Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo ka hadlay kulanka looga hadlayo arrimaha ciidamada AMISOM ee muqdisho jooga ee Isniintii ka furmay magaalada Burujunbura ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisi ay diyaarisay qorshayaal hor leh oo ay ciidamo dheeraad ah ugu soo direyso dalka Somalia kuwaasoo ku biiraya ciidamada ka jooga ee wata magaca AMISOM.
Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxaa uu u sheegay madaxda kulankaasi ka qeyb galeysa in dawladiisu ay diyaar u tahay inay kordhiso ciidamadeeda Somalia ka jooga si ay amaankja wax uga qabtaan waxaana uu intaa ku daray in wadamada kale ee Africa looga baahan yahay inay taageero ka geystaan sidii Somalia nabad loogu soo dabaali lahaa.
Madaxweynaha Burundi waxaa uu carabka ku dhuftay inuusan wax wal ah ku heyn hajabaadaha dhawr jeer ka soo baxay madaxda Xarakadda Al-Shabab ee ku aadanaa inay weeraro ka geysanayaan wadamada Burundi iyo Uganda oo ay Somalia ciidamo ka joogaan waxaana uu intaa ku daray in ciidamada amaanka wadankaasi ay u xil saaranyihiin wax ka qabashada dadka amaanka qal qal galinaya sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynuhu waxaa uu ugu baaqqay wadamada beesha caalamka gaar ahaan Q,M oo uu ka joogay wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha wadanka Somalia Augostina Mahiga inay gacan ka geystaan caawinaada ciidamada Midawga Afriva ee Somalia jooga oo u sheegay inay u dhabar adeygayaan xaalado qariban oo Somalia ka jira.
Sidoo kale ergeyga Jamciyada Quruumaha ka dhaxeysa ee Somalia Agustina Mahiga oo isna kulankaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in Q,M ay sii wadi doonto taageeradda ay Midawga Africa siiso eek u aadan wax ka qabashada arrimaha amaanka dalka Somalia waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa madax ka socota dawlada KMGS,Midawga Africa,IGAD,Q,M iyo Midawga Yurub
Dowlada Burundi oo Ciidamo horleh Usoo direyso Somaliya