Kala guurka Isbaheeysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed ayaa Noqday mid ay dadweynaha Soomaalaiyeed ee meel walba kaga nool aduunyada ay si aad u hadal hayeen beryahii la soo dhaafay, iyadoo ay u kala jabeen laba Garab oo kala ahaa Asmara, iyo Jabuuti waloow kooxda Asmara ay aheyd koox indha adeyg ku socotay.
labada Garab kala jabkooda markii uu soo shaac baxayey, waxay Dadweynaha Soomaaliyeed si aad ah ula yaabanaayeen Qaar ka tirsan garabka Asmara, oo si aad u aflagaadeeynayey Kooxda Garabka Jabuuti iyadoo taasina laga dheehan karay eex xag Jufo hoosaadnimo ah ay ku Sameeynayeen Xasan Daahir Aways,Sheekh Xuseen Caydiid, iyo Jeneraalka Cusub Indha- Cadde iyo kuwo kale oo dhamaantood isku jufo hoosaad ah, iyadoo Garabka kuwa Jabuutina ay u hadlayeen si Akhlaaq iyo Siyaasadi ku jirto.
Garabka Asmara oo u badan hal jufo (Reer Shaatiyo Badan) iyo kuwo ay dani u geeysay. ayaa waxaa ay hadaladoodu ahaayeen kuwo Caalamka iyo Dad-weynaha Soomaaliyeedba ka yaabiyey, iyagoo ku adkeeysaneyey hadii aysan tooda socon (Hadafkooda) Gaw iyo Gash mal, waxana Daliil u ah Mar uu Jeneraalka Cusub Indhacadde ku hadaaqay isgoo waliba lahadlayay saxaafada qeeyb ka mid ah in Sheekh Shariif, ay xilka u dhiibteen kana qaadanayaan Taasoo Anfariir ku riday Umadda Soomaaliyeed.
hadaba Dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwo Siyaasadda odoroso ayaa waxaa tilmaamayaan in Kooxda Asmara ay arimaha Soomaaliya weji kale u rogtay, iyadoo u sahashay Guruubka Jabuuti ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed , in ay si sahala Labadii dhibcood kaga qaateen Rer Asmara , taasoo ay beesha Caalamkana kaga helayaaan aqoonsigii ay awalba ka heysteen mid ka sii sareeya, maadaama ay soo shaac baxday kali talisnimadi lagu eedeeynayey Kooxda asmara ka dib markii ay Caleemo saarteen Xasan Daahir Aways, oo ay shabado badani u saaran yihiin Umadda Soomaaliyeed iyo Aduunkaba.
Sheekh Shariif, tani waxay u noqoneeysaa Fursad qaali ah waayo waxaa cadaatay in Siyaasadiisa ku aadan Nabaddayna Soomaaliya ay Daacad ka tahay uuna yahay Siyaasi la socon kara Caalamka, lehna wadaniyad iyo Akhlaaq lagu raaci karo dariiqa uu u Falayo Umadda Soomaaliyeed iyo guu ahaan Geeska Afrikaba.
Kooxda Asmara ee dooratay Xasan Daahir aways, ayaa iyagu ku dhacay Dabin Dheer oo aan ka soo Noqosho laheyn, taasoo ay dadka qaar ku sheegeen in ay ugu wacan tahay Qabyaaladda iyo Daneeysiga gaarka ah oo 18 sano lagu hayey Dalka iyo Dadka Reer Muqdisho, illo wareedyo Asmara ka imaanayana waxaa ay sheegayaan In Xasan Daahir iyo kooxdiisa aysaba Asmara dhaafi karin, iyadoo uu Taliska Eretrea Esayasi Afawerki, u meerinayo waxa ay qabanayaan iyo waxa ay dhahaayaan oo dhan.
Xasan oo horayba ugu Shabadeeysnaa inuu gacan saar la leeyahay Aargagixisada Caalamiga ah ayaa hada waxaa uu diiday inuu ka Faa'iideeysto Fursad qaali ah uu Sheekh Shariif u soo bandhigay, taasoo aheyd in laga saaro Liiska Argagaxisada isagana uu aqbalo deb-u-heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed, Amxaaradana Dalka si Caqli ah looga saaro, taasoo la hubo hadii uu ogalaan lahaa Xasan Daahir, uu Sheekh Shariif beesha Calaamaka ka soo dhameyn lahaa in liiska laga saaro in uu Argagixisadaxiriir la leeyhay.
hadaba Maadaama Kooxdii Reer Asmara ee uu garwadeenka u ahaa Xasan Daahir (Shiikh Reer Shaatiyo Badan) ay Dabin aan Soo Noqon laheyn ku dheceen, waxaa Umadda Soomaaliyeed la gudboon in ay Taageeraan heshiiska Jabuuti ee uu garwadeenka u yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasoo loo arko inuu yahay dariiqa keliya ee ay Umadda Soomaaliyeed ku heli karto Bad baado iyo Barwaaqo Dowladnimo oo taam ah.
Kooxdii Reer Asmara oo daal ka muuqdo, iyo Kooxdii Jabuuti oo labadii dhincood si sahal ku xayuubsaday
Kala guurka Isbaheeysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliyeed ayaa Noqday mid ay dadweynaha Soomaalaiyeed ee meel walba kaga nool aduunyada ay si aad u hadal hayeen beryahii la soo dhaafay, iyadoo ay u kala jabeen laba Garab oo kala ahaa Asmara, iyo Jabuuti w