Shariif waxaa uu umada Somali u horseeday cadaalo daro
iyo in uu u kala eexdo umada Somali,haddii aay cadaaladi jirto Shariif ma uusan
ogaaladeen heshiiska aanan waafaqsaneeyn dastuurka ku meelgaarka ah iyo
shareecada Islaamka,Puntland waxaa aay ka mid yihiin waxna ku heleen heshiiskii
Impagati ee lagu heshiiyay ee ahaa 4,5 sida dastuurka ku-meelgaarka ah dhigayo,Sharif
ayaa sheegay in Puntland ay tahay aas-aaska dowlada Soomaliya ayna muhiim
tahay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo midnimada dadka iyo dalka waxaa
xaqiiq ah in umada Somali dhamaan aay yihiin kuwii aas-aasay dowlada uu hada
kursigeeda ku fadhiyo, cid gooni ahna aayan ku laheeyn amaan balse
siyaasiyiinta Puntland waxaa aay ahaayeen kuwii dalka ku soo hogaamiyay cadowga
Ethiopia kuna xasuuqay shacabka Xamar degen,maaha waxa aan dhahayo balse C/ahi
Yusuf ayaa qirtay in uu dalka keenay Ethiopia hadafkiisuna ahaa in uu ku
qabsado dalka Somali oo dhan,xiligaa culumada,Isamada iyo Garadyadadhaqanka iyo kuwa siyaasiyiihta ahi
ee Puntland marna ma aayan ka damqan gumaadka iyo xasuuqa Xamar ka dhacay balse
waxaa aay lahaayeen Ethiopiayada maanta aad ayaay ugu duwan tahay tii Mingisto
aayna mudan tahay in labada shacab aay isku milmaan (Integration )halka Somalida damiirka lehi aay diideen hubkana u
qaatay in aay ka xoreeyaan cadowga Ethiopia aaminsanaayen Somali somali ayaa
leh Ethiopia Ethiopia ayaa leh (Sapartion ).
And establish weight in justice and do not make
deficient the balance
Waxaanana marna la qaadankarin qodobada 4 raad ee
heshiika Groowe lagu gaaray kaas oo qorayay:Waxa la isku raacey in puntland laga
taageero tababarada, gunooyinka iyo qalabeenta ciidamada amniga sida ciidamada
booliska, nabad sugida iyo asluubta.sow maaha mid jufa yar lagu hubeeynaayo iyada
oo aay somali weli aayan helin dowlad u siman dhamaan qabiilada Somalia balse
Puntland aay ka jirto colaad xaag leh,waxaa kale oo aanan marna la qaadan karin
qodobka ah: Waxaa si buuxda la isugu raacay in la meelmariyo
heshiisyadii horey loogu galey( heshiiskii gaaljacyo 23 AUGUST 2009 iyo is
fahamki isgaashiga xaga amniga iyo burcad badeeda (MOU ee nairobi 12 April
2010) .heshiiskaas hore ayaa wasiirada dowlada iyo baarlamaanka aay u
diideen.
Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ayaa lagu qabanaa
wejigiisa hor ee wada kulanka halka wejiga labaad lagu qabanyo Groowe si
goáamada la gaari doono Garoowe laguu dhawaaqo waa mid iyana aayan Somalida
waada qaadan karin,Qabiil Qaran marti
uma noqon karo.
Arimaha abaaraha
xaqiiqdii umada soo bara kacday waa umadii beeraha tacban jiray labada shabeele
iyo Bay Bakool oo aay ku habsatay abaar iyo roob yari,kuwa xeryaha Puntland
joogaa maaha kuwa beeraha tabcan jirat balse Somali dhulkeeda dhexdiisa qoxooti
ku ah oo colaada ka soo cararay ayaa lagu tilmaami karaa caalamka waa ogyahay,reer
Puntland kuwa beeraha fashaa abaar kuma aayan dhicin,sawirka qaldan aay
muujiyeen Cabdiweli iyo Faroole maaha
mid sax ah balse waa mid damac siyaasadeed oo guracn oo ku wajahan gargaarka
caalamka in loo soo wareejiyo Puntland,xaqiiqdii Somalida lama jaanqaadi karaan
siyaasada foosha xun ee xiligaan ku wajahan boob iyo sadbuursi ee uu horseed ka
yahay Shariif.
Waxaan leeyahay Sheekhii diinta lagu tuhmayay aad
ayaad cadaalada ugu fogaatay Somalina ma qaadan karto heshiiska sadbuursiga ku
dhisan iyo hubeeynta hal qabiil oo colaad kula jiro qabiilo degeenka wada
degani,waxaan aad ugu digayaa tababarka
ciidamada boliiska iyo kuwa militeriga in aay ku jiheeysan yihiin Somalilnd iyo
Galmudug haddii aanan laga hortagin heshiiska foosha
xun waxaa aay sabbabi kartaa colaad xoog badan oo ka soo cusboonaata dhulkaa
somalida wada degen tahay,waxaan rajeeynayaa in golaha wasiirda iyo
baarlamaanka federaalka arintaasi ka hadlaan,sida oo kale inta ka damqeeysa
cadaal darada iyo siyaasada sadbuursiga ku dhisan waa in aay cod dheer ku
diidaan waxa lagu heshiiyay.
Dr.Ali.A.HirabeHirabe_a@hotmail.com
Sheekh Shariif Cadaalada Ayuu ka Fogaaday !!!!!
Heshiiskii aay wada gaareen Puntland iyo dowlada Somalia waa cadaala daro aad iyo aad u weeyn,xaqiiqdii lama ogolaan karo in hal Qabiil aay dowlada dhexe kula heshiiso qodobo Somalida inteeda kale ku ah dulmi iyo cadaalo daro qaranka Somaliyeedna k