Taariikh Faneedka Fanaanada Da’ada yar ee farxiya fiska–
Fanaanada farxiyo Axmed cadaawe fiska oo noqotay fanaanadii sanadkan2010- 2011 Fanaanada loogu jeclyahay Fanaaniinta Somaliyeed ayaa sankaan waxay ku daah furtay heesta Damac Jaceyl oo ay kadaba dhaceen bulshada somaliyeed ,
Fanaanada Farxiya axmed cadaawe fiska waxay ku dhalatay magaalada Wabxo oo qiyaas ahaan 60km ujirta degmada Ceelbuur gobolka galgaduud, waxay iyadoo yar ay soo gashay dalkaan Talyaaniga kadibna ay markii danbe uga soo wareegtay dalka Ingiriiska . iyadoo xiligaana ku nool Ingiriiska, garahaan magaalada landon..
dadka sida weyn uyaqaana fiska waxay sheegaan in ay tahay qof dabeecad wanaagsan intabadana iska farxsan,iyadoo taasina ay soo dedejisay in ay farxiya kasbato taageerayaal badan oo ay kuleedahay bulshada somaliyeed dhaxdeeda.
Farxiyo fiska fanka waxay kusoo biirtay sanadahan danbe waxayna la soo shaacbaxday cod macaan bahweynta Fanka Somaliyeed xiiseysa ay u wada riyaaqeen dhagaysiga heeseheeda aan mid ba mida kale aan ka dhicin ay ku luuqeyso.Fanaanadu waxa ay mar qura ka soo dhex baxday shaashadahada caalamka isla markaana soo jiidatay indhaha iyo dhagaha bulasha weynta soomaaliyeed .
Fanka ayaa ah fahmad Eebe Aadmiga qaar uu u hibeeyo, codka baxsan ee fanaanada Farxiyo fiska ee qof waliba marka uu maqlo uu durbo u qirayo in ay ay tahay Fanaanada qarnigan cusub la soo shaacbaxday cod dib ku xasuusinaya Fanaaniintii hoboladii Waabari ee barisamaadkii ku soo caan bixi jiray.
Farxiyo fiska waxa u dheer heesaha ay ku luuqeyso waliba ay Miraha iyo Laxan kaba ay sameyso heesaheeda qaar iyadoo miaraha iyo laxan kaba u sameysay heesaheeda heesa ka mid ah,
Farxiya Fiska oo ilaah ku maneystay luuq aad u macaan ayaa heesteedi ugu horeysay oo ay qaaday oo ay ku soo caan baxday ay aheyd, heesta Sad iyo calaf inkastoo hees kale ay uga sii horeysay, balse heesta sida weyn ay ugu soo caanbaxday ay aheyd heesta Sad iyo calaf oo uu la qaado fanaanka Diini Cagoos, heestaas oo Ereyada iyo laxanka ba uu la haa isna Abwaan ka Siciid Sheekh Abuukar Ilka Jiir.
Sanadkii tagay ee 2010 kii inta badan bulasha weynta soomaliyeed meelkasta ay ka joogan caalamka into badan heesaha fanaaniinta Somaliyeed ee Maqal iyo Muuqal ba leh ay noqotay Xidigtii Sanadkaas codkeeda halaasiga laga daba dhacay.
fanaandan da, da yar ee codka halaasiga leh ee Farxiyo Fiska ayaa loo aqoonsaday in ay noqotay gabadhii loogu jeclaa Fankeeda sanadkii tagay 2010 islamarkaana si weyn loola dhacay hees cusub oo ay kudaah furtay sandka cusub ee 2011ka, heestaan cusub ayaa la magac baxday Damac Jaceyl ,iyadoona siweyn ay ugu daba dhaceen somalidu ,islamarkaasina markii aad eegtid meelaha lagu kulmo sida facbook ay siweyn ugu mashquul sanyihiin dhegaysiga heestan cusub ee farxiya fiska ay soo saartay 2011ka...
inta badan heesaha fiska waxaa usameeya Abwaan ka heesa heeda loogu jecel yahay oo ay ku soo caan baxday u sameeyay Miraha iyo laxan kaba waa Abwaanka Somaliyeed Siciid Sh Abuubakar Ilko Jiir oo walibana isku hoolay in uu soo saaro Fanaaniin aan hore loo aqoon kuna saaciday heesa cusub laxan cusub.
Dad badan ayaa waxay ka heleen heesaha iyo codka macaan ee wada socda ee Farxiyo la soo baxday, qaar kale waxayba leeyihiin lama arag lamana maqal Farxiyo oo kale 21 kii sano ee dalka burburka ka jiray, Waxay kasbatay taageerayaal fara badan oo qaarkood cawa iyo maalin dhegaha ku haaya codka iyo heesaha kala daran ee Farxiyo Caanka ku tahay.iyadoona aad taasi kadareemaysid marka aad eegto shaashadaha ay somalidu ubadan yihiin sida facbook oo aad arkaysid mashquulka iyo dhegaysiga heesaheeda.
Taariikh Faneedka Fanaanada Da’ada yar ee farxiya fiska–
Taariikh Faneedka Fanaanada Da’ada yar ee farxiya fiska–