Waxaa maalmahaan isa soo tarayay xaalad nabadgelyo xumo oo hareysay degmada Dharkeenley ee ku taalla duleenka magaalada Muqdisho, kaddib markii degmadaasi ay ka dhaceen qaraxyo isdaba joog ah, isku dhacyada ciidamada degmada ku wada sugan iyo waliba is rasaaseynta maleeshiyooyinka degmadaasi degan, ayaa waxaa arrintaasi kulan ka yeeshay maamulka degmada Dharkeenley, Saraakiisha ciidamada Booliska, odayaal, waxgarad iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee degmada ku nool.
Guddoomiyaha degmada Dharkeenley Macallim C/lle Macallim Hilowle oo ka mid ah madaxda shirkaasi soo abaabushay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulankaasi waxyaabihii looga hadlay iyo go'aanadii ka soo baxay ee ay isku afgarteen dhammaanba xubnihii ka qeyb galay shirkaasi oo ka dhacay saldhigga Degmada Dharkeenley.
Waxa uu sheegay Macallim C/lle in shirkaasi looga hadlay nabadgelyo xumida maalmahaan dambe ka soo cusboonaatay degmada Dharkeenley, isagoo sheegay in shirkaasi ay ka qeyb galeen dhammaanba qeybaha ay khuseyso arrimaha degmada sida maamulka degmada, saraakiisha ciidamada nabadgelyada degmada, waxgaradka iyo odayaasha degmada, waxa uuna qirtay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley in ammaan darida degmada ay ka dhalatay habacanaanta ka timid qeybaha ku shaqada leh nabadgelyada.
"Habacsanaantii nabadgelyada oo ka jirtay Deg. Dharkeenley waxaan u sameynay guddi lagula xisaabtamo haddii ay mar kale soo noqoto" ayuu yiri Macallim C/lle oo sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta nabadgelyada degmada Dharkeenley ay ku magacaabeen guddi qaabilsan arrimaha nabadgelyada, isla markaana ka shaqeeya sidii loo dardar gelin lahaa nabadgelyada degmada iyo inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara xaaladda degenaanshaha iyo ammaanka guud ahaan degmada Dharkeenley oo ay ku soo barakaceen dadka reer miyiga ah ee abaaraha iyo cuna qabateynta Al-Shabaab uga soo barakacay gobolada dalka.
Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Dharkeenley ayaa sheegay in sidoo kale nabadgelyo xumida degmada ay qeyb ka tahay habacsanaan ka jirtay qeybaha maamulka degmadaasi oo uu tilmaamay in shirkaasi la iskula go'aamiyay guddiga la magacaabay inaan howshiisa lagu faragelin, isagoona sheegay in qeybaha ciidamada amniga qaabilsan ay hagaajiyeen nidaamkooda oo uu caddeeyay inuu ka jiray is barbar yaac iyo kala amar qaadasho la'aan.
Macallim C/lle Abuukar waxa uu ka hadlay guud ahaan xaalada degmada Dharkeenley, isagoo sheegay in degmadaasi ay tahay degmooyinka nabadgelyadooda lagu faano, isla markaana ay ku sugan dad reer miyi ah oo iyagu ka soo barakacay gobolada Shabeelooyinka, Jubbooyinka iyo degmooyinka kale ee gobolada Banaadir, wuxuuna sheegay in dadkaasi oo duruufo adag ay heystaan inaysan helin gargaar ku filan, isagoo arrintaasi eedeeda dusha u saaray hay'adaha gargaarka iyo kuwa samafalka ah oo ka gaabiyay inay u gurmadaan dadkaasi isugu jira xoolo dhaqato iyo beeraley ku ceyrtoobay abaaraha ku dhuftay goboladii ay ka yimaadeen.
Dowlada oo wax ka qabaneyso Amaan Darida Deg-Dharkenley