Jimco Wanaagsan, Dhamaan Aqristayaasha Shabakada Warsheekh meel walba oo aad joogtaan waa markale iyo xubinteeni oo maalin walba oo jimco ah aan idinkugu soo gudbin jirnay muuqaalada Xaafadaha Degmooyinka Muqdisho gaar ahaan Deegaanada sida gaarka ah usaameeyeen Dagaaladi udhaxeeyay Dowlada iyo shabaab.
Qormadeena Maanta ayaa waxa kusoo qaadan doonaa Qeybo kamid ah Degmooyinka Boondheere oo ay kamid yihiin Dhismihi bur buray ee Ex Baarlamaanki Soomaaliya, Taaladi dheereed ee Daljirka Dahsoon, Dhismihi Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya, Dhismihi Hotelki Shabeele ee Isla Degmada Boondheere iyo waliba Muuqaalada Isgoysyada Boondheere iyo Maanaboolyo.
Hadaba Qormadeena Maanta ayaa waxa kaga dheehan doontaan muuqaalo idinku reebi doono xusuus iyo jiririco, iyadoo dadki horena unoqon doonto xusuus tiiraanyo leh kuwa cusubna ay u ahaan doonto aragti murugo leh.
Bilicda magaalada Muqdisho mar bee hogaanka Caasimadaha Afrika kaga jirtay kaalimaha hore halka iminka ay kaga jirto dhanka hoose.
Hadaba Aqristow aragtidaada ku aadan sawiradaan hoose noo soo gudbi, adigoo waliba xaq uleh inaa naga dalbato hadba muuqaalada aad ka dooneesid Magaalada Muqdisho inagoo ku dadaali doono inta karaankeena ah inaan daboolno baahidiina Muuqaalada muqdisho ee hada.
Halkaan Hoose Kadaawo Dhamaan Muuqaalada Maanta!!!

Waa Aragti xanuun iyo ciil badan, Waxa idin Muuqdaa waa Hotelki Shabeele ee Degmada Xamarweyne oo ay kasoo hartay hal darbi oo kaliya, isagoo noqday meel banaan ah waxa uu maanta uyahay hoy dad barakacayaal ah, waxa uuna safka hore kaga jiray hotelada ugu bilicsanaa magaalada Muqdisho.

Halkani waa Xarunti Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo marki horeba ku bur buray dagaaladi sukeeye waxasa inti dhinees sii tir tiray dagaaladi ugu dambeeyay ee shabaabka iyo Dowlada, dadki hore uma baahna tilmaamo laakin hadii aan xasuusiyo dadka danbe, Rinjiga Gaduudka ah ee idin muuqdo waa qeybihi ka haray Dhagaxdi Dhismihi Baarlamaanka ka koobnaa oo intoodi badneed ku baaba'ay Dagaalada halka qeybihi kasoo harayna kooxo tuugo ah qaab ganacsi ujajabsadeen hantidi Umada Soomaaliyeed.

Waa Muuqaalki bur buray ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Waliba Taaladi Daljirka

Dhismihi Wasaarada Caafimaadka Ee Dowladi Dhexe ee Soomaaliya oo ku bur-buray Dagaaladi kadhacay dalka gaar ahaan Dagaaladi udambeeyay ee Dowlada, Amisom iyo Shabaab kudhax maray Degmada Boondheere oo ay kuyaaliin Dhismooyin caan ah oo astaan u aheyd Umada Soomaaliyeed.

Dhismihi Wasaaradi hore ee Caafimaadka oo hoy unoqday Barakacayaal Soomaaliyeed

Wadada hor martay Taalada Daljirka iyo Ex Baarlamaan oo Gawarida Dadweynaha iyo isusocodka dadka oo dib uga bilowday halkaasi

waa wadada tagta Suuqa Weyn ee Degmadi Boondheere oo ay xirtay Geedo.

Gawaarida Dadweynaha oo socodkoodi ka bilaabay wadada udhaxeyso Degmada Xamarweyne, Ex-Baarlamaanka, Daljirka Dahsoon, Isgoyska Boondheere, Isgoyska Maanaboolyo, Isgoyska Jardiinka, Isgoyska Towfiiq ilaa Isgoyska fagax.

Waxa iminka idin muuqdaa waa qeybo kamid ah dhufeyska Amisom kulahaayeen Degmada Boondheere waana muuqaalki wadada tagta isgoyska Boondheere oo kamid ah goobaha ugu badan ee dagaalada xoogan kudhax maray Dowlada iyo Alshabaab, waxa ayna galaafteen dagaaladaani nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed iyo wali hanitda Umada Somaliyeed

Qeybo kamid ah jardiinka Isgoyska Boondheere oo isu badalay Goof lama dagaan ah

Halkani waa Qeyb kamid ah Jardiinka Isgoyska Boondheere gaar ahaan Wadadi ujiireeneesay dhanka Isgoyska maanaboolyo waxa iminka idin muuqdaana waa halki uu kuyiilay Gurigi xaaji maxamud Hadaafow oo gabi ahaan bur buray, waxana bur burka ugu xoogan ee degmada boondheere soo gaaray kayimideen taangiyada amisom oo halki ee laamiga ka mari lahaayeen jicleestay bur burinta Daaraha kuteedsan laamiyada dhinacooda bacdama ay ka baqayeen miino iyo godad looga qoday Laamiyada.

Muuqaalo kamid ah jardiinka Isgoyska Boondheere oo umuuqdo xiligaan mid markale rajo ka qaba dib udhis iyo dowladnimo, nabad iyo Nolol.


Qeyb kamid ah Jardiinka Isgoyska Boondheere oo kasocoto sameenta bulkeetiga

Wadadaani waa wadid udhaxeysay isgoysyada Boondheere iyo waliba Siinaay

Isgoyski Maanaboolyo oo ay ka muuqato bur bur baahsan oo kasoo gaaray dagaaladi udambeeyay ee Muqdisho

Waa Qeybo kamid ah Isla Isgoyska Maanaboolyo oo ay ka muuqato bur bur xoogan.
DhamaadQeybihi Kudhafay Halkaas Hoose Ka Aqri:
Bur Burka Degmooyinka Muqdisho (Q.3aad) "Daawo Sawiro"
Jimco Wanaagsan, Dhamaan Aqristayaasha Shabakada Warsheekh meel walba oo aad joogtaan waa markale iyo xubinteeni oo maalin walba oo jimco ah aan idinkugu soo gudbin jirnay muuqaalada Xaafadaha Degmooyinka Muqdisho gaar ahaan Deegaanada sida gaarka ah