Siyaaradi Mashaa'iqda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada London (Sawiro)

0
Tuesday November 11, 2014 - 09:25:02 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Mashaa'iqda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada London (Sawiro)

    Waxa magaalada London gaar ahaan south west , lagu soo qatimay Qur'aan aqriska siyaaraadka Masha'iqda Soomaaliyeed ee Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxman.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada London gaar ahaan south west , lagu soo qatimay Qur'aan aqriska siyaaraadka Masha'iqda Soomaaliyeed ee Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Maxamed Sheekh Cabdiraxman.
Munaasabada lagu soo qatimayay siyaarada Masha'iqda ayaa laqabtay maalinti Axada bisha muxaram 17 /1436 kuna Beegneed 9/bisha november 2014
Siyaarooyinki sheekh cabdiraxman Sheekh Cumar iyo sheek Maxamed Sheekh Cabdiraxman oo alaba lagu qabto sanada walbo magaalada London ayaa waxaan ka so qebgalay culuma'udiin aad u farabadan

Habsami usocodka Jadka siyaarada ayaa waxa lagu bilaabay Qadmooyinka 114ta Qur'aanka Kariimka, waxana lagu Xujiyay Tawasulka, Qasiidooyin oo u badan Nabi amaan iyo Madaa'ixda Owliyada Ilaahey

Intaa kadib waxaa bilaabatey muxadaroyiki waxaana Soo jeediyay wacdi aad uqiimo badan oo ruxay dhamaan qalbiyadi dadki kasoo qeybgalay Siyaarada Mashaa'iqda, qaar kamid ah culimadi kasoo qeybgashay siyaarada oo u horeeyo Fadiilatu sheekh maxamed kulmiye , sheekh axmed caato iyo sheekh cali lobagey

Sidoo kale Culimada waxey ka hadleen, taariikhda dheer ee Sheekheena Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo sida uu qeyb libaax leh uga soo qaatay Faafinta Diinta Islaamka.

jamecoyin ka so qebgaley waxaa ka mid ahaa reer sheekh Sufi reer sheekh maxamed faqay yusuf iyo reer macalin nuur waxaana gabagabadi doco ku so gunanadey sheekh maxamed kulmiye inti kasoo qeb gashey iyo inti uqmiisana dhamaantood in Alle Ajir iyo Xasanaad kasiiyo .

Jawiga Siyaarada Ayaa kusoo dhamaaday si qurux badan .

W/D, Xaaji Cabdiraxman Xaaji Maxamed Maxamuud (Cabd Yare)
Warsheekh-London

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip