Nasashada Jimcaha "Sidee Buu Udhacday Aaska Sheekheena Sheekh Axmed Gabale"

0
Friday July 25, 2008 - 14:29:33 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha "Sidee Buu Udhacday Aaska Sheekheena Sheekh Axmed Gabale"

    Aqristayaasha Qiimaha iyo Qaayaho lahow Waa bahda shabakada warsheekh oo markale dib idinkugu Bilaawday Maqaalki aan ugu magac darnay,(Nasashada Jimcaha) taa oo hakad dheer kadib maanta aan dib ubilaawnay iyadoo isla maantana aan kusoo qaadan doono q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqristayaasha Qiimaha iyo Qaayaho lahow Waa bahda shabakada warsheekh oo markale dib idinkugu Bilaawday Maqaalki aan ugu magac darnay,(Nasashada Jimcaha) taa oo hakad dheer kadib maanta aan dib ubilaawnay iyadoo isla maantana aan kusoo qaadan doono qormo aan uga hadleeno, “ Aaska Sheekheeni Sheekh Axmed Gabale iyo Siduu udhacay “

 


Midka ka mid ah Muuqaalada Sheekheena Sheekh Axmed Gabale waana sheekha Dhaxda ku jira oo cimaamada Gaduudan isagoo Jooga Siyaarada Shiikhiisa Sheekh C/raxman Ow Cumar.

Sheekh Axmed Gabale oo ka duceynaayo Banaanbaxa Sheekhiisa Sheekh C/raxman Ow Cumar waana Sanadi ugu horeesay oo baabuurka dushiisa oo ka duceeyo

Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman iyo sheekh Axmed Gabale

Sheekh Da'ud Sheekh Maxamed oo ka hadlaayo Tartiibta sheekha iyo halka lagu duugayo

Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin oo qaar ka mid ah Jameecada Ahlusuna Waljamaac eesan usaamicin tagida halka sheekha lagu aasayay oo ku dukanayaan Salaatu janaasa

Maalinimadi Isniinta oo Taariikhda Hijriga ay ku beegneed 12/06/1428H Tan Milaadigana ku beegneed 16/06/08M Waa maalin Mugdi ah oo ifka ka tagay Caalim Weyn oo aad loogu Ciseeyo Diinteena Islaamka Ah .

Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Xasan oo loo Yaqiin Sheekh Axmed Gabale oo ahaa mid kamid ah Tiirarka Culumada Islaamka Gaar ahaan Dalkeena Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee Wadanka Soomaalya.

Sheekh Axmed Gabale waxa uu ahaa Shaqsi Ku caan Baxay Fidinta Diinta Islaamka iyo Uqidmeenta Umada Islaamka Gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Taana ay markaati ka yihiin Dhamaan Shacabka Soomaalyeed.

Sheekh Axmed Gabale waxa uu fadhiguusi ahaa Deegaanka Loo Yaqaan Qalimow ee Gobolka Sh/Dhexe, halkaasi oo ku yiilay Mid ka mid Ah mowlacyada ugu waa weyn ee sheekha, Sheekha ayaa waxa laga soo galbiyay Maalma ka hor inta uusan dhiman Deegaanka Qalimow kadib marki Xanuun Qabtay isagoo lagu Baxnaaninaayay Isbitaalka Keysaney ee Duleedka W/Muqdisho.


Muuqaalka Guud ee Culuma'udiinki kasoo qeybgalay aaska sheekha

Muuqaalka Guud ee Culuma'udiinki kasoo qeybgalay aaska sheekha

Medka Sheekheeni Sheekh AXmed Gabale oo si qushuuci ku jirto loo daadahaynaayo

Medka Sheekheeni Sheekh AXmed Gabale oo si qushuuci ku jirto loo daadahaynaayo

Medka Sheekheeni Sheekh AXmed Gabale oo si qushuuci ku jirto loo daadahaynaayo

Sheekh Axmed Alaah ka raali Noqdee waxa Qadartiisu Dhamaatay maalinimadi Isniinta isagoo ku geeriyooday Isla ISbitaalka uu ku jiray Maalmo ee Hospital Keysaney.

