Dadyowga Muslimiinta ah ee ku nool dalka
Munaasabadaan lagu weyneynayey dhalashada Suubanaheena CSW ayaa waxa ay ahayd middii ugu weyneyd ee ebad lagu qabto dalkaan
Munaasabada oo aheyd mid qiiroweyn gilisay dadyowga kazoo qeybgalay ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Culamaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca iyo ururuka dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Somali Youth Advocacy Organization oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (SYAO) oo uu gudoomiye u yahay Maxamed Cali Cajiib.
Ka qeybgalayaaha Munaasabada lagu weyneynayo Suubanaheena CSW ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee islii ayagoo kusocda gaadiid, Lug ley, Fardo iyo Geelo waxana ay qaadayeen Salawaatka Rasuulka (CSW) oo nuucyo kala gedisan ah kuwaasoo saameyn weyn kuyeeshay Guud ahaan xaafadaha ay ka koobantahay Islii.
Waxaa ay dibadbaxaaysha qaarkood labisnaayeen dareyso gaar ah oo qamiisyo cad oo ay ka kormuuqatay astaan ay kuqorantahay Aayada Qur’aanka kariimka ah ee قل Ø¨ÙØ¶Ù„ لله وبرØÙ…ته ÙØ¨Ø°Ø§Ù„Ùƒ ÙÙ„ÙŠÙØ±ØÙˆØ§.
Dadka banaabaxaayey waxa ay isugu jireen Culama’uudiin, Odayaal, Dhalinyaro, Caruur iyo Haweyn.
Dibadbaxaasi ayaa waxa ay ka bilaawdeen masjidyada Ahlusunna waljameeca ee 12-Street, third Street iyo Alxaq Plaza kadib marki la dukaday salaada casir iyagoo socod dheer kusoo maray wadooyinka waaweyn ee ay ka koobantahay Islii waxaana kama dambeys leysugu tagay xarunta dugsiga hoose dhexe ee Islii.
Waxaa Munaasabada Ballaran kazoo qeybgalay Gudoomiyaha Ahlusunna waljemaaca ee Gobolada Dhexe Shikh Max’ed Yusuf Xeefow iyo Mudanayaal katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Gaariga Nabad sugida Ciidmada Booliska.
Kadib markii leyugu tagay halkaasi ayaa waxaa muxaadarooyinka soo jiitay quluubta kazoo qeybgalayaasha halkaasi kajeediyey Culamaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca.
Kahor inta aan laguda gilin muxaadarooyinka ayaa waxaa munaasabada qaaliga ah lagu furay Aayadaha Qur’aanka kariimka ah oo uu aqriyey Imaam-ka Masjidka Alxaq Plaza waxaana lagu xijiyey Salliga Nabiga CSW oo uu aqriyey Sh Isxaaq Xaaji Muuse oo aqriy qasiidada lagu magacaabo Muxamad Yaa Rasuulallaahi Sallaa Caleyga Wasllam lamowlaa Muxamed oo uu alifay Shiikha caanka ah ee Sh Cabdi Celi.
Shariif C/llaahi Shariif Xasan oo ah Imaamka Massjidka 12 Street ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyey Microphon-ka ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay munaasabada Nuucaan oo kale isagoo sheegay in Nabiga Micigiisa aan noqoneyno haddii aan daa’inno Xubigiisa iyo xuskiisa sida munaasabadaan oo kale wuxuuna soo qaatay Xadiith-ki Rasuulka CSW laga wariyey oo ahaa (Almar’u Maca Man Axabba) oo macnihiiu yahay qofka ruuxa uu jecelyahay ayuu micigiisa yahay.
Shariifka oo muxaadaradiisa wado ayaa soo hadal qaday dadka kazoo horjeeda xuska Suubanaha CSW wuxuuna ka digay dadka Nuucaas ah in aqribo laga dhigto.
Sh Xasan Sh Axmed Ow Cali (Sh Xasan Madoobe) oo ka mid ah Culamada kazoo qeybgashay Munaasabadaas ayaa waxa uu halkaasi kazoo jeediyey Muxaadaro dheer oo duntay quluubta kasoo qeybglayaasha isagoo halkaasi ugu horreyn ka aqriyey Siirada Rasuulka CSW oo kooban kadibna kahadlay munaassabada nuucaan oo kale ah waxyaabaha lagu helo barkaadka iyo nafaxaadka laga helaayo.
Sidoo kale Macalin Nadiir oo isna kamid ah Culamada kazoo qeybgashay munaasabadaas ayaa waxa uu halkaasi kazoo jeddiyey muxaadaro kubxaeysay luqada Ingiriiska oo uga hadlay weyneynta Rasuulka CSW.
Muxaadaro kubaxeysa luqada Kisiwahliga ayaa waxaa isna halkaasi kazoo jeediyey Sh Xasan oo kamid ah Culamada kazoo qeybgashay Munaasabada dhalashadiisana tahay dalka
Ugu dambey waxaa muxaadarooyinka soo gaba gabeeyey Sh Cismaan Xidig oo kamid ah Culamada waaweyn ee dalkeena laga qadariyo wuxuuna ka hadlay muhiimada ay leedahay in Suubanaha CSW loo dabaal sida munaasabadaan oo kale isagoo sidoo kale ballaaran u jeediyey dadka iku howlay Munaasabadaan ballaaran wuxuna ugu duceeyey in Nabiga CSW Micigiisa ahaadaan.
Kadib marki laga soo baxay Munaasabada ayaa waxaa Culamada Alusunna kusoo guureen Salawaatka Rasuulka CSW ilaa laga soo gaarayo Masjidka Alxaq Plaza waxaana halkaasi lagu dukaday Saalada maqrib iyadoo salaada maqrib dabadeed ayaa waxaa munaasabadi manta socotay lagu soo gaba gabeeyey Xelqada Seylaciya oo ay hogaaminayaan Culamada reer Sh cabdi Celi ayagoo digri cajiib ah kusoo gaba gabeeyay Munaasabada oo ay layaaben dadka soo xaadiray Xelqadaasi.
Sawir Qaade: Maxamuud Sh Axmed yare
Email: Rashiid2009@hotmail.com
Qoraa iyo isku daba ride : Cali Sh Axmed Yare
Xafiiska Wararka Warsheekh ee
Sidee looga Xusay Dhalashada Rasuulka CSW magaalada Nairobi