Fananada Caanka ah Faaduma Qaasim Hilowle Oo london ku Geeriyootay

0
Thursday October 06, 2011 - 15:27:26 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fananada Caanka ah Faaduma Qaasim Hilowle Oo london ku Geeriyootay

    Allaha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyootay London fanaanaddii caanka aheyd ee Faadumo Qaasim Hilowle oo ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida lagu aaso isla magaalada London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa maanta ku geeriyootay London fanaanaddii caanka aheyd ee Faadumo Qaasim Hilowle oo ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida lagu aaso isla magaalada London. Maxamed Maclow Nuur oo ah Musukiiste ka tirsanaa hobollada qaranka ee Waaberi ayaa waxa uu sheegay Allaha u naxariistee Faadumo Qaasim ay xanuunsatay shalay kadibna la dhigay cisbitaalka iyadoo barqanimadii maanta halkaasi ku geeriyootay mana qabin ayuu yiri cudur weyn.

Musukiste Maxamed Macloow ayaa intaa ku daray in maalinta sabtida ah lagu aasi doono qubuuro ay leeyihiin muslimiinta oo ku yaala magaalada London. Waxeyna ifka kaga tagtay ayuu yiri 45 caruur ah oo isugu jira waxey dhashey iyo kuwii ay sii dhaleen.

Allaha u naxariistee Faadumo Qaasin Hilowle waxa ay fanka ku soo biirtay iyadoo aad u yar oo Lix sano jir ah, waxaana shaqada dowladda loo qoray sanadkii 1966dii waxeyna aheyd fannaadad qaran oo can ka ah dalkeena Soomaaliya.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip