Kalfadhigii 17-aad ee Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed oo ka furmay Stockholm (Halkee nalaka haystaa....?)–

0
Sunday April 03, 2011 - 01:14:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalfadhigii 17-aad ee Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed oo ka furmay Stockholm (Halkee nalaka haystaa....?)–

    Kalfadhigii 17-aad ee Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed oo ka furmay Stockholm (Halkee nalaka haystaa....?)–

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalfadhigii 17-aad ee Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed oo ka furmay Stockholm (Halkee nalaka haystaa....?)–

Shirkan oo ay kasoo xaadireen dad aad u fara badan ayaa maanta ooda lagaga qaaday Hoteelka Haga Kristineberg oo ku yaalla bartamaha magaalada stockholm oo ah caasimadda dalkan Sweden.
Waxaana aayado Qur’aaan ah oo uu kulanka ku furay Cabdulaahi Sheekh Siciid kadib hadalkii lagu soo dhoweeyey Sheekh Cabdi Casiis Sharaf oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inuu insaanku la yimaado hogaansanaan akhlaaqi ah oo aan cabsi ku salayneeyn. ´´Hadii wax loo qabto cabsi oo qura darteed wax soconayaa majiraan´´ ayuu hoosta ka xariiqay.
Sheekh Cabdi Casiis oo kulanka ka jeediyay mowduuc uu hal ku dhegiisu ahaa ´´´Habdhaqanka wanaagsan ee insaanka u dhexeeya’’ ayaa tusaale usoo qaatay in qofku wuxuu doonaba ha ahaadee loo baahan yahay inuu ugu yaraan hadal wanaagsan kula hadlo dadka kale isagoo aad u dhaliilay hab dhaqanka ku salaysan in dadka la qadfo ama la caayo xitaa hadii aysan Muslim ahayn.
Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Hantiwadaag) oo ka hadlayay ’’DOORKA UU WADAJIRKU KA QAADAN KARO HORUMARKA BULSHADA’’. ayaa wuxuu ku dheeraaday sida aanay Soomaalidu u lahayn wadaniyad isagoo taana wax ka saaray Soomaalida oo ku fikirta caqliyad fardi ah ´´Geel jiruhu wuxuu dagaalamaa kaliya marka geeliisa loogu yimaado’’ ayuu ku qiil sameeystay. Isagoo sheegay in wadaniyadda iyo in si wadareed wax loo raadiyaa ay ahaayeen uun wax bilowday 40-meeyadii isagoo dadkii madasha fadhiyay u iftiimiyay in la soxo khaladka marna naga haysta dhanka shacabka, marna dhanka hogaanka, mar dhanka qoyska iyo ugu dambeeyn qaabka aynu bulsho ahaan u abaabulanahay oo marar badan sabab u noqota burburka aan weli laga soo waaqsanin ee la degey dalka Soomaaliya.
Cabdi Nuur Ciise oo ka hadlayay shaqada iyo tacliinta ayaa soo jeediyay in ay Soomaalida lafteedu joojiso dhaliisha iyo bahdilka badan ee iyagu isku hayaan sida ma shaqeeysano, wax ma barano IWM isagoo rajo ka muujiyay inay waxyaabo badani soo hagaagayaan oo ay dadku iminka waxbarashadii fahmeen waloow ay wax badani weli dhiman yihiin, wuxuu dhanka kale dhaliilay warbaahinta Soomaalida oo uu sheegay inay iska indha tiraan waxyaabaha wanaagsan ee ka dhaca dalka soomaaliya.
Magaalo yar ayaa iska diidey burcad badeedda, laakiin nasiib xumo hal website ayaa lagu daabacay warkaa wanaagsan’’ ayuu yiri Cabdi nuur isagoo sidoo kale sheegay in loo hogaansamo shuruucda dalkan lagu noolyahay oo aan loo arkin markasta wax liddi ah maadaama aan xeerarkan Soomaalida loo sameeysanin.
Cabdulaahi Xaaji Dayib oo ah isku xiraha hay’adda INXA oo ka hadlayay mowduuc hal ku dhigiisu yahay ´´Waxa la wada qaban karo’’ ayaa sheegay in dalkan Sweden ay Soomaalidu aad ugu soo biirayaan shaqooyinka isagoo sababaha uu dalkani uga duwan yahay kuwa kale ku sheegay dalkan oo ah dal aan waaya arag u ahayn dhaqamada qalaad isla markaana ay dadka soo galootiga ah gaar ahaan kuwa madowga ihi ay dalkan dhowaan gal ku yihiin.
Waxaa sidoo kale la isla lafa guray arin runtii muhim ahayd oo ku aadanayd waxbarashada iyo sababta ay caruurta Soomaaliyeed markasta uga hooseeyaan heerkii laga rabey, waxaan halkaasi lagu soo bandhigay daraasad balaaran oo laga sameeyey dugsiyada sare ee dalka Ingiriiska oo tilmaamaysey in 34 % caruurta Soomaalida ee dalkaasi aanay ka gudbin dugsiga sare taasoo sababta ugu wayn lagu sheegay dhibaato dhanka luuqadda ah (language barier) iyadoo lasoo jeedshey in si looga gudbo dhibaatadaasi marka hore caruurta laga dhiso luuqadooda hooyo oo markaa ka saacidi karta inay si hufan u fahmaan luuqadaha kale. Waxaana carabka lagu adkeeyey in uu maqanyahay doorkii waalidka gaar ahaan kii ragga taasoo ilma badday inaanay helin cid ay ku daydaan (Role model) maadaama uu waalidkii qaarkood noqday dowdar seeg seeg ah oo aan lafihiisaba u qumaneeyn.
Waxaa sidoo kale ugu dambeeyn goobta lagu bixiyay abaalmarin loo gartay Ayaan Shire Jaamac (Kariima) oo ay sanadkan shirkadeedu ku guuleystey laba abaalmarin oo ay siisay dowladda sweden taasoo midi ahayd sharikadda sanadkan kadib markii ay aasaastay sharikad daryeesha dadka waayeelka ah, waxayna Ayaan Soomaalidii shirka joogtey u sheegtay inaan la is dhiibin oo loo dagaallamo soo dhicinta xuquuqda ka maqan dadka Soomaaliyeed oo inta badan ku baylahda urur la’aantooda.
Waxaad iminka moodaa in la gaarey bisayl ku salaysan in la isla fahmayo halka ay sartu ka qurunsan tahay waloow aan weli lagu toowfiiqin in si wadareed loo xaliyo xasaradaha jira oo weli la caaboon yahay lana dhisanayo ururo, jaaliyado, jabhado, iyo maamul goboleedyo ka darayaal ah oo astaan tafaraaruq ah in ka badan inta ay noqon karaan astaamo toowfiiq iyo tisqaadis horseeda.





































Waxaa isku Duwey; Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto:-Koronto;maxaaji@hotmail.com
Stockholm, Sweden

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip