Xildhibaan C/naasir Seeko oo uhadlaayay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha ay usheegeen in wax laga badalo qodobo kamid ah heshiiska kampala, kuwaasi oo shaki galinayo madax banaanida Dalka Soomaaliya.
“Madaxweynaha waxa usheegnay in heshiiska kampala ay kujiraan qodobo aan la aqbali Karin kuwaasi oo umuuqdo mid lagu wiiqayo sharafka iyo jiritaanka Umada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha ay weydiiyeen su’aal la xiriirta qilaaf markale soo kala dhax galay isaga iyo gudoomiyaha waxa uuna sheegay ineysan taasi jirin oo ay mid ka yihiin soo magacabida xilka ra’iisul Wasaaraha oo ay uxusheen Mudane Cabdiwili.
Waxa saacadaha soo socda la sugayaa kudhawaaqista xilka ra’iisul wasaarha Soomaaliya oo loo xushay Mudane Cabdiwali oo isaga ugu cad cad musharaxiinta Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Sh: Shariif iyo Xill, Daarood Oo Isku Raacay Jagada Ra’isul Wasaraha.