C/kaafi Hilowle Cusmaan oo ah Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu isku badalay Kawaan dadka lagu bireeyo
Waxa uu tilmaamay in Suuqa Bakaaraha intiisa badan xarakada Al Shabaab ay ka dhigeen kawaano dadka shacabka ah lagu qalo islamarkaana lagu xasuuqo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxaana uu sheegay in goordhow dowladda KMG Soomaaliya ay la wareegi doonto guud ahaan gacan ku heynta Suuqa Bakaaraha oo ay hadda ku suganyihiin xarakada Al Shabaab.
Cabdi Kaafi Hilowle ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan ganacsato gacan siisa xarakada Al Shabaab oo ku sugan Suuqa Bakaaraha, waxaana uu tibaaxay in ganacsatadaasi ay la xisaabtami doonto dowladda KMG marka ay gudaha u gasho Suuqa Bakaaraha sida uu hadalka u dhigay.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xarakada Al Shabaab oo ku aadan hadalkaan ka soo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG ee ku aadan in Suuqa Bakaaraha uu yahay goob ay Xarakada Al Shabaab si arxan daro ah ugu dileen dadka rayidka ah.
C/kaafi Hilowle,"Waa Meel Dadka Lagu Gowraco Suuqa Bakaraha"