Sheekh Axmed Gabale ayaa naftu ka baxday Habeenimadi Isniinta Soo galeesay Saacada marka ay ku beegneed Sideeda Saac ee Saq dhexe sida ay kusoo waramayaan Qudumada Sheekha .

Dhimashada Sheekha Kadib waxa si Xad dhaaf ah usoo buuxshay Dhamaan Qeybaha uu ka kooban yahay ISbitaalka Culuma’udiinka iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeen iyadoo maalintaana ay u aheyd shacabka Maalin murugo iyo mugdi ah .

Maalinimadi Isniinta ma jirin Sheekh Wax aqriya ama Mid loo aqriyo oo aan qushuuc la imaan Salaada Janaasada Sheekha oo lagula tukaday inta aan la qaadin Meydkiisa.

Sidoo kale Isbitaalka oo leh Barxado aad uwaaweyn ayaa malintaa noqday mid cariiri ah oo ushi la tuuraa aysan Dhulka Dhaceen,Salaada Janaasada Sheekha looma kala harin hadii ay ahaan leheed Culumada ugu waaweyn gayiga Soomaaliya iyo Caamadooda intaba .


Muuqaalka Guud ee Culuma'udiinki kasoo qeybgalay aaska sheekha

Qaar ka mid ah Caa'ilada Sheekha oo ka tiiraanyeesan Geerida Naxtinta leheed ee ku timid Aabe Sheekh Axmed Gabale

Culumadi Reer Sheekh C/raxman oo ku dukaneeso Salaada Janaasada Sheekheena sheekh Axmed Gabale

Jameecada Sheekh C/raxman Ow Cumar ee Reer Cadale oo hogaaminaayo SHeekh C/llaahi oo iyagana Janaasada Sheekha Dukanayaan

Siid Mohamud Sheekh C/raxman oo taagan Aaska Sheekh Axmed Gabale

Sidoo kale waxa kazoo qeybgalay Salaada Janaasada Sheekha mas’uuliyiin Ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Cuqaasha ku dhaqan Gobolkaan Banaadir.

Marki Dhamaan ay isu soo aruureen Culuma’udiinki ayaa Sheekh Da’ud Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman Ow Cumar oo Maalintaa hogaaminaayay Culimadi loo Xilsaaray Tartiibta Amuuraha meyka Sheekha  iyo Aasidiisa  ayaa Cod Baahiyaha ka sheegay in Sheekha Meydkiisa loo qaadayo Halka uu ku duugan yahay Aabihiis Sheekh Maxamed Xasan ee loo yaqaan (Fido Yarey) ee Gobolka Sh/Dhexe isla Markaana Masha’iqda Sagootintooda halkaan ku egtahay ay Salaada ku dukadaan .

Intaa kadib waxa Salaadi Janaasada aheyd ku wada dukaday Dhamaan inti ay usaamixi weysay in ay gaaraan halka loo yaqaano Deegaanka Fido Yarey oo ka tirsan Degmada mahaday ee Gobolka shabeelaha Dhexe.iyadoo intii Masha’iqdaa kazoo hartayna ay Meydka sheekha ugalbiyeen Deegaanka Fido iyadoo ay mareen Wadada Xeebta ah ee Marta Degmooyinka Warsheekh iyo Cadale maadaamo roobab Lixaad leh ay socdeen isla markaana ay adkeed marida wadada laamiga ah ee Degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ma aheyn wax la tiri karo Culumadi galibineesay Meydka Sheekha iyo gawaarida ay wateen iyadoo Galabti ay gaareen Halki lagu aasi lahaa Sheekha ee Fido Yarey iyadoo lagu aasay Goob oo Sheekha hore u calaameeyay ama ka dardaarmay.


Midka mid ah Talaamiida Sheekha oo Aqrinaayo Nabi Amaano xiligi la aasayay Sheekheena Sheekh Axmed Gabale

Medka sheekha marki la asturay iyadoo lagu shubayo Caradii

Hogaamiyaha Jamaacatu Qeyr ee Sheekh Axmed Gabale macalin Nuur oo taagan Aaska sheekheena Sheekh Axmed Gabale

Sheekh Maxamud Godane oo Fadhiyo Qadmada Sheekheena Sheekh Axmed gabale

Sheekh C/raxman Sheekh Muxumed,Sheekh Da'ud Sheekh Maxamed, iyo sheekh Cumar Sheekh Maxamed iyo qaar ka mid ah Jameecada Reer Sheekh C/raxman Ow Cumar oo ufadhiyaan Qadmadi ugu horeesay ee lagu dul Aqriyo Qabriga Sheekh Axmed Gabale

Markale ayaa waxa Salaadi Janaasada aheyd ku dukaday Dhamaan Culumadi Meydka sheekha Soo galbisay iyadoo Salaadana Dushiyay Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman isla markaana Sheekha ku dul Aqriyay Talqiinta.

Sheekh Qaasim sheikh C/raxman ow Cumar oo la hadlay Dhamaan Masha’iqdi iyo Dadweynihi kazoo qeyb galay ayaa kula dar daarmay in lagu waano qaato dhimashada Shiikha, Isagoo sidoo kale Sheegay in loo baahan yahay in qushuuc lala yimaado isla markaana dib loola laabto in la is faro alla kacabsi waayo ayuu yiri hadii aan imaano Aaska Sheekha anaga oo qosleeno hadan aan iska laabano anaga oo qosleeno taa wax Faa’iido ah kama heleeno Sagootinta Sheekheeni aan Jecleen.

Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Ow Cumar ayaa dhamaan uduceeyay kazoo qeybgalayaasha Aaska Sheekha isagoo Yiri “ Sheekh Axmed in uu Ahaa Adoon Maqaam ka gaaray Ilaah Agtiisa  ka gaaray Shaki Noogama juro , Wlil Ilaah Raali Ka noqday in uu yahay SHaki Noogama jiro, In Ajir iyo Nafaxaad laga helaayo Soo raacida Aan soo raacnay Shaki noogama jiro ee kuwii ku waansama alaah Inaga Dhigo ayuu hadalka sii raaciyay Sheekha.

Sidoo kale Culumadi Kasoo Qeybgashay Aaska iyo Janaasada Sheekha

1- Sheekh Qaasim Sheekh C/raxman Ow Cumar
2- Sheekh Shariif Sheekh Muxidiin Celi
3- Macalin Nuur Maxamed siyaad
4- Sheekh Abba
5- Sheekh Xusen Sheekh maxamed Faqay Yuusuf
6- Sheekh maxamud Godane
7-Sheekh Da'ud Sheekh muxumud
8- Sheekh Nuur Omar Absuge
9- Macalin C/llaahi Madoobe
10- Shieekh C/llaahi Dheere

Iyo Culuma'udiin kale oo Fara badan oo maalintaa kasoo wada qeyb galay Aaska Sheekhaana Sheekh Axmed Sheekh maxamed Xasan oo loo yaqaan sheekh Axmed Gabale.

Hadaba Ma ahan mid lagu soo koobi karo Qormo Qura Qiimaha iyo Baaxada ay la eked Sagootinteeni Caalimkeeni Wiligeeni Sheekheeni Aabaheeni Walaalkeeni Sheekh Axmed Sheekh Maxamed Xasan (Al Gabale)


Muuqaal ka mid ah Aragtida Culumada udiinki Aqrinayay Qadmada Sheekha

Muuqaal ka mid ah Aragtida Culumada udiinki Aqrinayay Qadmada Sheekha

Muuqaal ka mid ah Aragtida Culumada udiinki Aqrinayay Qadmada Sheekha

Hadaba Bahda Shabakada Warsheekh oo markale idin leh Dhamaanteen Samir iyo Iimaan Alaah inaga siiyo Shiikheena Sheekh Axmed inagana alaah inaga dhigo Micigiisa.

Halkaan Ka Dhageeso Dhamaan Muxaadaradi iyo Talqiinta Sheekha lagu Aqriyay

F. G. Waxa markale ka cudur daaraneenaa hadii aan nahay maamulka iyo shaqaalaha Webka Warsheekh in ay naga dib dhacday Qormadaan Qiimaha leh taas oo ugu wacan cilado Xaga Farsamada webka ah oo ina qabsaday balse Alle Mahadii Owliyada Fadligeeda aan hada kasoo bogsoonay.

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip