Dowladda KMG Soomaaliya ayaa saaka si aan horay loo arag Ciidamo fara badan ku soo daadisay wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo Xaafadaha qaar, iyadoo Ciidamada ay taagan yihiin meel walba iyo wadooyinka xaafadaha dhexdooda.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaa qaarkood waxay wataan gaadiidka dagaalka, iyagoo wadooyinka ku baarayaan Gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dadweynaha, waxaana dadka oo laga soo dajinayo mid mid loogu baarayaa Ragg iyo Dumar, iyadoo Ciidamada qeyb ka yihiin haween ku labisan dareyska Ciidamada Dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in Ammaanka uu yahay mid ka badalan sidii hore Xaafadaha qaarna ay wada yihiin kuwo wada ciidan, taasoo looga gol leeyahay in lagu sugo ammaanka munaasabada 51-guuradii ka soo wareegatay Maalinta Ciidamada Xooga dalka la aas aasay oo ku beegan 12-ka April oo maanta ah.
Xaafadaha degmooyinka Waabari, Xamar Jajab, Xamar weyne, qeybo ka mid ah degmada Hodan iyo meelo kale oo xeyndaabka ah ayaa lagu arkayay Ciidamo cusub oo lagu daadiyay, waxaana dadka saaka ay ku soo tooseen xaafadahooda oo ay Ciidamo dul fadhiyaan.
Ma jirto wax hakad ah oo ku yimid isu socodkii gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo dadka loo sheegayo in xaalada tahay mid caadi ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Hase ahaatee howl galo waabarigii hore ee saaka ay sameeyeen Ciidamada Dowladda qeybo ka mid ah degmada Waabari ayaa lagu qab qabtay ilaa sodomeeyo dhalinyaro oo xaafadaha loogu dhacay, kaasoo aan la ogeyn sababaha loo soo qab qabtay.
Saraakiisha Ciidamada iyo Mas'uuliyiinta Dowladda ayaa ku qul qulaya Xarunta Villa Baydhabo oo ah Taliska Ciidamada Xooga dalka, halkaas oo saacadaha soo socda ay ka dhici doonto munaasabad ballaaran oo loo dhigi doono Maalinta Ciidamada Xooga dalka.
Munaasabadan maanta ayaa ku soo aadeysa xilli dhowaan la magacaabay Taliyaha Ciidamada Xooga dalka oo loo magacaabay Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Xaafadaha iyo Wadooyinka Muqdisho oo Lagu Soo Daadiyay Ciidamo