubnaha Baarlamaanka halkaasina lagu soo afjarro wixii khilaaf ahaa ee jiray si uu u soo dhiso xukuumadii laga war sugayay maalmahan marka la ansixiyo Ra’iisul Wasaare Farmajo.
Ansaxinta R.Wasaare Farmaajo oo birito lagu ballansanyahay