Saxansoxo "Qormadayda Xuuraan ayaan u tirinayaa in ay usoo jiidey dadka reer Muqdisho ambalaasta loogu deeqey", shabakada Warsheekh oo waraysatay

0
Friday October 24, 2008 - 16:26:52 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxansoxo "Qormadayda Xuuraan ayaan u tirinayaa in ay usoo jiidey dadka reer Muqdisho ambalaasta loogu deeqey", shabakada Warsheekh oo waraysatay

    Gaarigii ugu horeeyey oo nooca gargaarka degdega ah ee dadka u daadgureeya goobaha caafimaadka marka ey dhaawacmaan ama waxyeelo soo gaarto ayaa markii ugu horeysey loogu tabarucey dadka tabaaleysey ee Xamar ku nool ee sidda daran adeegaasi ugu baaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaarigii ugu horeeyey oo nooca gargaarka degdega ah ee dadka u daadgureeya goobaha caafimaadka marka ey dhaawacmaan ama waxyeelo soo gaarto ayaa markii ugu horeysey loogu tabarucey dadka tabaaleysey ee Xamar ku nool ee sidda daran adeegaasi ugu baahan.

Gaarigani oo ah nooca Coster loo yaqaano ayaa waxaa ku tabarucey ganacsato Soomaaliyeed waxayna sii mariyeen abwaano Soomaaliyeed oo waxaa furaha lagu wareejiyey Abwaan Abshir Bacadle oo isagana gudoonsiiyey wadihii gaadiidkani caafimaad.

Waxay ganacsatada balan qaadeen in ay ku tallo jirraan in ay bixiyaan 5 kale oo gawaaridani loo yaqaano (ka-beer ama dhuudhaa ama ambalaas), si beey yiraahdeen dadka ay madaafiicda haleesho ee dhiig baxaya loola gaaro isbitaala ayba iska yartahay caawinta dawwo ee ay ka helli karaan.

 Hadbba saxafi Cabdunaasir Saxansoxo oo ah saxafiyiinta qormooyinka faalada ah ka qora xaalada qalafsan ee Xamar, ayaa sheegtey in qormo uu ka qoray dhibaatada dadka ka heysata la'aanta gawaarida noocani ah in ay ugu wacneyd talaabada ay ganacsatada ugu tabaruceen gaariga.

Waa ka dib wax ka yar bi markii qormadani oo lagu magacaabo Xuuraan, kuna soo baxda webabka Somalitalk iyo KismaayoNews  ay sidda layaabka leh u ifisey dhibaatada dadka ka heysata la'aanta gawaarida gargaarka ee degdega ah, qormada ayaa is barbardhigtey shimbir nooca shirbir sheegtada loo yaqaan (Parrot) oo ambalaas lagula cararay markii ay xanuunsatay magaalada Pretoria ee dalka K/afrika, iyo boqolaalka sida rajjo beelka ah ugu dhiigbaxaya dariiqyada xabaalo wadareedka noqdey ee Xamar, ee iskaba dhaaf su'aasha ah in ay daryeel caafimaad helaana aanan helin wax gaadiid ah oo lagu geeyo goobta caafimaad ee kaliya ee magaalada ka shaqaysa.

 Warsheekh oo Johannesburg ku warasytay Saxansoxo ayuu yiri "aad baan ugu faraxsanahay in qoraalkeyga uu gacan ka geysan karro badqabka iyo daryeelka bulshada, mana aanan fileyn, laakiin ugu yaraan kun fariin oo la'igu bogaadinayo ayaa isoo gaartey tan iyo intii aan qormadani qorey 25 kii bishii September, waxaanan filayaa in qoraalkeyga uu ugu yaraan qeyb ka qaatay mashruucani wallow aanan dhibaatada la moogeyn, waanan u mahad celinayaa shaqsi ahaan dadka arrintani sameeyey".

"saxafi saaxiibkeey ah oo lagu macagaabo Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman" ayaa weeydiiyey abaalmarinta qoraalkani oo kale lagu heli lahaa kadib markii uu si weyn iigu bogaadiyey, wuxuu iigu jawaabay"sxb illaah ayaa kaa abaalmarinaya, ma jirto abaalmarin taasi ka weyn"", waxaan filayaa in an hadda heley abaalmarintii aan saaxiibkeey sida kaftanka ah u weeydiiyey, waanan la'ii aqbalay ducadiisii, aadbaanan ugu faraxsanahay", ayuu yiri Cabdinaasir  Saxansoxo.

 Qormada oo uu ciwaan dhigey (GAWAARIDA GARGAARKA DEGDEGA AH EE DAADGUREEYA DADKA XAMAR, WAA (AW-GAARI-GACAN). Waxaad ka eegi kartaa linkiyada hoose.

 http://www.kismaayonews.com/TopArticles.php?subaction=showfull&id=1222212355&archive=&start_from=&ucat=4

 http://somalitalk.com/saxansoxo/xuuraan7.html

 Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo),
Warsheekh.com, Johannesburg.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip