C/llaahi Yuusif Axmed oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidamada Badda Sacuudiga inay yimaadan biyaha dalka Soomaaliya si loola dagaalamo kooxaha burcad badeedka soomaalida ee caadada ka dhigtay inay bartilmaamedsadan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa sida Gargaarka bani’aadanimada.
Mar oo ka hadlayay xaaladda Markabka Sirius Star ee burcaddu heystaan isla markaana laga leeyahay dalka Sacuudiga ayuu sheegay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf in si deg deg ah loo sii deyn doono maadama Markabkaas ay leeyihiin buu yiri Dowlad ka shaqeysa midnimada dalka Soomaaliya.
Markabka Sirius Star ee laga leeyahay waddanka Sacuudiga ayaa waxa uu siday Labo milyan oo barmiil oo shidaal ah, iyadoo ay saaran yihiin 25 qof oo shaqaale ah oo ay ku jiraan labo u dhashay Britain.
Shidaalka uu wado qiimaha uu ku fadhiyo Markabkaas ayaa lagu qiyaasay lacag gaareysa 100milyan oo doolar ah, iyadoona markabka uu yahay markab aad u weyn oo saddex jibaar ka weyn maraakiibta dagaalka ee xambaara diyaaradaha
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in heysashada burcad Badeedka Markabkaasi Sacuudiga laga leeyahay aysan waxba u dhimi doonin xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Dowladda Federaalka
Markabka Laga leeyahay Sacuudi Carabiga oo Madaxweyne Yusuf Sheegay in lasii dayn doono
Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in oo difaacaya xiriirka ka dhaxeeya Dowladdiisa iyo Dowladda Sacuudi Carabiya kadib markii burcad badeed soomaaliyed afduubteen Markab shidaal wada oo Sacuudiga leeyahay.