Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal Soomaali ah ay galeen wadankaasi kuwaasoo doonayay inay uga sii gudbaan wadamada kale ee qaaradda Yurub.
War bixin saaka lagu qoray wargeyska Xorriyah ee ka soo baxa wadanka Turkiga wadanka ayaa waxaa lagu sheegay in tirada tahriibayaasha Soomaalida ah ee sanadkaan sida sharci darada ah ku tagay wadankaasi ee la qabtay ay gaarayaan (1,300 Kun iyo Sadex boqol) oo ruux kuwaasoo intooda badan ka cararay xaaladaha adage e colaada iyo abaaraha ka jira wadanka.
Muhaajiriintaan Soomaalida ah ayaa la sheegay inay qorshaha ugu jirtay inay Turkiga uga sii gudbaan wadanka Giriiga kadibna ay iska sii dhiibaan wadamada kale ee reer Yurub.
Soomaalidaan nolol raadiska ah ee lagu qabtay wadanka Turkiga hay’adaha amaanku waxaa ay sheegeen inay ka soo qabteen gobolada wadankaasi waxaana xukumadda Turkigu sheegtay inay aad u kordheen sanadkaan tahriibayaasha wadamada dunida Sadexaad ee dalkeeda tagaya.
Muhaajiriin kale oo u dhashay wadamada Falastiin Syria iyo Afghanistan oo kumanaan ruux gaaraya ayay dawlada Turkigu sheegtay inay hayso kuwaasoo sharci darro dalkaasi ku galay.
Dalka Turkiga waxaa uu ka mid yahay wadamada ay sii maraan Soomaalida tahriibayaasha ah ee doonaya inay galaan wadamada Yurub qaarkoodna waxay dhibaatooyin kala kulmaan xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga.
Xukuumadda Turkiga waxay ka mid ah wadamada dunida Muslimka ee sida weyn haatan ugu soo gurmaday bulshadda Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoona tiro badan oo arday ahna ugu deeqay waxbarasho lacag la’aan ah
Warbixin Laxiriirta Somalida Utahriibta Dalka Turkiga
Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in tiradii ugu badneyd oo tahriibayaal Soomaali ah ay galeen wadankaasi kuwaasoo doonayay inay uga sii gudbaan wadamada kale ee qaaradda Yurub.