Bur Burka Degmooyinka Muqdisho (Q.2aad) "Daawo Sawiro"

0
Friday September 30, 2011 - 21:04:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bur Burka Degmooyinka Muqdisho (Q.2aad) "Daawo Sawiro"

    Waa Markale iyo Barnaamijkeeni aan maalin walba jimco ah idinkugu soo gudbin jirnay Muuqaalada Bur burka degmooyinka Muqdisho gaar ahaan Dagaaladi udambeeyay ee udhaxeeyay Dowlada,Amisom iyo Alshabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Markale iyo Barnaamijkeeni aan maalin walba jimco ah idinkugu soo gudbin jirnay Muuqaalada Bur burka degmooyinka Muqdisho gaar ahaan Dagaaladi udambeeyay ee udhaxeeyay Dowlada,Amisom iyo Alshabaab. Dagaaladaani oo galaaftay Nolosha Kumanaan Soomaali ah iyo Hanti fara badan iyadoo sidoo kalena muuqaalada xaafadihi lagu diriray kadhigtay mid lama degaan ah taasi oo ay wehlisay in xiliyada qaar laga maqlo xaafadahaani dhaqa Dugaag lagu yaqiinay Meelaha Miyiga ah.

Hadaba barnaamijkaani oo ah Mid taxane ah oo ay shabakada warsheekh ugu talagashay aqristayaasheeda si ay ula wadaagaan dareenka naxtinta iyo murugada leh ee Maanta ka jira Magaalada Caasimada ah Muqdisho gaar ahaan Xaafadaha masiibada kadhacday.

Muuqaalada maanta aan idin soogudbin doono ayaa waxa kamid ah Hotelo iyo Daaro caan ka ahaa Muqdisho oo bilicdoodi is badashay io waliba Sawirka maanta ee Xeebta dheer ee Liido iyo sida ay dhalinta ugu dabaalanayeen .

Dhanka hoose ka fiiri sawirada oo dhan

http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q31.JPG
(Xarunta Fisha baray) waa xarunti laga bixin jiray Leesinada baabuurta iyo waliba Baasaboorada Soomaaliga oo xiligi Dowladi C/llaahi Yuruf heshay dayactir hasa yeeshe waxa ay kamid tahay goobaha ugu badan ee dhibaatada dagaaladi ugu dambeeyay soo gaaray

http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q32.JPG
Muuqaalkani waa Muuqaalka Hotelka Caanka ah ee Jubba oo aragtidiisi quruxda badneed isu badalay muuqaalo laga naxo waxa iminka idinkaga muuqdo dhanka hoose ee hotelka waa Dhufeesyada Ciidamada Amisom ee kujira Juuniyada cagaarka ee carada kujira oo iminka badalay Muraayadihi Cagaarka ahaa ee kujiri jiray Qeybaha oo ka kooban yahay Hotelka.

Hotel Jubba waxa uu soo maray Taariikh If Iyo Mugdiba leh, waxa uu bari soo noqday mid kamid ah beelaha ugu quruxda badan dalkeena Soomaaliya, Xilina waxa uu noqday mid ay ku hoydaan dabaqyadiisa dhexe Xowlaha nool sida Geela, Lo'da iyo Ariga , Iminkana waxa uu noqday Mid kamid ah Dhufeysada Ugu Caansan dagaaladi lagu xiiqmay ee Degmooyinka Shibis iyo C/casiis.

http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q33.JPG
Dhufeysyada Amisom oo dhanka hoose ee hotel Jubba Lagu Xirdhay
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q34.JPG
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q35.JPG
Muuqaalka Guud ee Hotel Jubba oo ay ka muuqato Dandara Xoogan
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q36.JPG
Muuqaalkani waa Baarki caanka ahaa Ee Fiat oo isku kor dumay kadib marki si aad ah usaameeyeen Dagaaladi Udambeeyay ee kadhacay Shibis iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q37.JPG
Jardiinki Fi'at iyo waliba Barxadi Weyneed ee Shirkada Talyaaniga ee Fiat kugadi jirtay Gawaarida ee qaadatay Magaca iminka lagu wada magacaabo Jardiinka iyo waliba Baarka Fiat
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q38.JPG
Muuqaalkani waa baarka Fi'at oo Dayactir dhameestiran lagu sameeyay kahor dagaaladi udambeeyay e muqdisho, hasa yeeshe iminka waa dib ibilow dhismihiisi oo dhan gabi ahaana woo isku dul dumay.
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q39.JPG
Qeybo Kamid ah Dugsigi Badda ee Degmada C/casiis oo Dayactir lagu sameeyay kahor dagaaladi Udambeeyay ee Muqdisho
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q310.JPG
Waa muuqaalki Jardiinki Fiat oo bari soo noqday Farasmagaalaha Muqdisho hasa yeeshe maanta ah bahalo galeen ee nafta kugu aamineenin
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q311.JPG
Qeybo kale oo kamid ah Dhismihi Dugsigi badan oo aan la dayactirin Tan iyo bur burki Dalka Soomaaliya
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q312.JPG
Muuqaalka Maanta ee Xeebta Liido oo Gabar iyo wiil lagu wada mushaaxayo
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q313.JPG
Waa Xeebti Liido oo ka reesatay Cidladi Sanadahaan Danbe lasoo Deristay
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q314.JPG
Maamo Xaawo waa maamo maqaayad kuleh Gudaha Xeebta liido oo kuhowlan diyaarinti cunooyinka kala gedisan ee usameeyo dadka dabaasha usoo doonta Xeebta Liido
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q315.JPG
Wiilkani waxa uu lacag ku qaataa ilaalinta Dharka iyo kobaha dadka bada galaya mararka qaarna waxa uu waardiye usameeyaa hablaha doonaya iney galaan bada isla markaana kabaqa dhalinta loo yaqaano Ciyaal suuqa Ah.
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q316.JPG
Goormaa Kugu dambeesay Kudabaalashada Xeebta Liido ee Muqdisho
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q317.JPG
Muuqaalo kamid ah Xaafada Kaambe Amxaaro ee Degmada Cabdicasiis
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q318.JPG
Qeybo kamid ah Garoonka Dabaasha Luujino ee Degmada Cabdicasiis
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q319.JPG
Muuqaalka hore ee Kawaanka malayga Degmada Cabdicasiis
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q320.JPG
Muuqaalka Kawaanka Hilibka Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q321.JPG
Gudaha Kawaanka Hilibka Degmada C/casiis oo ay ka muuqato Dandara Xoogan
http://warsheekh.com/spaw/uploads/images/B.Burka-Muqdisho-Q322.JPG
Qeybo Kamid Dhismooyinka Xaafada kaambe Amxaaro oo dadka deegaanka dib uga bilaabeen dayactirka Guryahooda

Intaa waxa kusoo koobeena Xubinteeni maalin walba oo jimco ah aan kusoo qaada jirnay Muuqaalada Bur burka Degmooyinka Muqdisho gaar ahaan xaafadaha saameenta xoogani kuyeesheen Dagaaladi udambeeyay ee muqdisho kudhax maray Dowlada iyo Alshabaab , waxana idin balan qaadeena hadii alle idmo in muuqaalo kale idinkaga soo gudbin doono Xaafadaha Muqdisho barnaamijadeena Xiga.

Xuquuqda Qoraalka iyo Sawirada waxa ay udhoorantahay Xafiiska Warsheekh ee Muqdisho

Fadlan wixi Dhaliil ama Toosin ku aadan qormadaan inoogu soo hagaaji

E-Mail: qubanaha@hotmail.com
Warsheek-Mogadisho Somalia.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip