Alshabaab iyo B/Xawaadle oo kawada hadlay gabdhihii B/weyne lagu dilay

0
Monday November 01, 2010 - 12:53:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab iyo B/Xawaadle oo kawada hadlay gabdhihii B/weyne lagu dilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan xasaasi ah oo socday mudo afar maalmood ah loogana hadlayay dilkii loo geystay Xurriyo Ibraahim oo 15-jir aheyd iyo Ayaan Maxamed Jaamac oo 17-jir ah kuwaaso oo dhawaan maamulka Shabaab ay ku toogteen magaalada Beledweyne, laguna eedeeyay in ay basaasiin u ahaayeen taasoo u cuntami weysay ehelada iyo odoyaasha Beesha Xawaadle oo ay ka soo jeedeen.

Wakiilka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Calin Ugaas iyo odayaasha Beesha Xawaadle ayaa mudu afar maalmood ah isku mari waayay sidii xal loogu heli lahaa dilka labadaasi gabdhood oo ay odayaashu ku adkeysteen in ay aheyd xadgudub, halka maamulka Shabaabna ay ku dhageen in hada laga heshiiyo wixii dhacay maamulkana uu diyaar u yahay in la dhaqo.

Warar lagu klasoonyahay ayaa sheegaya in maamulka Shabaab ee Gobolka Hiiraan ay isku raaceen in mag laga bxiyo labadaasi gabdhood lana siiyo ehelada iyo odayaasha ay k a dhasheen taasoo muran dheer kadib ay isku raaceen halka, odayaasha dhaqanka ay sheegeen in ay ka soo fiirsanayaan dibna ay u balameen.

Kulankan ayaa la xariira dilkii dhawaan laba gabdhood ay kooxda Al-shabaab ugu geysteen magaalada Beledweyne kuwaasoo lagu eedeeyay in ay jaajuusiin u ahaayeen cidamda dawlada iyo kuwa Itoobiya, iyadoo dadka ku dhaqan dalka iyo dibada ay la yaabeen sida gabdhahaasi da'da yar qiil looga dhigtay oo loo dilay in ay basaaiinn ahaayeen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip