Kari Andersen: Maxkamada Natiijadi rabto haka soo baxde kiiska Mahad kaalin taariikhi ah ayuu ugalay soo galootiga"

0
Saturday January 21, 2017 - 21:47:36 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kari Andersen: Maxkamada Natiijadi rabto haka soo baxde kiiska Mahad kaalin taariikhi ah ayuu ugalay soo galootiga"

    Kari Andersen oo ah xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka Norway ee xisbiga SV, ayaa sheegtay in kiiska Mahad Abiib uu ahaa wixii ugu weynaa ee ku dhaliyay inay baarlamaanka horgeeyaan, soo jeedin ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kari Andersen oo ah xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka Norway ee xisbiga SV, ayaa sheegtay in kiiska Mahad Abiib uu ahaa wixii ugu weynaa ee ku dhaliyay inay baarlamaanka horgeeyaan, soo jeedin ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da

Kari oo ka hadlaysay banaanbixii Mahad Abiib loogu dhigay deegaanka Brumunddal, ayaa sheegtay in Mahad iyo group uu hogaaminayo ay bishii August ee sanadkii hore ay kulan la yeesheen xubnaha baarlamaanka ee xisbiga SV. Waxeyna sheegtay kadib markii ay dhageysteen sheekada Mahad Abiib iyo dadkii kale ee la socday, inay ku dhalatay fikir ah in baarlamaanka la geeyo mooshin ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada loo wareejiyo maxkamadaha.

Dhowr bilood kadib ayuu Heiki Holmås oo horey u ahaan jiray wasiirka horumarinta Norway, kana tirsan xubnaha baarlamaanka ee xisbiga SV, uu baarlamaanka geeyay soo jeedintaas, waxaana ku raacay xisbiyada Sp, Ap, Venstre, MDG iyo KRF oo gadaal kasoo raacay.

Kari Andersen ayaa si cad u sheegtay in kiiska Mahad Abiib natiijadii rabta maxkamada haka soo baxdee, uu taariikhda siyaasada soo galootiga wadanka Norway meel fiican ka galay. Iyada oo reer Brumunddal ugu mahad-celisay sida ay u garab istaageen Mahad.


Xigasho: Norsom

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip