Ex- Xildhibaan Marxuun Abdulle Mahdi Qeylow oo Lagu Aasay Muqdisho

0
Monday August 15, 2011 - 23:01:11 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex- Xildhibaan Marxuun Abdulle Mahdi Qeylow oo Lagu Aasay Muqdisho

    Waxaa taariikhdu markey aheyd August 13, 2011. Magaalada Nairobi ku geeriyooday Allaha unaxariistee marxuun Abdulle Mahdi Qeylow, isla maalintaas ayaa boog ( book) tacsiyadeed laga furey hoygii uu ku geeriyooday marxuunka ee xaafadda (Parklane) Nair

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa taariikhdu markey aheyd August 13, 2011. Magaalada Nairobi ku geeriyooday Allaha unaxariistee marxuun Abdulle Mahdi Qeylow, isla maalintaas ayaa boog ( book) tacsiyadeed laga furey hoygii uu ku geeriyooday marxuunka ee xaafadda (Parklane) Nairobi Kenya.
Boog-Tacsiyaadkaas waxaa saxiixay dadweyne aad u fara badney oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Ganacsato, Duubab-dhaqmeedyo, Aqoonyahano iyo Siyaasiin caan ah oo uu ka dhex muqda Wa'iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii TFG-da Professor Ali Mohamed Ghedi, Xildhibaan Mohamoud Aw Hilowle, Danjire Mohamed Ali ( America), Danjire Yusuf Mohamed Ismail ( Baribare) , Danjire Cabdaladiif iyo Siyaasi Mudane Ghedi Raghe iyo qaar kale.

Duubabka-dhaqanka waxaa ka dhex muuqanaayay Ugus Mohamoud Ali Ugas Abdulle iyo Wabar Socdaal, ganacsatadana waxaa ka dhex muuqanaayay ganacsade Haji Ahmednor Haji Ali Gab, ganacsade Haji Ibrahim ( Bul bul) Haji Mohamed Cumar Macallim Abuuker iyo qaar kale oo badan, Aqoonyahanada waxaa ka dhex muuqanaayay Ahmed Siyaar, Mohamed Nur Gandaf, Bashir iyo qaar kale oo badney.

Maalintii xigtay ee taariikhdu aheyd August 14, waxaa Meydkii la saarey Diyaarad qaas ah, iyadoo loo dhoofiyay meydkii wadankii hooyo ee Soomaliya, gaar ahaan magaala madaxda Soomaliya ee Muqdisho, waxaanna Meydkii laga dejiyay garoonka weyn ee diyaaradaha Aden Cadde Airport Muqdisho Somalia.

Meydka waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku sugaayay dadweyne fara badan iyo mas'uuliyiin sar sare oo uu hor-kacaayay Xildhibaan Cumar Mohamed Mohamoud ( Cumar Filish), waxaa kaloo garoonka ku sugnay Taliye-xigeenka Nabadsugida Soomaliyeed Gen. Hasaan Ali Mohamed Abdulle ( Hassan Dheere), Taliye ku xigeenkii hore ee Nabadsugida Gen. Nur Mohamed Mohamoud ( Nur Shirbow), Duqii hore ee gobalka Banadir hadana ah Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka dhulka iyo dekedaha Mudane Mohamed Cismaan ( Dhagax-tuur), kusimaha Imaanka guud ee Somaliyeed Imaan Mohamed Yusuf, Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxuyadiin Hassan Jurus, Garaad Hussein Cagey, Ciidamo watay Gaadiidka dagaalka, labada Maamul ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley iyo qaar kale.

Meydkii waxaa loo galbiyay halkii loogu talagalay in lagu aaso, markii meydka la geeyay godkii loogu talagalay in marxuunka lagu aaso, waxaa marxuunka lagu Dukadey Salaatul Janaaso ayka qeyb galeen dad kor u dhaafaaya 120 qofood, intaas ka dib ayaa meydii si xushmad leh oo aasay.

Aaskii ka dib waxaa halkaas Aayado Qur'aan ah iyo wacdiyo diini ah ka soo kala jeediyay Sheekh Mohamed Adoow mohamoud Seqey ( Dhegaweyne) iyo Sheekh Mohamoud Yusuf Maxaad Mahdi, sidoo kale waxaa halkaas hadalo gaa gaban ka jeediyay Guddoomiya degmada Yaaqshiid muhudin Hasaan Jurus, Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle iyo Xildhibaan Cumar Mohamed Moamoud ( Cumar Filish).

Ugu danbeyntii waxaa Aaskii duco ku soo qatimay Imaanka guud ee Somaliyeed Imaan Mohamed Yusuf, asagoo Ilahay uga baryay in uu Marxuunka ka waraabiyo Jannatul Fardowsa, Qaranka, Shacabka Soomaliyed, eheladiisii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayn Marxuunkana ka siiyo samir iyo iimaan, sidaas ayaana lagu soo gabagabeeyey aasay heer sare.



Somali Media
Nairobi, Kenya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip